Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Ciyaartoyda Liverpool Oo U Safraya Hong Kong – Liiska Ciyaartoyda Oo La Soo Saaray & Weliba Jadwalka Kulamada Ay Ciyaarayaan

by Saed Balaleti | Sunday, Jul 16, 2017

Kooxda Liverpool Football Club ayaa xaqiijisay 25ka ciyaartoy ee uu tababare Jurgen Klopp u kaxeysanayo koobka saaxiibtinimo ee Premier League Asia Trophy ee lagu qabanayo Hong Kong.

Kooxda Reds ayaa ka qeyb qaadaneysa koobka lixda maalmood soconaya iyagoo ciyaari doona labo kulan oo saaxiibtinimo, kulanka ugu horeeya waxa ay Arbacada la ciyaari doonaan kooxda Crystal Palace. Kulanka labaad waxa ay Sabtida soo socota la ciyaari doonaan midkood Leicester City ama West Brom. oo iyagana koobka ka qeyb qaadanaya.

Tababare Klopp ayaana kaxeystay inta badan ciyaartoydiisa iyadoo laga tagay weeraryahanka Senegal Sadio Mane kaasoo baaqi ku sii ahaanaya Liverpool madaama uu ka soo kabsanayo dhaawac jilibka ah.

Saxiixyada cusub ee xagaagan Mohamed Salah iyo Solanke ayaa iyagana qeyb ka ah kooxda u safreysa Hong Kong.

Mamadou Sakho, Lazar Markovic iyo Sheyi Ojo ayaa dhamaantood ka maqan liiska, iyadoo xiddigaan lala xiriirinayaa inay amaah ama si joogta ah uga tagayaan Anfield.

Kooxda Liverpool ee u safreysa Hong Kong:

Karius, Clyne, Wijnaldum, Lovren, Milner, Firmino, Coutinho, Salah, Gomez, Henderson, Sturridge, Grujic, Klavan, Moreno, Lallana, Mignolet, Origi, Solanke, Matip, Stewart, Flanagan, Kent, Ward, Woodburn, Alexander-Arnold.

Kulamada saaxiibtinimo ee ay ciyaareyso Liverpool xagaagan:

19ka July – Liverpool v Crystal Palace (Premer League Asia Trophy)

22ka July – Liverpool v Leicester/West Brom (Premier League Asia Trophy)

29ka July – Hertha Berlin v Liverpool (Kulan saaxiibtinimo)

1da Agoosto – Bayern Munich v Liverpool (Audi Cup)

2da Agoosto – Liverpool v Atletico Madrid/Napoli (Audi Cup)

5ta Agoosto – Liverpool v Athletic Bilbao (Kulan saaxiibtinimo)

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments