Chelsea Oo Soo Hindistay Qorshe Cusub Oo Ay Alex Sandro Kaga Soo Qaadaneyso Juventus, Miyuu Matic Qeyb Ka Noqon Doonaa Heshiiska?

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Jul 18, 2017

Chelsea ayaa soo hindistay qorshe cusub oo ay ku dooneyso garabka bidix ee daafaca Juventus & xulka qaranka Brazil Alex Sandro iyadoo laga yaabo in Nemanja Matic uu qeyb ka noqdo heshiiska xidiga reer Brazil uu ku imaanayo garoonka Stamford Bridge.

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa bartilmaameedka koowaad ka dhiganaya daafacii hore Porto kaas oo waqti fiican ku qaadanaya garoonka Allianz Stadium.

Inkastoo Juventus ay ka dhawaajisay ineysan xidigaan iibin doonin hadana Blues waxey isku dayeysaa iney ka faa’ideysato xiisaha ay Bianconerri u qabto burburiyaha reer Serbia Nemanja Matic kaas oo doonaya inuu isaga tago Stamford Bridge.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ayaa  la fahansan yahay in laga soo diiday dalab 61 Malyan Oo Pound ah oo ay ka gudbisay daafaca reer Brazil, balse markaan kalsooni dheeraad ah ayey qabtaa.

Telegraph waaxey qoreysaa in Chelsea ay ka go’an tahay iney hesho daafacaan iyadoo Juventus ay qarka u saaran tahay iney hesho daafaca boosaska badan ee Ac Milan Mattia De Sciglio.

Si kastaba qorshahaan waxaa la filayaa iney ku qanacdo Juventus – madama ay heli doonto Matic oo awood dheeraad ah kusoo kordhin kara khadkooda dhexe.

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments