Cristiano Ronaldo Oo Wajahaya Baaritaan La Xiriira Canshuurta Lacagaha Xayaysiinta Ee Uu Ka Helay Meelo Ka Baxsan Spain

by Saed Balaleti | Friday, May 19, 2017

Sida ay sheegtay warbaahinta dhinaca dhaqaalaha Isbaanishka ee El Confidencial, madaxda waaxda canshuuraha ee dalkaas ayaa ku jira gabagabada dacwadii ay ka gudbin lahaayeen weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo oo la xiriirta inuu wax isdabamarin ka sameeyay cansuurtii laga rabay intii u dhaxeysay 2009 iyo 2011.

Waakalada canshuurta ayaa sheegeyesa in Ronaldo uu ku hungoobay inuu canshuur buuxda ka bixiyo lacagtii uu shaqeystay ee 150 milyan euro aheyd oo uu ku helay xayaysiinada intii u dhaxeysay waqtigaas, waxaana wakiilada kabtanka reer Portugal ay lacagtaas u gudbiyaan British Virgin Island iyo shirkado kale oo dhowr wadan ku yaala si aan canshuur badan looga bixinin.

Ronaldo ayaa beeniyay inuu sameeyay wax qalad ah, waxaana shirkada isaga wakiilka ka ah ee Gestifute ay baahisay rikoorkiisa canshuurta ka dib markii ugu horeysay ee ay eedeymahaan soo baxeen, waxaana dukumiintiyadaas lagu arkay in xiddiga Real Madrid uu hanti gaareysa 203 milyan yuro ku lahaa meel ka baxsan Spain sannadii 2015.

Si kastaba, madaxda waaxda canshuuraha ayaa haatan ka shaqeynaya inay baaris ku sameeyaan xaqiiqda ah in Ronaldo uu 5.6 milyan euro oo canshuur ah uu ka bixiyay lacagtii uu ku helay xayaysiinta intii u dhaxeysay 2009 iyo 2015. Madaama baaritaanka uu markii hore soo bilowday 2011, waaxda canshuuraha waxa ay heystaan ilaa iyo 30ka bisha Juun inay dacwad ka gudbiso Ronaldo ka hor inta uusan dhicin qeynuunka xadeynaya.

Isagoo u hadlayay El Confidencial, afhayeenka shirkada Gestifute ayaa yiri: “Marka loo eego sharcigii Beckham oo Ronaldo lagu dhaqayay waqtiga laga hadlay, waxaa kaliya waajib ku aheyd inuu canshuur ka bixiyo xayaysiinada uu ku sameeyo gudaha Spain ee ma aheyn lacagaha uu ka helay dibeda.” Si kastaba, afhayeenka ayaa sheegay in waaxda canshuuraha ay ku adkeysaneyso wax arintaan lidi ku ah, isagoo xusay inaysan jirin wax sharcidarro ah oo ay ku kaceen.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments