CODEYN: Saadaali Yaa Ku Guuleysan Doona Tartanka Koobka Adduunka Marka Ay Axada Finalka Isagu Yimaadaan Xulalka France Iyo Croatia?

Waxaa la soo gaaray guntii iyo gabagabadii Koobka Adduunka iyadoo ciyaarta kama danbeysta ay isagu soo hareen xulalka France iyo Croatia.

Inkastoo kulanka kaalinta seddexaad ay maanta oo Sabti ah wada ciyaarayaan xulalka Belgium iyo England hadana diirada dunida oo dhan waxa ay ku sii jeedaa kulanka finalka ee Axada si loo arko haddii France ay mar kale hanan doonto Koobka Adduunka ama haddii ay Croatia ka yaabsan doonto dunida oo ay kor u qaadi doonto koobka caanka ah markii ugu horeysay.

Labada xulba waxaa lagu doodi karaa inay heystaan xiddigaha tartankaan ugu fiicnaa ee Kylian Mbappe iyo Luka Modric, waxaana ay taasi balanqaad u tahay inaan daawan doono final cajiib ah, laakiin xulkee ayaad taageereysaa? Maxay tahay saadaashaada kulanka finalka Koobka Adduunka.

Miyay Croatia niyadjabin doontaa xulka ugu cadcad koobkaan mise France ayaa ku celin doonta wixii ay sameeyeen 20 sannadood ka hor markaasoo ay caradooda ku qaadeen Koobka Adduunka?

Ka qeyb qaado codbixinta hoose islamarkaana saadaali kulanka finalka ee France iyo Croatia? Sidoo kalena eeg ayay dadka kale taageerayaan kulanka finalka.

18 Comments

  1. sandka waxa koobka si muc jisa ah ku qaadi doona xulka laga yara awooda badan yahay e uu hogaminay madric waxanan ku sadaliay kulanka rikodhayal

  2. Fikirkayga hadii an ka idhahdo cida qadaysa kobka adunka crotia 1:0 france

  3. Hadan ka hadlo fikirkeyga waxa ku guuleysan kara Xulka Croatia ciyarta waxay ku dhamaan doonta France 2 Vs Croatia 3 Viva Croatia

  4. Waxaa ku guulaysanaya coatia
    Ciyaarta
    Coratia 2 france 1
    Halkaasna waxay guushu ku raacaysaa coatia

Comments are closed.