Cesar Azpilicueta Oo Si Xushmad Ah Ugu Jawaabay Taagere Dhaawac Uu Kasoo Gaaray Ciyaarista Kubadda Cagta Kana Codsaday Maaliyadiisa.

by Abdirashid Mohamud "SHarDinHO" | Tuesday, Feb 13, 2018

Cesar Azpilicueta ayaa ka balan qaaday inuu u diri doono maaliyad saxiixan wiil yar oo taagero u ah Chelsea isla markaana uu dhaawac kasoo gaaray isagoo ciyaaraya kubadda cagta, fariintaan wuxuu wiilka yar ku gudbiyay shaashadda.

Cesar wuxuu xalay ahaa kabtanka Blues maadaama uusan kusoo bilaaban ciyaarta Gary Cahill sidaas darteed kooxda wadada guulaha ayey kusoo laabatay maadaama ay garaaceen West Brom kulan ka tirsan horyaalka Premier League.

Wiilyar oo magaciisa ku sheegay Reggie, 7-jirna ah ayaa warqad furan usoo qoray kabtankii xalay Cesar Azpilicueta isagoo uga sheekeeyay noloshiisa, sidoo kalana ka codsaday inuu siiyo maaliyadiisa.

“Azpilicueta (Dave). Waxaan ka jabay suulka shalay anigoo kubad ciyaaraya, ma ciyaari karo muddo afar isbuuc ah, ma i dhiirigalineysaa adigoo i siinaya maaliyadaada? ma awoodaa mid walba oo saxiixaaga ka mid ah” Mahadsanid”

Nasiib darro Cesar ma arkin boorka habeenkaas inkastoo markii dambe uu ka arkay baraha bulshada durba fariin ayuu u diray wiilka isagoo u sheegay inuu diyaar u yahay.

“Waan ku salaama Raggie, u sheeg qoyskaaga halkaan ha igala soo xiriiraan, aad baan ugu faraxsanahay inaan kusoo diro maaliyad saxiixan, iska taxadar.. BlueFamily”

1 Aragti ayaa laga dhiibtay ilaa iyo haatan. Ku soo biir dood wadaaga.

  1. Abdullrashiid 13-02-2018 at 6:39 pm -

    Dave waa hubaa waa ka farxinayaa wiilka yar waana captan ka mustaqbal dheer ee Chelsea football club