Chelsea Oo Qeyb Kasoo Noqotay Raacdada Loogu Jiro Saxiixa Aubameyang & Antonio Conte Oo Raba Inuu Joogteeyo Wada Hadalada Uu Ku Doonayo Saxiixa Xidiga Reer Gabon

by Mohamoud Batalaale | Friday, May 19, 2017

Chelsea ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa xidiga reer Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang, 25 jirkan ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda reer Germany tan iyo markii uu kaga soo biiray sanadii 2013 kooxda reer france ee Saint-Etienne, wuxuuna kasoo muuqday safka kooxda Borussia xili ciyaareedkan 44 kulan uu ku dhaliyay 37 gool.

Shabakada dalka talyaaniga ee Tuttomercato ayaa waxay daboolka ka qaaday in Pierre-Emerick Aubameyang uu kusii dhawaanayo ka tagista Borussia Dortmund, iyadoo sidoo kale si weyn lala xidhiidhinyao u dhaqaaqista kooxo ay ka mid yihiin Manchester United,Manchester City, Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo kooxda horyaalka Chinese Super League ee Tianjin Quanjian.

Tuttomercato ayaa waxay sidoo kale intaa kusii dartay in kooxaha ka xamaasha horyaalka Chinese Super League ay diyaar la yihiin lacaga kastaa ay ku heli karaan saxiixa Pierre-Emerick Aubameyang.

Si kastaba Blues ayaa haatan qeyb kasoo noqotay loolanka ay ugu jiraan kooxahan saxiixa xidiga reer Gabon, waxayna diyaar u tahay kooxda ku ciyaarta garoonka Stamford Bridge bixinta qiimo dhan 50 million pounds si ay u xaqiijiso saxiixiisa isl markaana uu halkiisa kasii wato inuu kasoo muuqdo kubada cagta qaarada yurub.

Arimaha Qoyska , Jaceylka - Booqo Alcarabiya.com

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments