Daawo: Dani Alves Oo Dhunkasho Kala Daalay Garoonka Kooxda Barcelona Ee Camp Nou Markii Uu Ku Soo Laabtay

by Abdiweli Adan Jamac | Wednesday, Apr 19, 2017

Daafaca kooxda Juventus Dani Alves ayaa markii ugu horaysay ku soo laaban doona kuna ciyaari doona garoonka kooxda Barcelona ee Camp Nou kadib markii uu xagaagii isaga tagay kuna biiray kooxda Juventys.

Xiddigan reer Brazil ayaa Sameeyay Arin la yaab leh kadib markii uu soo galay garoonka ka hor kulanka caawa isaga oo dhunkasho ku salaamay garoonka.

Alves ayaa kooxda Barcelona ku soo qaatay 9 sano kadib markii uu kaga soo biiray kooxda Sevilla sanadkii 2008 laakiin waxa uu noloshiisii Camp Nou soo afjaray xagaagii hore Laacibtv Ka Daawo Muuqaalkan.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments