Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Ku Gaaray Inuu Isaga Tago Real Madrid Iyo Wariye Edu Aguirre Oo Kashifay Sababta Ka Danbeysa

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Nov 14, 2017

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Spain – Cristiano Ronaldo ayaa diiday inuu saxiixo heshiis cusub isagoo doonaya inuu isaga tago garoonka Santiago Bernabeu marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan.

Kabtanka Portugal oo horay u cadeeyay inuusan dooneyn inuu saxiixo heshiis cusub madama uu dhacayo midka uu haatan kooxda kula jiro 2021, ayaa hadana la aaminsan yahay inuusan kooxda kusii sugnaan doonin kadib koobka Aduunka.

Wararka ka imaanaya wadanka Spain ayaa isi soo taraya maanta oo talaado ah, waxeyna qirayaan in Cristiano Ronaldo uusan ku faraxsaneyn inuu waqti kale sii joogo kooxda.

Wariyaha caanka ah ee Edu Aguirre kaas oo ka shaqeeya TV-ga El Chiringuito ayaa shaaca ka qaaday in Cristiano Ronaldo uu u sheegay madaxweyne Florentino Perez go’aanka uu kaga guurayo caasimadda.

Edu Aguirre wuxuu intaas ku daray in 32-jirkii hore Manchester United uu doonayo inuu isaga tago 30-ka June kooxda Real Madrid – sidoo kalana lagu beeciyo lacago macquul ah madama aysan jirin cid bixin karta lacagaha lagu jabin karo heshiiskiisa.

Si kastaba, Real Madrid ayaa la fahansan yahay iney diidi doonto rabitaankiisa, isla markaana ay si weyn uga carootay xidigaan doonaya inuu tago.

Waxaa la rumeysan yahay in Cristiano Ronaldo uusan wax farxad ah ku dareemeynin Real Madrid – sidoo kalana kooxda ay damacsan tahay iney saxiixyo sameyso taasoo muujineysa sida yar oo ay kooxda u qiimeyso.

Ronaldo has told Real Madrid president Florentino Perez of his decision to leave next summer

Edu Aguirre oo muuqaalkiisa waxyaabo badan ku sharaxay – wuxuu qiray inuu yahay shaqsi aad u jecel Real Madrid sidoo kalana qiimeeya taageerayaasha balse qalbigiisa uu u sheegayo in la joogo waqtigii uu ka huleeli lahaa kooxda madama ay isku dhaceen maamulka.

Mar la weydiiyay hadii uu rajeynayo inuu saxiixo heshiis cusub wuxuu yiri isagoo la hadlayay beIN Sports: “Ma doonayo inaan cusbooneysiiyo heshiiskeyga, Ma doonayo inaan cusbooneysiiyo heshiiskeyga,”

“Waan ku faraxsanahay heshiiska aan heysto”

Ugu dambeyntiina Ronaldo wuxuu ku bilowday La Liga si xun madama uu kaliya dhaliyay 1-gool inkastoo uu afartii kulan ee ugu horeysay ku seegay ganaax.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments