Ciyaartoyda Ka Baxay & Kuwa Ku Cusub Labada Kooxood, Safafka Macquulka Ah & Xaqiiqooyinka Ku Saabsan Kulanka Furitaanka Horyaalka Premier League.

Caawa waxaa Ingiriiska ka furmi doona horyaalka Premier League, muddo badan ayaa la sugayay in dib loo ciyaaro tartanka loo arko inuu yahay kan ugu xiisaha badan dunida kubadda cagta.

Labada kooxood ee Man United Iyo Leicester City ayaa nasiib u yeeshay iney ciyaaraan kulanka ugu horreeya, waxeyna kusoo aadeysaa xilli Foxes & Red Devils xiisad dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ah dhexmartay.

Leicester City waa markii labaad oo ay furto horyaalka Premier League, waxaana la xasuustaa iney fasalkii lasoo dhaafay la ciyaartay Arsenal kulan ku dhamaaday 4-3 oo ay guuldaro qaateen.

Haddaba aan fiirino labada kooxood ciyaartoyda ka baxday iyo kuwa kusoo biiray:

LEICESTER CITY:

Foxes waxey sameysay toddoba saxiix, sidoo kalana waxey siyaabo kala duwan ku weysay ilaa iyo 13-ciyaartoy oo qaarkood ay amaah ku baxeen, kuwa laga iibsaday iyo kuwa ay iska fasaxday.

James Maddison ayaa noqday xiddigooda ugu qaalisan xagaagan kaas oo Norwich City kaga yimid, xiddigaan wuxuu ugu soo biiray 22 Malyan oo Pound.

James Maddison – Norwich, £22m – Ricardo Pereira – Porto, (lacag aan la shaacin) Jonny Evans – West Brom, (Lacag aan la shaacin) Danny Ward – Liverpool, £12.5m. Rachid Ghezzal – Monaco, (Lacag aan la shaacin) – Filip Benkovic – Dinamo Zagreb, £13m – Caglar Soyuncu – Freiburg, £19m.

KA BAXAY:

Riyad Mahrez – Manchester City, £60m – Ben Hamer – Huddersfield, (Xor) Musa – Al-Nassr, (lacag aan la shaacin) Robert Huth – (Fasaxay) Harvey Barnes – West Brom, (amaah) Connor Wood – Bradford, (lacag aan la shaacin) Sammie McCleod – (Fasaxay) Cameron Yates – (Fasaxay) Dylan Watts – Shamrock Rovers, (Fasaxay) Josh Debayo – Cheltenham, (xor) Daniel Iversen – Oldham, (amaah) George Thomas – Scunthorpe, (amaah) Josh Gordon – Walsall (lacag aan la shaacin).


MANCHESTER UNITED:

Manchester United dhamaan ciyaartoyda ay lasoo saxiixatay waa saddex, sida lagu qoray Sky Sports – Lama shaacin lacagaha rasmiga ah, walow ay jiraan lacago qadar ahaan la sheego.

WAXAA YIMID:

Fred – Shakhtar Donetsk, – Diogo Dalot – Porto – Lee Grant – Stoke.

WAXAA KA BAXAY:

Michael Carrick – (Hawlgabay) Daley Blind – Ajax, £14.1m – Sam Johnstone – West Brom, £5m – Axel Tuanzebe – Aston Villa, (amaah) Timothy Fosu-Mensah – Fulham, (amaah) – Dean Henderson – Sheffield United, (amaah) – Joel Pereira – Vitoria Setubal, (amaah) – Joe Riley – Bradford, (lacag aan la shaacin) – Indy Boonen – KV Oostende, (Fasaxay) Max Johnstone – (fasaxay) Jake Kenyon – (Fasaxay) – Ilias Moutha-Sebtaoui – Anderlecht, (xor) Devonte Redmond – (fasaxay) Theo Richardson – (fasaxay) Charlie Scott – (fasaxay) Matt Willock – St Mirren, (amaah).


Kulankaan xiiso gaar ah ayuu leeyahay Harry Maguire oo si weyn loola xiriirinayay Red Devils ayaana soo xaadiri doona Old Trafford si uu u wajaho kooxda sida ba’an u dooneysay.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United wax guuldaro ah lama kulmin 7-kulan ee ugu dambysay oo ay Leicester City la ciyaarto, 4-guul iyo 3-barbaro, kaliya hal jeer ayey guuldaro ka qaateen 18-kii kulan ugu dambeeyay 13-guul iyo 4-barbaro.

Markey timaado garoonka Old Trafford, kooxda Foxes waxey lumiyeen 7-jeer, sideedii ugu dambeysay oo ay soo booqdeen kulamada horyaalka, 1-barbaro ayey heleen, waxeyna guud ahaan ku dhaliyeen waqtigaas 3-gool.

Manchester Unitd waa kooxda ugu badan ee guulo gaaray kulamada furitaanka horyaalka Premier League taariikhda, 17-jeer ayeyna heleen guulo.

Markii ugu dambeysay oo ay labadaan kooxood ku kulmaan furitaanka horyaalka Premier League (isbuuca koowaad waxey aheyd 1998-99, Man United ayaana barbaro ku heshay Old Trafford kulan 2-2 ku dhamaaday, Red Devils ayaana kasoo laabatay natiijo (2-0) ah.

Waa markii labaad taariikhda horyaalka Ingiriiska ee jimco la daah furayo fasal cusub, Leicester ayaana labada jeer ka qeyb qaadatay, xusuuso fasalkii hore markii ay qasaaro 3-4 ah ka qaadatay Arsenal.

Juan Mata ayaa dhaliyay 4-gool, afartii kulan ee uu horyaalka ku wajahay Leicester City. Kaliya hal kulan ayuuna Old Trafford goolal uga dhaliyay. Dhanka kooxaha Norwich City ayuu ka dhaliyay 5, waana kooxda kaliya ee ka baxan Foxes.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man Utd possible starting lineup:

De Gea; Darmian, Bailly, Smalling, Shaw; Fred, Pereira, McTominay; Mata, Rashford, Sanchez

Leicester possible starting lineup:

Schmeichel; Pereira, Morgan, Evans, Chilwell; Ndidi, Iborra; Albrighton, Maddison, Gray; Iheanacho