Cristiano Ronaldo Oo Huteelkii Lixaad Ee Pestana CR7 Ka Dhisaya Magaalada Paris Waana Kiisii Ugu Weynaa Oo Ka Kooban 210 Qolol

Cristiano Ronaldo ayaa huteel cusub oo ka tirsan shirkadiisa CR7  ka furanaya caasimada Faransiiska ee Paris.

Weeraryahanka kooxda Juventus oo aan weli wax gool ah u dhalinin Marwada Duqda ah ayaa shaaca ka qaaday in huteel cusub oo afar xiddig leh islamarkaana noqon doono midkii ugu weyn ee ay Pestana CR7 laga furi doono Paris.

Waa huteelkii lixaad ee 33 jirkaan futo iyadoo huteelkiisa cusub ee magaalada Paris uu ka koobnaan doono 210 qololo.

Si la mid ah huteelada kale ee CR7, xiddigii hore ee Real Madrid Ronaldo ayaa bixin doona kala bar lacagta maalgashiga halka qeybta kale ay bixin doonto shirkada Pestana ee ay bahwadaaga yihiin.

Dhismaha huteelka waxaa ku bixi doonta 53.4 milyan ginni, waxaana laga dhisi doonaa agagaarka wabiga Guache ee magaalada Paris.

Pestana ayaa xaqiijisay in huteelka uu diyaar noqon doono sannadka 2021, islamarkaana uu haatan marayo marxaladii leysan raadinta.

Isagoo ka hadlayay  huteelkaas cusub ee uu furanayo, Ronaldo ayaa yiri: “Waa wax caqli gal ah in huteelka Pestana CR7 in laga furo magaalada Paris.

“Waa mid ka mid ah magaalooyinka loogu booqashada badan yahay, waana goob ku haboon qaab dhismeedka magaca shirkadeena.”