Cristiano Ronaldo Oo Taariikh U Dhigay Wareega Group-yada Champions League Kadib Goolkiisii Borrusia Dortmund Ee Xalay.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, Dec 7, 2017

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoor cusub u dhigay wareega group-yada tartanka Champions League kadib markii uu soo taabtay shabaqa kooxda dhiban sanadkaan ee Borrusia Dortmund.

Wiilasha Peter Bosz ayaa soo booqday Santiago Bernabeu si ay u ciyaaraan kulankooda ugu dambeeyay wareega group-yada, balse waxey la kulmeen guuldaro 3-2 ah iyadoo Ronaldo ay u aheyd habeen khaas ah.

Los Blancos ayaa kala dhantaashay Dortmund qeybahii ugu horeeyay Borja Mayoral ayaana goolka furitaanka dhaliyay ka hor inta uusan Ronaldo dhalin goolka labaad ee kooxda kaas oo noqday mid sameeyay taariikh gaar ah.

Goolka uu dhaliyay kabtanka Portugal wuxuu kaga dhignaa inuu shabaqa soo taabtay kulan walba oo kamid ah group-ka waana rikoor u gaar ah, wuxuuna shabaqa kooxaha kula jiray group-ka taabsiiyay wadar ahaan 9-gool.

Ma jiro xidig sidaas sameeyay taariikhda tartankaan tan iyo markii la bixiyay magaca Champions League xilli ciyaareedkii 1992/93, Neymar Junior ayaa u dhawaaday balse uma suuragalin inuu soo taabto shabaqa Bayern Munich.

32-jirkaan heerka caalami wuxuu sii dheereeyay rikoorkiisa guud ee gooldhalinta Champions League wuxuuna sii socdaa 114-gool, waana gooldhaliyaha ugu sareeya tartankaas.

Ugu dambeyntii Ronaldo waxaa la filayaa inuu caawa hantiyo Abaalmarintiisii shanaad ee Ballon d’or kadib xaflad lagu qaban doono Paris.