DAAWO: Dareennkii Qiirada Lahaa Iyo Qalbi Jabkii Ay Jamaahiirta Ajax Ugu Soo Baxeen Si Ay Taageero Layaableh Ugu Muujiyaan Abdelhak Nouri Oo Dhaawac Aan Ka Soo Kabsasho Lahayni Uu Maskaxda Ka Soo Gaadhay.

by Mohamoud Batalaale | Saturday, Jul 15, 2017

Boqaalaal kun oo taageerayaasha kooxda Ajax ah ayaa iskugu soo baxay banaanka hore ee guriga qoyska Abdelhak Nouri kaas oo uu soo gaadhay dhaawac aan ka soo kabsho lahayn oo waliba ka soo gaadhay dhinaca maskaxda. Qoyska Abdelhak Nouri uu ka dhashay ayaa qalbi jabiyo iyo muraaro dilaac ishayn kari waayay markii ay arkeen gurigooda oo ay soo horjoogsadeen boqolaal kun oo taageerayaasha Ajax ah kuwaas oo taageero aan la rumaysan karin u muujiyay xidiga dhibta wayni soo gaadhay ee Abdelhak Nouri.

Abdelhak Nouri ayaa ah ciyaartoy 20 sano jir ah wuxuuna garoonka ku dhex suuxay intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee dhex martay kooxdiisa Ajax iyo kooxda ree Germany ee Weder Bremen oo dalka Austaria ka dhacday July 8 waxaana markaas loola carraray cisbitaal ku yaal Austaria basle waxaa loo sii gudbiyay dalkiisa Holland gaar ahaan cisbitaal ku yaal magaalada Amsterdam.

Abdelhak Nouri ayaa markii hore la suuxay dhibaato dhinaca wadnaha ka soo gaadhay laakiin kooxda Ajax ayaa si rasmi ah u shaacisay in Abdelhak Nouri ay maskaxda ka soo gaadhay dhibaato aan aanu ka soo kabsan karin isaga oo lumiyay xusuusta isla markaana ayna inta badan maskaxdiisu shaqaynayn.

Abdelhak Nouri ayaa ku jira xaalad aad u dag oo nolol iyo geeri u dhexaysa waxaana la sheegay in madaxkada shaqada gabtay ay keentay la’aanta hawada Oxygen ee uu nooluhu u baahan yahay, waxayna jamaahiirta kooxda Ajax muujiyeen sida ay qoyska Abdelhak Nouri ay u garab taagan yihiin.

Waxaa muuqaalka aad hoos ka arki doonto ka soo baxaya xubnaha qoyska Abdelhak Nouri oo oohinta xejisan kari waayay markii ay dhexda u galeen boqolaalka kun ee taageerayaasha kooxda Ajax ah, waxaana meesha ka dhacday mashaqo iyo muraaro dilaac.

Ciyaartoy badan oo ay ka mid yihiin Luis Suare iyo Robin Van Persie ayaa si qiiro leh uga hadlay xaalad adag ee la soo darista 20 sano jirkan  Abdelhak Nouri kaas oo aan hadda wax dhaqaaq ah samayn karin isla markaana aan garin karin xumbaha qoyskiisa.

Abdelhak Nouri ayay jamaahiirta kooxdiisu u yaqaaneen Appie waxayna soo qaateen boodhadh ay ku taageerayaan iyaga oo muujiyay sida ay ugu midaysan yihiin xaalada xun ee uu galay xidiga isaga oo maaliyada kooxdooda difaacaya ay halistan noloshiisa galaafatay soo gaadhay Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments