Chelsea Oo Dalab Ka Gudbisay Verratti, Barca & Real Oo Xidig Isku Heysta, Silva Oo Ka Farxiyay United & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Thursday, May 18, 2017

Chelsea ayaa dalab 55 Malyan oo Pound ah ka gudbisay kubad sameeyaha Paris Saint Germain Marco Verratti. (The Sun).

Tottenham Hotspur ayaa wadahadalo hordhac ah la yeelatay Juventus iyadoo ka dooneysa daafaca midig ee reer Brazil Dani Alves. (Yaahoo).

Spurs ayaa u baahan Alves inuu badal u noqdo daafaca midig ee qaranka England Kyle Walker oo u muuqda mid ka huleelaya kooxdiisa. (Evening Standard).

Eric Dier iyo Danny Rose ayaa lagu wadaa iney ka dhaqaaqayaan Tottenham Hotspur madama ay xiiso ka helayaan Manchester United iyo Manchester City. (The Sun).

Barcelona ayaa lala xiriirinayaa xidiga khadka dhexe Spurs Moussa Sissoko, balse sidoo kale Milan iyo Real Madrid ayaa xiiseynaya xidiga reer France. (Don Balon)

Bartilmaameedka Man United Bernardo Silva oo 22-jir ah ayaa sheegay inuu ku riyoonayo koox magac weyn xilli xidigaan lagu qiimeeyo 70 Malyan oo Pound. (SIC)

Man United, Manchester City, Chelsea iyo Arsenal ayaa si wadajir ah u xiiseynaya goolhayaha Stoke City Jack Butland oo 24-jir ah. (Daily Star)

Chelsea ayaa ka dalban doonta goolhaye Thibaut Courtois inuu saxiixo heshiis cusub oo isbuucii uu ku qaadanayo 150,000 kun pound si loo ilowsiiyo xiisaha Real Madrid. (Telegraph)

Arsenal ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato daafaca Real Madrid & qaranka Brazil Danilo kaas oo 20-jir. (Don Balon)

Sidoo kale Arsenal ayaa xiiseyneysa da’yarka ka tirsan xulka Faransiiska 21-jirada una ciyaara kooxda Lyon Corentin Tolisso. (Mirror).

Alexandre Lacazette oo kusii jeeda Atletico Madrid kadib markii uu 25-jirkaan ka dhawaajiyay inuu xiiseynayo kooxda ka dhisan caasimadda. (Eurosport).

Aragtidaada Ku Dhiibo Facebook

comments