Cristiano Ronaldo & Sergio Ramos Oo Hal Arin Si Wadajir Ah U Weydiiyay Robert Lewandowski Kulankii Lugta Labaad.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Friday, Apr 21, 2017

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya warbaahinta Spain gaar ahaan jariiradda AS, labada xidig ee ugu weyn Real Madrid Sergio Ramos iyo Cristiano Ronaldo ayaa weydiiyay weeraryahanka Bayern Munich iyo qaranka Poland Robert Lewandowski inuu kusoo biiro kooxda boqortooyada.

Sida warbixinada ay sheegayaan Sergio iyo Cristiano ayaa 28-jirkaan u sheegay inuu boos uga banaan yahay kooxdooda isla markaan ay soo dhaweynayaan waxaana intaas xigay in xidiga Bayern uu wada sheekeysi yar la yeeshay madaxweyne Florentino Perez.

Robert Lewandowski wuxuu aad uga taxadarayaa xiisaha kooxda Real Madrid sidoo kalana wuxuu quuldareynayaan inuu aado Santiago Bernabeu.

Bishii December ayey aheyd markii uu Lewy saxiixay heshiis cusub kaas oo ka dhigay xidiga ugu mushaarka badan Bundesliga madama uu 12.5 Malyan oo Euro qaadanayo xili ciyaareedkii.