Daah Laga Rogay: Ed Woodward Oo Qorsheenaya In Saxiixa Ozil Ku Farxad Galiyo Mourinho

Waxaa lagu soo warramayaa in Jose Mourinho oo si la yaab leh ugu dhaqaaqi doono sidii uu ku soo heli lahaa Mezut Ozil.

Mourinho waxa uu hore ugu soo maamulay Ozil kooxda Real Madrid waxa uuna qishay bishii Janaayo in uu daneenayo saxiixiisa.

Laacibkii hore ee Germany waxa uu dhawaan Gunners u saxiixay heshiis cusub oo uu toddobaadkii ku qaadanayo £350,000.

Hase ahaatee, waxaa soo baxaya warar sheegaya xurguf u dhexeysa isaga iyo tababaraha cusub, Unai Emery.

Daily Express waxa ay sheegtay in Mourinho uu in muddo ku raad joogtay saxiixa Ozil oo uu hadana ku jiro qorshaha saxiixiisa.

Tababarahii hore ee Chelsea waxa uu dhalleeceeyey dhaq dhaqaaqii suuqa uu United iyaga oo xagaagii hore saddex ciyaaryahan uu la soo saxiixdan, kuwaa oo kala ah Fred, Diogo Dalot iyo Lee Grant.

Hadda waxa ay warbixinada sheegayaan in Ed Woodward uu diyaar u yahay keenidda Ozil si uu uga farxiyo Mourinho.

Kaddib bilow hoose, Ozil waxa uu ka caawiyey Arsenal guushii ay Newcastle ka gaadheen satidii isaga oo gool u dhaliyey.