DAAWO: Andres Iniesta Oo Gool Cajiib Ah Ku Daah Furtay Waayihiisa Cusub Ee Horyalka Japan Iyo Farsamadii Layaabka Lahayd Ee Uu Indhaha Ku Soo Jiitay.

Kabtankii hore ee kooxda Barcelona ee Andres Iniesta ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee horyaalka dalka Japan laakiin qaabka uu goolkan ku dhaliyay ayaa soo jiidatay indhaha mucaashqiinta kubbada cagta ee sanado badan ku soo raaxaysanayay xidigii hore ee xulka Qaranka Spain ee Iniesta oo taariikh soo dhigay laakiin hadda waxa uu waayihiisa cusub ee J-League uu ku bilawday gool qurux badan.

Andres Iniesta ayaa isticmaalay farsamooyinkii uu caanka ku ahaa si uu dhulka u dhigo ciyaartoygii goolka ka xidiga ee difaacanayay wuxuuna si khibrad badan leh kubbada u hoos mariyay goolhayaha isaga oo sidaa ku dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisa Vissel Kobe.

Andres Iniesta ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii la soo dhaafay go’aan ku gaadhay in uu ka baxo Barcelona oo uu tan iyo carruurnimadiisii soo joogay wuxuuna ku biiray kooxda ree Japan ee Vissel Kobe oo uu kulankii ugu horeeyay guuldaro kula bilawday.

Laakiin Andres Iniesta oo koobkii aduunka ee Russia kadib ku dhawaaqay in uu ka fadhiistay xulka qarankiisa Spain ayaa hadda diirada saari doona kooxda Vissel Kobe ee ka dhisan horyaalka Japan ee J-League isaga oo gool aad halkan hoose ka dawaan karto akownkiisa ku furtay.

Haddaba halkan ka daawo goolkii quruxda badnaa ee uu Andres Iniesta ku furtay waayihiisa kooxda ree Japan ee Vissel Kobe iyo waliba qaabkii uu difaaca u ceebeeyay: