Chelsea Oo Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Huddersfield Town, Jorginho Oo Shabaqa Soo Taabtay & Sarri Oo Xeeladiisa Banaanka Soo Dhigay.

Chelsea ayaa guul weyn ku bilaabatay fasal ciyaareedka cusub ee Premier League kadib markii ay 3-0 ku dileen iyagoo marti ah kooxda Huddersfield Town, waxeyna kaga mahad celinayaan goolal ay kala dhaliyeen Jorginho, Pedro Rodriguez & N’Golo Kante.

Blues waxey kusoo adkaadeen garoonka John Smith’s Stadium iyagoo soo bandhigay qaab ciyaareed qurux badan oo loo wada riyaaqay, walow wali ay calaamad su’aal saaran tahay Alvaro Morata oo wali ay dhibaato weyni ka heysato inuu ku lug yeesho xitaa weerarka kooxa.

Blues haatan waa kooxda hogaanka u heysa horyaalka Premier League maadaama ay tahay kooxda ugu badan ee farqiga goolasha, sidoo kalana Kepa Arrizabalaga ayaa shabaqiisa ilaashada markii ugu horreysay.

Kulanka wuxuu ku bilowday si aan caadi aheyn iyadoo qof walba uu indhaha ku hayay hanaanka ay ciyaari doonto Blues iyo sidoo kale shaqada goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo laga dhigay kan ugu qaalisan taariikhda booskiisa.

Blues sidii laga filayay waxey soo bandhigtay qaab ciyaareed aan caadi aheyn, Pedro ayaana durba bilaabay inuu kubad u xaluuliyo Alvaro Morata, balse xiddiga reer Spain waxaa laga dhigay garab dhaaf.

Alex Pritchard ayaa noqday xiddigii ugu horreeyay ee kulanka kubad shabaqa aadiyo, balse si aan dhib laheyn waxaa u qabsaday goolhaye Kepa Arrizabalaga kaas oo ay indho badan kusii jeedeen maadaama lacag badan laga soo bixiyay.

GOAL: Daqiiqadii 34-aad: N’Golo Kante ayaa dhaliyay goolkii ugu horreeyay Blues fasalkaan, kadib markii uu si qurux badan u dhameystiray kubad uu dhinaca ka keenay Willian oo kubad ka helay Pedro.

FURSAD: Daqiiqaii 37-aad: Mounie ayaa u dhawaaday inuu kooxdiisa barbaro u keeno markii uu sameeyay isku day aan caadi aheyn, kubad geeska laga keenay ayuu madax ku tuuray, balse birta ayaa ka beenisay iyadoo Kepa Arrizabalaga uu daawanayo.

RIGOORE: Daqiiqadii 44-aad: Chelsea ayaa rigoore lagu abaalmariyay kadib markii Marcos Alonso lagu jallaafay xerada ganaaxa, garsooraha ayaana tilmaamay gool ku laad.

GOAL: Daqiiqadii 45-aad: Saxiixa cusub ee kooxda Jorginho ayaa si aan caadi aheyn shabaqa usoo taabsiiyay gool caaqibo leh.

Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala baxay 2-0, oo ay ku hogaamineyso Blues – wiilasha Sarri ayaana si ka awood badan qeybtii hore ciyaarta mar kale ku bilowday qeybta labaad.

BIRTA: Daqiiqadii 58-aad: Marcos Alonso ayaa isku dayay inuu gool caaqibo leh dhaliyo, wuxuuna ka faa’ideystay kubad joog sare ah oo ka timid madaxa Rudiger, balse birta ayaa ka beenisay.

BADBAADO: Daqiiqadii 72-aad: Billing ayaa u dhawaaday inuu gool soo celiyo markii uu madaxa ku raadiyay kubad uu soo qaaday Mooy, balse goolhaye Kepa ayaa iska saaray – inakstoo gool ka laad la siiyay Blue.

GOAL: Daqiiqadii 80-aad: Pedro Rodriguez ayaa shabaqa soo taabsiiyay gool caaqibo leh kadib markii uu kubad laga soo fakaray ka helay Eden Hazard. Xiddiga kaalinta saddexaad kasoo galay koobka Adduunka ayaana si fiican kubadda uga soo shaqeeyay.

FURSAD: Daqiiqadii 90-aad: isku dhiib-dhiib fiican oo ay sameeyeen xidigaha Blues kadib, Moses ayaa kubad u dhiibay Alvaro Morata, balse xiddiga reer Spain waa laga diiday.

Natiijada ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-0, oo ay Chelsea guusha ku raacday, waxeyna aheyd ciyaar uu Maurizio Sarri muujiyay inuu hirgalin karo xeeladiisa.

Kooxda ka dhisan galbeedka London waxey noqotay middii ugu horreysay ee saddex gool dhalisa kulamada ilaa iyo hadda la ciyaaray ee isbuuca furitaanka horyaalka Premier League.