Christian Eriksen Oo Seddexleey Dhaliyay Iyadoo Denmark Ay U Soo Baxday Koobka Adduunka Dib Markii Ay Xasuuqeen Ireland

by Saed Balaleti | Wednesday, Nov 15, 2017

Xiddiga khadka dhexee Tottenham Christian Eriksen ayaa seddexleey dhaliyay iyadoo xulka Denmark ay soo laabasho cajiib ah sameeyeen islamarkaana 5-1 ku garaaceen xulka Republic of Ireland oo marti loogu ahaa magaalada Dublin.

Shane Duffy ayaa hogaanka u dhiibay xulka Ireland markii ay ciyaarta socotay lix daqiiqo laakiin labo gool oo ay Denkmark dhalisay afar daqiiqo gudaheed qeybtii hore ee ciyaarta ayaa isbedel weyn keentay.

Eriksen ayaa shabaqa soo taabtay wax yar ka dib markii Cyrus Christie uu gool iska dhaliyay daqiiqadii 29aad, ka dib waxa uu Eriksen labo gool oo qurxoon dhaliyay daqiiqadihii 63aad iyo 73aad ka hor inta uusan Nicklas Bendtner rigoore dhalinin daqiiqadii 90aad.

Xulka Denkmark ayaa noqday ugu danbeeyay ee Yurub ee u soo baxa Koobka Adduunka iyadoo haatan kaliya labo xul ay ka harsan yihiin inay u soo baxaan wadarta guud ee 32da xul ee loo qabanayo isku aadka wareega group-yada Koobka Adduunka.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

Republic of Ireland: Randolph (5), Christie (5), Duffy (5), Clark (5), Ward (4),Hendrick (5), Arter (5), Meyler (5), Brady (5), McClean (6), Murphy (5).

Bedel: McGeady (5), Hoolahan (6), Long (5).

Denmark: Schmeichel (6), Kjaer (7), Christensen (7), Bjelland (7), Poulsen (7),Delaney (7), Kvist (7), Larsen (7), Nicolai Jorgensen (6), Eriksen (8), Sisto (7).

Bedel: Ankersen (7), Bendtner (7),Cornelius (6).

Xiddiga Garoonka: Christian Eriksen.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments