Chelsea Oo Doonaysa In Arsenal Ay Ka Dul Qaado Saxiixa Gool Dhaliyaha Kooxda Lyon Ee Alexandre Lacazette.

by Mohamoud Batalaale | Sunday, Jun 18, 2017

Kooxda Chelsea ayaa waxay markan u soo kaba gashatay isla markaana ay qorsheeneysaa inay af duubato laacibka reer france iyo kooxda Lyon Alexandre Lacazette, kahor inta aysan gacanta ku dhigin saxiixiisa dhigeeda Arsenal.

Alexandre Lacazette ayaa wuxuu xili ciyaareedkii lasoo dhaafay u dhaliyay kooxdiisa Lyon 37 gool, waxayn kooxda Arsenal saxiixiisa ka gudbisay dhawaan qiimo dhan 60 million pounds, laakiin labada dhinac wali kuma aysan heshiin, xili sidoo kale loolanka ay qeyb ka yihiin kooxaha Liverpool iyo Manchester United.

Wargeyska Daily Star ayaa wuxuu shaaca kaga qaaday xog uu kasoo xigtay dhigiisa reer france ee “L’Equipe” in kooxda Chelsea ay xiiseeneyso saxiisa Alexandre Lacazette, waxayna dooneysaa in sida ugu dhaqsida badan ay ugu dhaqaaqdo saxiixiisa.

Hadalkan ka soo yeedhay kooxda Chelsea ayaa wuxuu imaanayaa kadib markii ay maamulka Everton ku adkeeyeen saxiixa Romelu Lukaku oo ay dul dhigeen qiimo dhan 90 million euros, xili ay si wanaagsan ay kaga war qabaan Blues in saxiixa dhaliyaha reer france uu ka qarash yar yahay dhigiisa kooxda Everton.

Sidoo kale kooxaha AC Milan iyo Borussia Dortmund ayaa qeyb ka ah kooxaha doonaya sidoo kale saxiixa laacibkan kooxda Lyon Alexandre Lacazette, xili 26 uu si xoogan ugu dhawaaday ku biirista kooxda reer Spain ee Atletico Madrid, kahor inta aan laga soo diiday racfaankii ay ka qaateen ganaaxa ka saaran suuqa.