Daawo : Dadka Brazil Kubadda Waa Ay La Dhasheen Wax Waliba Sidii Kubadda Ayay Ugu Baashalayaan

by Abdiweli Adan Jamac | Monday, Jun 19, 2017

Dadka reer Brazil ayaa lagu tirayaa shucuubta ugu badan dunida ee aadka u jecel kubadda cagta oo da`yar waliba oo reer Brazil ah waxa uu ku taamayaa in uu noqdo xiddig kubada cagta ah

Wargeyska AS ayaa haatan baahisay muuqaal shaqsi reer Brazil ah oo ka dhex adeeganayay dukaan kaasi oo alaab uu soo iisbaday u bad baadiyay qaab kubadeed oo cajiib ah xilli ay dhulka kaga sii dhaceysay

Si farsameysan ayuu uga ilaaliyay in ay dhulka uga dhacdo alaabtaas oo sidii kubaddii ayuu inta uu mooleystay ka dibna si nabad ah gacanta ugu dhigay ,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqalkaas