CODEYN: Miyey Barcelona Caawa Sameyn Kartaa Soo Laabasho Kale Oo Kusii Heysa Champions League?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Wednesday, Apr 19, 2017

Qof walba wuu xasuustaa waliba si daran soo laabashadii cajiibka aheyd ee ay Barcelona sameysay markii ay lugta labaad ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub kusoo dhaweysay Camp Nou, markaas oo ay 6-5 kusoo baxday kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.

Balaugrana 4-0 ayaa lagu qaarijiyay kulankii Parc des Princess, balse markii la isugu yimid Spain waxaa lagu suldaaaray kooxda faransiiska ah 6-1.

Si kastaba Barcelona mar kale ayey dhibaato kusoo gaartay meel ka baxsan gurigeeda markaas oo 3-0 ay kusoo dhufteen Juventus kulankii todobaadkii hore ka dhacay magaalada Turin.

Sida ka jirta caalamka, nux-nuxda ah iney soo rogaal celiso Barcelona waa jirtaa madama la wada xasuusto 8-dii Maarso, inkastoo ay jiraan dad badan oo kalsooni ka badan midii PSG ku qaba Juventus sidoo kalana aaminsan iney Barcelona hari karto.

Hadaba Shabakadda Laacib ayaa qaadi doonta codeyn ah hadii ay Barcelona soo rogaal celin karto waxaana la daabici doonaa saacad ka hor kulanka ka dhici doona garoonka Camp Nou Caawa.

HALKAAN CODKAGA KA DHIIBO:

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments