Champions Leaque: Toban Ciyaartoy Oo Juventus Ah Oo Guul Dahabi Ah Ka Soo Gaadhay Lyon, Layaabkii Leicester City Oo Champions Leaque-ga U Wareegay Iyo Natiijooyinkii UCL Oo Dhamaystiran

by Mohamoud Batalaale | Tuesday, Oct 18, 2016

Toban ciyaartoy oo kooxda Juventus ay ayaa guul dahabi ah ka soo gaadhay Lyon xili Buffon uu kooxdiisa ka caawiyay in ay guushan soo gaadhay wuxuuna Lyon ka badbaadiyay rekoodhe ay xili horeba hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay laakiin Juan Cuadrado ayaa noqday halyayga Juventus guushan u horseeday halka  Mario Lemina uu kaadhka cas qaatay qaybtii danbe ee kulankan.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

LYON (5-3-2): Lopes; Rafael, Yanga-Mbiwa, N’Koulou, Diakhaby, Morel; Darder, Gonalons, Tolisso; Fekir, Lacazette.

KAYDKA:Ghezzal, Ferri, Gaspar, Cornet, Valbuena, Tousart, Gorgelin.

JUVENTUS (5-3-2): Buffon; Alves, Barzagli, Bonucci, Evra, Sandro; Khedira, Lemina, Pjanic; Dybala, Higuain.

KAYDKA: Benatia, Cuadrado, Hernanes, Mattiello, Neto, Sturaro, Kean.

Kooxaha Lyon iyo Juvnetus ayaa qaybtii h--e ee kulankan awoodi waayay in ay wax goolal ah ka dhaliyaan inkasta oo ay heleen fursado goolal lagu dhalin karayay. Kooxda martida loo ahaa ee Lyon ayaa iska lumisay fursad dahabi ahayd oo ay hogaanka ciyaarta kula wareegi kartay waxaana isku muujiyay Buffon.

DAQIIQADII 34 AAD REKOODHE! Kooxda Lyon ayaa heshay fursadii ugu fiicnayd ee ciyaarta hogaanka ugu qaban kartay kadib markii rekoodhe loo dhigay iyada oo Bonucci uu qalad ku galay Diakhaby, waxayna Lyon u muuqatay in ay helayso goolka furitaanka ciyaartan.

DAQIIQADII 35 AAD BADBAADIN!.  Alexandre Lacazette ayaa kubbada qaatay laakiin waxa uu ku fashilmay in uu rekoodhahan u badalo goolka furitaanka kooxdiisa waxaana kubbada iska badbaadiyay goolhaye  Gianluigi Buffon kaas oo tan iyo sanadkii 2003 kii markii ugu horaysay rekoodhe iska badbaadiyay waqtiga rasmiga ah ee ciyaarta waxaana ugu danbeeyay rekoodhihii uu ka badbaadiyay Luis Figo ee kulankii Real Madrid.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii h--e ee kulankan ayay labada kooxood isku mari waayeen taas oo keentay in waqtigii nasashada loo baxo iyada oo natiijada ciyaartu tahay barbaro gool la’aan ah.Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ciyaarta ayaa sii adkaatay waxayna labada kooxood si wayn u doonayeen in ay natiijo fiican kulankan ka helaan.

DAQIIQADII 54 AAD KAADHKA CAS! Juventus ayay xaaladu ku xumaaday kadib markii kaadhka cas loo taagay xidigeeda Mario Lemina kaas oo qaatay kaadhkiisa labaad ee digniinta waxayna laga bilaabo waqtiga ay Juventus ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy.

DAQIIQADII 76 AAD GOOOOOOOOOOOOOOL! Juventus ayaa noqotay mid aan u dhibtoon xidiga casaanka laga siiyay waxayna iyada oo toban ciyaartoy ah heshay goolkeeda furitaanka kadib markii uu Juan Guillermo Cuadrado uu Old Lady u dhaliyay goolka ay Lyon culayska wayn ku saartay waxaana goolkan caawintiisa sameeyay Dani Alves iyada oo Cuadrado uu ciyaarta ka dhigay 1:0 ay toban ciyaartoy oo Juventus ahi ay hogaanka kula wareegeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay Juventus guul muhiim ah ku soo gaadhay waxayna Lyon awoodi wayday in ay goolka barbaraha la timaad inkasta oo ay Juventus ku ciyaaraysay 10 ciyaartoy waxayna guushani muhiimad wayn u tahay Buffon oo kooxdiisa ka badbaadiyay rekoodhe.

NATIIYOONKA KULAMADII  CHAMPIONS LEAQUE-GA EE CAAWA LA CIYAARAY:

Kooxda Leicester City ayaa layaankii xili ciyaareedkii h--e u wareejisay Champions Leaque-ga waxayna sii wadataa guulaha boqolkiiba boqolka ah iyada oo 1:0 ku garaacday kooxda Kobenhavn waxaana Foxes guushoodii saddexaad oo xidhiidh ah ee Champions Leaque-ga u horseeday Riyad Mahrez. Laakiin Tottenham ayaa barbaro gool la’aan ah la soo gashay kooxda Bayern Leverkusen.

Like it? Share it!

8 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. maamulaha khadka dhexe Liverpool 19-10-2016 at 3:19 pm - Reply

    alle Hayden dilo aamusa ceeryaan baa tihiine

  2. zuber santi zalman yare 19-10-2016 at 11:49 am - Reply

    Juvenile was naadi Kira hambalyo ayaaan leeeyahay

  3. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 19-10-2016 at 8:12 am - Reply

    Juventus.wey uqalantaa.guusha waayo.waasayiducajuus.khibradii.daweynida.ayey.kagabadisey lyon Buffon waligiibaba.rioraha.wuuyaqaany.guul…guul…guul sayidilcajuus.waan.uhanbalyeynayaa

  4. yarka 19-10-2016 at 7:52 am - Reply

    Waqtiga sex ee ciyarta aya lagu dhahay calashan 90 daqiqo iyo wixi lagu daro

  5. sir Haddi 19-10-2016 at 7:44 am - Reply

    asc dhamaan dadka afsomaliga ku hadla. sxbyaal iska daaaya aflagaadada aad laacib ku haysaaan anigu waan jeclahay laacib waaa reffetence kayga dhabta ah maaalintay ugu yartahay 10 jeeer ayaaan booqdaaaa
    ta kale horta qoraalka fahma inta aadan ka haddal champions league ciyaar ta dhexdeeda waxaaa ugu dambaysay inuu Buffon penalty qabto tii Figo 2003 gii maaha qaranka maaha horyaaalka xataaa kuma jirto marka penalty lagu kala baxayo ee waaa ciyaar lagu helay recordhe

  6. Arsenal fans 19-10-2016 at 12:44 am - Reply

    Marka ledahay layabki Leicter Cty yey la ciyartya Champions leage kooxo yar yar ay la ciyaaartay matka sa ledahay layabki Leicter wuxu u waregay Champipns leage sida wax lo falenqeeyo ya ka maqan

  7. Walxoow 19-10-2016 at 12:37 am - Reply

    Buffon miya 2003 rigooro oo qabto. Lugis figo ugu danbeysi sidaas. Miyaa kubada. KU taqaanini. Maxaa beenta idin KU raaco. Oo dadka idin KU xiran. Aad beenta ugu shegeysaan. Rigoorgo oo qabto 2003 ay oo lugis figo aya ugu danbeysi finaalha. 2003 Juventus. Iyo. Ac Milan rigooro MA qaban miyaa Tan kale 2008 ayu qabtay iyo 2012 marka. Iska jira hee

  8. Walxoow 19-10-2016 at 12:34 am - Reply

    Been waayi taas buffon. Miyaa 2003 igu danbeysi. Rigooro oo qabto 2008 ayu qabtay2012 ayu qabtay. Marka caadi iska dhiga hee

Leave A Response