Daafaca Amaahda Kaga Maqan Real Madrid Ee Theo Hernandez Oo Markiisa Ka Hadlay Dooda 10-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay Ka Taagnayd Midka Fiican Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Daafaca da’yarka ah ee dhawaan qaabka amaahda ah kaga baxay kooxda Real Madrid ee Theo Hernandez ayaa waraysi uu bixiyay kahor kulanka ay galabta wajahayaan kooxda Barcelona kaga faalooday qoddobo dhawr ah oo uu kamid yahay midka fiican xiddigaha Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Dooda ka taagan midka fiican CR7 iyo Leo ayaan ahayn wax ku cusub kubadda cagta maadaama oo ay soo taagnayd 10-kii sano ee ugu dambeeyay oo ahaa sanado ay xiddigahani horumar weyn ka sameeyeen kubadda cagta isla markaana ay ahaayeen xiddigaha ugu sareeya ee astaanta ah.

Theo oo ka faaloonaya doodan ayaa sheegay in xiddigii ay hore uga wada tirsanaayeen Real Madrid ee Cristiano Ronaldo uu ka fiican yahay kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi.

Daafacan oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi “Messi miyaa? Aniga ahaantay, Inkastoo uu ka tagay Real Madrid, waxaan filayaa in Cristiano Ronaldo uu yahay midka ugu fiican”

Dhinaca kale daafacan ayaa ka hadlay daafacyada ay isku booska yihiin ee kooxaha Real iyo Barca oo kala ah Jordi Alba iyo Marcelo Vieira, Theo ayaa sheegay in Alba uu yahay daafac fiican balse uu isagu jecelyahay Marcelo oo uu ku sifeeyay daafaca bidix ee ugu fiican kubadda cagta wakhti xaadirkan.

“Jordi Alba waa ciyaartoy fiican laakiin sida aan idhi, Waxaan inbadan jecelahay Marcelo kaas oo ah daafaca bidix ee ugu fiican shaki la’aan”

Ugu dambayn, Theo Hernandez ayaa kulanka galabta ee Anoeta Stadium si fool ka fool ah uga hor imaan doona xiddiga Lionel Messi waxaana la wada daawan doonaa qaabka uu kubadda uga daafacdo kabtanka Barcelona.