Video: Cristiano Ronaldo Oo Laba Gool Ku Furtay Goolashiisa Horyaalka Serier A-da

Cristiano Ronaldo ayaa aamusiyay dadkii dhaleecaynayay isaga oo laba gool oo cajiib ah ku furtay goolashiisa horyaalka Serie A-da kooxdiisa Juventus-na ku hogaamiyay guul ay ka gaadhay Sasoulo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Kadib 3 kulan oo uuna wax gool ah dhalin Ronaldo ayaa daqiiqadii 50-aad dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee Serie A-da isaga oo shabaqa dhex dhigay kubada ku dhacday birta.

Ronaldo ayaa goolka labaad ka dhaliyay kadib markii uu jiitay kubada kana dhaliyay goolka birta hoose ee shabaqa kooxda Sasoulo isaga oo sidaas ku dhaliyay labadiisii gool ee ugu horeeyay