CHAMPIONS!!: Barcelona Oo Ku Guulaysatay Koobka Spanish Super Cupka, Ousmane Dembele Oo Gool Layaableh Dhaliyay Iyo Blaugrana Oo Guul Soo Laabaasho Ah Ka Gaadhay Sevilla.

Kooxda Barcelon ayaa ku guulaystay koobka Spanish Super Cupka kadib markii ay guul soo laabasho ah ka gaadhay kooxda Sevilla oo fursad wayn iska lumisay. Sevilla ayaa markale dhibane u noqotay Barcelona waxayna kooxda Valverde xili ciyaareedka cusub ku furatay Spanish Super Cupka.

Gerard Pique ayaa Barcelona ciyaarta dib ugu soo celiyay kadib markii ay Sevilla gool ku martay bilawgii kulankan laakiin Ousmane Dembele ayaa gool gantaal aan la rumaysan karin kaga yaabsaday Sevilla balse dhamaadkii ciyaarta Sevilla ayaa islka lumisay rekoodhe lagu abaal mariyay waxaana ka beeniyay Ter Stegen.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Sevilla XI (3-4-2-1): Tomas Vaclik; Sergi Gomez, Simon Kjaer, Gabriel Mercado; Sergio Escudero, Ever Banega, Roque Mesa, Jesus Navas; Pablo Sarabia, Franco Vazquez; Luis Muriel

Kaydka: Juan Soriano, Ibrahim Amadou, Daniel Carrico, Nolito, Aleix Vidal, Wissam Ben Yedder, Andre Silva.

Barcelona XI (4-4-2): Marc-Andre ter Stegen; Jordi Alba, Clement Lenglet, Gerard Pique, Nelson Semedo; Rafinha, Arthur, Sergio Busquets, Ousmane Dembele; Lionel Messi, Luis Suarez.

Kaydka: Jasper Cillessen, Samuel Umtiti, Juan Miranda, Ivan Rakitic, Philippe Coutinho, Arturo Vidal, Munir El Haddadi.

Barcelona iyo Sevilla ayaa xili ciyaareedka cusub ee 2018/19 ku bilawday finalka Spanish Super Cupka oo markii ugu horaysay loo badalay kulan final ah isla markaana markii ugu horaysay lagu qabtay meel ka baxsan dalka Spain waxaana finalka Spanish Super Cupka sanadkan lagu qabtay dalka Morocco ee waqooyiga Afrika.

Barcelona iyo Sevilla ayaa ciyaarta soo galay iyaga oo wata laba qorshe oo gabi ahaanba kala duwan balse wax isku mid ah lagu doonayay oo ah in ay guulaystaan. Sevilla ayaa la soo shirtagtay shax khadka dhexe u xoogan isla markaana difaacasho iyo weerar deg deg ah ku salaysan.

Laakiin Valverde ayaa ku soo shirtagay shaxda diamond-ta loo yaqaaan isaga oo doonayay in koobkii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan cusub ay kooxdiisu ku guulaysato. Laakiin ciyaarta ayaa qaybtii hore ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxoodba dadaal badan ku soo bandhigeen.

DAQIIQADII 9 AAD Sevilla ayaa si deg deg ah ugu hormartay goolka furitaanka kadib markii uu Pablo Sarabia dhaliyay goolka riyada wayn u abuuray kooxdiisa Sevilla laakiin goolkan ayaa markii hore loo diiday ofside ahaan balse iyada oo muuqaal caawiyaha garsooraha VAR loo sii tijaabinayo La Liga ayaa la ogaaday in Pablo Sarabia aanu offside ku jirin waxaana Sevilla loo qoray goolka ay dhaliyeen waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Sevilla markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Barcelona ayaa bilawday hawlgalo badan oo isdaba joog ah waxayna ku raadinaysay goolka barbaraha laakiin waxaa aad ugu adkayd in ay soo gaadho goolhayaha Sevilla iyada oo difaacu uu si adag u ilaalinayay xidigaha weerarka isla markaana ay kubbada aad iskaga fogaynayeen markasta oo ay soo gaadho.

Barcelona ayaa kubbad isku dhiibid badan, fursad raadin iyo waliba weerar dhisid waqti badan ku lumisay laakiin Sevilla ayaa marka ay kubbada hesho laba eer ama saddex jeer oo kaliya isku taabanaysay waxayna soo gaadhaysay dhinaca goolka Barca iyada oo mararka qaar halis badan abuuraysay.

DAQIIQADII 42 AAD Barcelona ayaa ugu danbayn la timid goolkeeda barbaraha waxaana u saxiixay Gerard Pique kadib markii uu ka faa’iideeyay kubbad looga xorta ahayd oo uu Lionel Messi birta ku garaacay isla markaana ku sii dhacday Vaclik, wuxuuna Pique goolkan dhaliyay waqti kooxdiisa muhiimad wayn u lahayd isaga oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

DAQIIQADII 44 AAD Sevilla ayaa aad ugu dhawaatay in ay hogaanka ciyaarta soo ceshato kadib markii uu Sarabia kubbad fiican u bixiyay Muriel kaas oo darbo ku beegsaday goolka Barca laakiin Ter Stegen ayaa badbaadin wayn sameeyay waxaana qaybtii hore lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Ernesto Valverde ayaa hal isbadal shaxdiisa ku sameeyay wuxuuna ciyaarta ka soo galiyay Ivan Rakatic wuxuuna saaray Rafinha laakiin markii ay ciyaarta waxba iska badali waayeen ayuu Valverde markale kaydka uga yeedhay Ernesto Valverde isaga oo daqiiqadii 53 aad ciyaarta ka saaray Athur Melo.

Dhinaca Sevilla daqiiqadii 60 aad waxaa ciyaarta soo galay saxiixa cusub ee André Silva waxaana la saaray L. Muriel halka daqiiqadii 71 aad uu ciyaarta soo galay xidigii dhawaan Barca ka baxay ee Aleix Vidal wuxuuna badalay Pablo Sarabia.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay adag tahay in goolal layska dhaliyo laakiin Barca ayaa markan raadinaysay goolka laabad si ay soo laabashadeeda u dhamaystirto halka Sevilla ay difaacasho iyo weeraro deg deg ah xalka ku raadinaysay.

DAQIIQADII 79 AAD Alla Muxuu Gool Ahaa? Ousmane Dembélé ayaa kooxdiisa Barcelona ka saaray xaaladii adkayd ee ay ku jirta kadib markii uu gool qurux badan uu ku dhaliyay kubbad caawin uu Lionel Messi ka helay, wuxuuna da’yarka ree France muujiyay waxa xili ciyaareedka cusub laga filan karo kadib dhaawicii ragaadiyay xili ciyaareedkiisii kowaad ee Camp Nou.

Ousmane Dembélé oo fursado hore laga beeniyay ayaa markan goolhayaha Sevilla u diiday in uu wax badbaadin ah sameeyo wuxuuna ciyaarta ka dhigay 2-1 ay Blaugrana dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii ciyaarta ee ay Sevilla goolka ku hormartay.

DAQIIQADII 85 AAD Sevilla ayaa kaydka uga yeedhatay Wissam Ben Yedder si uu kooxdeeda guuldarada uga badbaadiyo waxayna markan Sevilla bilawday in ay waqtiga la baratanto si ay ciyaarta nolol ugu sii hayn karto.

DAQIIQADII 86 AAD Valverde ayaa kaydka ka soo kiciyay saxiixa cusub ee Arturo Vidal si uu u dhadhamiyo daqiiqadihiisii ugu horeeyay ee Barcelona wuxuuna saaray xidiga goolka layaabka leh dhaliyay ee Ousmane Dembélé.

DAQIIQADII 89 AAD REKOODHE!! Alla maxay waali ahayd! Sevilla ayaa dhamaadkii ciyaarta lagu abaal mariyay rekoodhe waxayna heshay fursad dahabi ah oo ay ciyaarta waqti dheeri ah ugu dari kartay laakiin goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa awooday in kooxdiisu ayna xaalad xun markale galin isaga oo rekoodhan ka badbaadiyay Wissam Ben Yedder.

Ter Stegen oo qaladka rekoodhahan kaadhka digniinta lagu siiyay kadib markii uu qalad ku galay Aleix Vidal ayaa markale awooday in uu qaladkiisa dib u saxo wuxuuna badbaadiyay rekoodhaha ay Sevilla ciyaarta ugu soo laaban kartay.

Waxaana sidaa ku burburtay rajadii ay Sevilla heshay waqtiga xaasaasiga ah iyada oo ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 2-1 ay Barcelona ku gaadhay guul soo laabasho ah isla markaana ay Sevilla kaga horqaaday koobka Spanish Super Cupka.