Chelsea Oo Suunka WWE Ugu Dabaal Dagi Doonta Hanashada Premier League, John Terry Oo Soo Bandhigay & Triple H Oo Bogaadiyay Blues.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Saturday, May 20, 2017

 

Shaki kuma jiro in Chelsea ay tahay xoog-weynta Ingiriiska madama ay hanatay horyaalka Premier League ololaha 2016/2017, waxeyna garoonka Stamford Bridge kusoo bandhigeen suunkii cadeynta u ahaa iney yahiin kuwa ugu xoogan.

Kabtan John Terry ayaa gudaha garoonka galbeedka London ku yaala kusoo bandhigay suunka WWE balse si gaar ah loogu sameeyay Chelsea madama calaamadda kooxda lagu xardhay labada dhinac.

Sida qorshaha yahay marka ay berito u dabaal dageyso hanashada horyaalka isla markaana qoorta loo galiyo ciyaartoyda & shaqaalaha kooxda bilada ku guuleysiga sidoo kalana loo gacan galiyo koobka Premier League-ga ayey suunkana ka qeyb galin doonaan dabaal dagga.

Halyeyga ciyaarta WWE Triple H ayaa bartiisa twitter-ka ku bogaadiyay Blues: “Hambalyo John Terry iyo Chelsea ku guuleysiga koobka Premier League”

Terry ayaa markii shanaad kor u qaadi doona koobka Premier League waana kulankiisii ugu dambeeyay ee Stamford Bridge, wuxuuna dabaal dagaas ka qeyb noqon doonaa sagootinta loo sameynayo xidigii hore qaranka England.

Sideed maalin ka hor ayey Chelsea u dabaal dagtay hanashada horyaalka markii ay 1-0 guul ah ka gaareen West Brom – waana xili ciyaareedkii ugu horeeyay tababare Antonio Conte.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments