CHAMPIONS LEAQUE: Kooxaha Arsenal, PSG & Bayern Munich Oo Xasuuqyo Gaystay, Atletico Madrid, Gladbach & Benfica Oo Guulo Muhiim Ah Soo Gaadhay Iyo Natiijooyinkii Kulamada UCL Oo Dhamaystiran

by Mohamoud Batalaale | Thursday, Oct 20, 2016

Kooxda Arsenal ayaa si xun Emirates Stadium ugu gumaaday kooxda Ludogorets kadib markii ay 6:0 ku gumaaday waxaana kulankan saddexley ka dhaliyay Mesut Ozil halka Alexis Sanchez uu goolka furitaanka dhaliyay daqiiqadii 12 aad waxaana goolka labaad qaybtii h--e ku darsaday Walcott qabtii danbe Alex Oxlade-Chamberlain ayaa liiska gool dhaliyaasha kulankan isku daray halka Ozil uu saddex gool dhulka ku jiiday kooxda martida ahayd ee  Ludogorets.

Ozil smiles for the cameras at the full-time whistle and took the match ball home after scoring Arsenal's final three goals

Arsenal ayaa sii wadatay qaab ciyaareedkeeda fiican ee ay ku soo jirtay kulamadii ay h--e u soo ciyaartay laakiin wali kooxaha Arsenal iyo Paris Saint-Germain oo iyaduna guul wayn ka gaadhay Basel ayaa kaalinta kowaad ee Group A u tartamaya. Paris Saint-Germain ayaa 3:0 ku dubatay kooxda FC Basel oo marti u ahayd.

Alex Oxlade-Chamberlain coolly slots the ball into the back of the net with the side of his boot to score Arsenal's third goal

Group B waxaa guulo muhiim ah gaadhay kooxaha Benfica iyo Besiktas iyada oo kooxda ree Turkey ay 3:2 ku garaacday Napoli oo marti garoonkeeda loogu ahaa, waxayna guushani u ahayd Besiktas guul wayn oo ay shaqo adag ku qabtay. Kooxda Benfica ayaa 2:0 ku garaacday kooxda Dynamo Kiev oo iyadana marti loo ahaa.

Group C waxaa guul muhiim ah soo gaadhay kooxda Borussia Monchengladbach oo 2:0 ugu soo awood sheegatay kooxda ree Scotland ee Celtic halka Manchester City oo isla groupkan ku jirtaa ay guuldaro 4:0 ay kala soo huleeshay Camp Nou. Lionel Messi ayaa kulankan saddexley ka dhaliyay halka Neymar uu goolka kale raacsaday.

Group D, kooxda Bayern Munich ayaa cadhadii saddexdii kulan ee ayna soo guulaysan kula dhacday kooxda PSV Eindhoven iyada oo Bavaria ay Allianz Arena 4:1 ugu awood sheegtay kooxda ree Holland PSV. Thomas Muller, Joshua Kimmich,Robert Lewandowski iyo Arjen Robben ayaa dhamaantood min hal mar shabaqa soo taabtay si ay kooxda Ancelotti culayska uga dulqaadaan halka goolka madiga ah uu PSV udhaliyay Luciano Narsingh.

Dhinaca kale kooxda isla Group D hogaanka u haysa ee Atletico Madrid ayaa 1:0 ku soo garaacday kooxda FC Rostov iyada oo kooxda Diego Simeone sii joogtaysay qaab ciyaareedkeeda fiican waxaana saddexleydii kulankii La Ligaha markale halyayga Ateltico noqday Yannick Ferreira Carrasco kaas oo gool kaliya kooxdiisa kulankan uga dhaliyay.

HALKAN KAGA BOGO NATIIJADA KULAMADII CAAWA LA CIYAARAY OO HDAMAYSTIRAN:

 

Like it? Share it!

5 Comments so far. Feel free to join this conversation.

  1. cabdisalan 20-10-2016 at 8:24 pm - Reply

    marka horee waxaan ku faraxsanahay guusha qaaliiga ah aan gadhnay caawoo.marka xigta sinada farxadbaan ku bilaawnay haawshaa waxanan jajaynaynaa inan natiijo wacan kasoo hooynaa horyaalka mabruuk shakha

  2. Abdinasir Kay 20-10-2016 at 1:26 am - Reply

    Caawa Waa Farax sanahay wlh
    Sanadkan waa Sanadkena Hanaloo Dhaafo Hadi aa Nahay Reer Arsenal Sheik Ozil Caawa Wuu Ii Raaxeeyay
    Sanches 1
    Walcott 1
    Chamberlin 1
    Sheik 3 lay
    Hambalyo

  3. Abdinasir Kau 20-10-2016 at 1:23 am - Reply

    Caawa Waa Farax sanahay wlh
    Sanadkan waa Sanadkena Hanaloo Dhaafo Hadi aa Nahay Reer Arsenal Sheik Ozil Caawa Wuu Ii Raaxeeyay
    Sanches 1
    Walcott 1
    Chamberlin 1
    Sheik 3 lay
    Hambalyo

  4. Siciid.cabdi.guuleed.qayre 20-10-2016 at 1:17 am - Reply

    Kooxda.arsenal.ayaa Emarites,stadiunm kudubate kooxda ludogorets arsenal 6 ludogorets o goolasha.waxaakalashaliyey 3 kamida mesut,ozil goolana.sanchez goolna walcott goolna chamberlain marka.sidaasey.uqaybsadeen.goolasha arsenal oo qaabciyaareedkeedu.baryahan.aad.uu.wsnaasanaa.ayaa.cagta.cagta.laheshe.markaa.waxaan.leeyahay.sidaa.kuwada.hanbalyo hanbayo ARSENAL guul…guul…guul weyn.ayaa.usoo hoyatey ee sidaakuwada ilaa koobwalba.aad.qaadeysaan

  5. mohamuud Mohamed Ali 20-10-2016 at 12:59 am - Reply

    Arsenal caadi ma ahan sanadkan guulo is daba jooga ayey ka wadaa labada dhinacba championka iyo premier league waxaan aad ugu faraxsanahay guusha ay gaartay caawa arsenal banaanka ayey soo baxdey 16ka Ozel & lucas preis & walcott plariin caadi ma ahan Arsenal fun????????????

Leave A Response