Chelsea Ayaa Dalab Aysan Diidi Karin Juventus Diyaar La Ah Si Ay Dib Stamford Bridge Ugu Mideeyso Gonzalo Higuain Iyo Sarri

Chelsea waxa ay u bandhigtay Juventus Alvaro Morata si ay uga hesho Gonzalo Higuain, sidaas waxa warinayax xogo hoose.

Blues waxa ay ka duuleysaa dalabka tababaraha cusub ee la filayo in uu Antonio Conte u bedelo Maurizio Sarri kaas oo bishii hore liiskiisa ku darsaday Higuian.

Higuain waxa uu Napoli uga hoos dheelay Sarri oo doonaya in uu kula midoobo Stamford Bridge.

Daily Mail waxa ay qoreeysaa in Juventus ay hoos u dhigi doonto qiimaha lagu iibsanayo Higuian sida u qanciso Chelsea waxa ayna ku rabtaa aduun dhan £65million.

Juventus waxa ay dooneysaa in ay ku hesho £53m balse Argentine ka waxa uu rabaa in lagu qanciyo ka tegidda kooxda uu toddobaadkii ka qaato £240,000.

Morata waxa uu waqti wanaagsan ku qaatay Juventus kahor inta aan dib loogu celin Real Madrid, balse iminka Bianconeri waxa ay doorbideysaa in ay ku bedelato Higuain.

Iyada oo dhawaan tagay Conte, Chelsea waa u diyaar ay suuqa ka garab siiyo Sarri.

Morata waxa uu ahaa xiddig dhaqaale xoog leh ugu yimi Conte, yeelkeede wuu ku fashilmay Stamford Bridge ol’olihiisii kowaad.

Chelsea ilaa iyo hadda wey ka gaaisay suuqa maadama ay bartilmaameedyadeeda diideen in ay galaan wadaxaajood horudhac ah.

Imaanshaha Sarri waxa ay soo gunaanadeysaa dhibaatadii maamul ee kooxda taas oo bilaabi karta imaanshaha wajiyo cusub.

Chelsea waxaa la filayaa in bilowga toddobaadkana y xaqiijiyo imaanshaha Sarri iyada oo uu gacan yare u noqon doono halyeyga kooxda Gianfranco Zola.