Cristiano Ronaldo Oo Kaamirada Ku Soo QabKu Eedeeyay Ciyaartoyda Celta Vigo In Boorso Lacag Ah Ay Ka Soo Qaateen Barcelona

by Saed Balaleti | Thursday, May 18, 2017

Inkastoo tababaraha Real Madrid uu ka gaabsaday inuu ka hadlo wararka sheegay in Celta Vigo ay heleen boorso lacag ay ka buuxdo ka hor kulankoodii xalayto ee Los Blancos hadana Cristiano Ronaldo ayaan ka gaban inuu ka hadlo.

Cristiano Ronaldo ayaa dhowr jeer waxa uu raacasho adag kala kulmay Gustavo Cabral, waxaana ay taasi keentay inuu ku eedeeyo inuu leeyahay dan kale.

Weeraryahanka reer Portugal oo labo gool ka dhaliyay kooxda Celta Vigo ayaa la arkay isagoo tilmaamo siinaya xiddigaha ka soo horjeeday oo ay ku jirtay farta iyo suulka uu isku xoqay oo uu ka waday in lacag la soo siiyay, halka uu sidoo kale tilmaam ka bixiyay boorso la sido.

“Boorso… Adiga. Lacag badan” ayuu dhahayay Ronaldo sida ay qabatay Minuto 0.

Nidaamka lacag bixinta si koox ay ugu adkeyso koox kale ayaa Spain looga yaqaanaa ‘Maletin’ waana mid ka mid ah waxyaabaha muranka badan dhaliya ee kubada cagta Spain.

waxaana ay u dhaxeysaa laaluush iyo in ciyaar natiijadeeda la sii qorsheeyo, taasoo u ogolaaneysa koox seddexaad inay ka qeyb qaadato ciyaarta ay dani ugu jirto.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments