Cristiano Ronaldo Oo Ka Soo Muuqan Waayay Shirkii Jaraa’id Ee Ciyaartii Shalayto Inkastoo Loo Magacaabay Xiddiga Garoonka

by Saed Balaleti | Monday, Jun 19, 2017

Cristiano Ronaldo ayaa ku hungoobay inuu ka soo muuqdo shirka jaraa’id ee ciyaarta ka dib markii ay Portugal barbaraha la gashay xulka Mexico.

Xulka heysta koobka qaramada Yurub ayaa kulankoodii ugu horeysay ee Confederations Cup waxa ay barbaro 2-2 ah ku galaan magaalada Kazan ee dalka Ruushka.

Ronaldo oo caawiye ka ahaa goolkii uu Ricardo Quaresma hogaanka ugu dhiibay Portugal, ayaa loo magacaabay xiddiga garoonka ee ciyaarta.

Ciyaartoyda la siiyo abaalmarinta xiddiga garoonka waxaa waajib ku ah inay ka hadlaan shirka jaraa’id ee ciyaarta ka danbeeya.

Laakiin Ronaldo ayaa ka baaqsaday inuu soo xaadiro xilli la sheegayay in la daweynayay, waxaana uu kaliya ciyaarta kala hadlay kanaalka rasmiga ah ee FIFA.

Waxa uu yiri: “Ma aheyn natiijadii aan dooneynay, kooxda ay ku dhaweyd inay badiso, waxaa gool uu inaga dhashay daqiiqadii ugu danbeysay, laakiin taasi waa kubada cagta.

“Walwal ma qabno, waxaana ka fekereyna ciyaarta soo socota. Ma jiro qalqal”

Ronaldo ayaa weli lala xiriirinayaa inuu ka tagayo Real Madrid xagaagan ka dib markii lagu eedeeyay qiyaano canshuur.