Cristiano Ronaldo Oo Lix Isbuuc Ka Hor Sir Alex Ferguson U Sheegay Inuu Doonayo Ka Tagista Real Madrid.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Sunday, Jun 18, 2017

Cristiano Ronaldo ayaa u sheegay lix isbuuc ka hor macalinkiisii hore Sir Alex Ferguson inuu ka tagayo Real Madrid.

Xidigii hore Red Devils ayaa macalinkiisii hore ku qarsaday inuusan xasilooni ku dareemeynin isbuuciyadii ka horeeyay Bernabeu ka hor inta aysan soo bixin eedeynta dhanka canshuuraha.

CR7 iyo Ferguson xiriirkooda wuxuu ahaa mid aan qarsooneyn tan iyo markii kabtanka Portugal uu uu 80 Malyan oo Pound ugu wareegay Real Madrid sanadkii  2009.

Sidii jirtay labadaan shaqsi waxey wada sheekeysi aan badneyn yeesheen kadib finalkii ay Madrid ku difaacatay Champions League-ga kana dhacay Cardiff iyadoo halyeyga reer Scotland uu bilada xidiga ciyaarta gudoonsiiyay wiilkiisii hore.

Sida la fahansan yahay Ronaldo wax xasilooni ah kuma dareemeynin Madrid, madama dhawr jeer ay ku oriyeen jamaahiirta Los Blancos, inkastoo uu goolal ku saaciday kooxda si ay u hanato La Liga iyo Champions League.

Ronaldo wuxuu u sheegay Ferguson in culeys uu kasoo wajahay qolka labiska sidoo kalana aysan jirin saaxiibtinimo sidii uu kusoo arkay Manchester United .

Wax qarsoon maahan in Sir Alex Ferguson uu wali ku lug leeyahay dhaq-dhaqaaqa Man United isla markaana uu jeclaan lahaa inuu dib usoo laabto.

Dhanka kale Paris Saint Germain ayaa xidigaan dhinac ka dooneysa, si la mid ah Shiinaha, hana ka reebin in Milan qudheeda ay rajo aan buurneen ka leedahay arintiisa.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments