Daaha Laga Rogay: Sababta La Yaabka Ah Ee Ay Ku Kala Tageen Sanchez & Gacalisadiisa

Alexis Sanchez waxa uu go’aansaday in ay kala tagaan gacalisadiisii Mayte Rodriguez sababo la xiriira in ay waqti dheer kala maqnaanayeen, sidaas waxaa laga soo xiganayaa saaxiib ku dhaw aktarada reer Chile.

Bilowgii 2017 waxa ay lamaanahaan banaanka keeneen xiriirkooda laakiin Rodriguez waxa ay ku sii nooleeyd Chile halka Alexis Sanchez uu ku haray magaalada London kahor inta uu soo aadin Manchester bishi Janaayo.

Rodriguez waxa ay Sanchez ku soo booqatay magaalada Manchester bishii April laakiin aktarada saaxiibteed oo lagu magacaabo Trinindad Segura ayaa sheegtay in kala fogaanshahaas uu noqday mid aysan u dulqaadan karin labadoodaba.

“Waxa ay curiyeen kumanaan waxyaabood [oo xiriirka ay ku sii wadi kareen] laakiin sababta ay u kala tageen waa ay fududahay waa kala fogaanshaha, intaas wax dheer ma jiraan” ayay Segura u sheegtay barnaamijka Intrusos.

“Arrimaha ay curiyeen uma shaqeyn, laakiin waxa ay ku kala tageen dareen wanaagsan, xaaladeeda aad ayey u wanaagsan tahay isagana sidoo kale,.

“Mar walba isaga ayey iiga sheekeysaa isna wax wanaagsan ayuu ka sheegaa.”