Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Warbixin cusub oo la xiriirta dhaqaalaha Man United ayaa lasoo bandhigay iyo cadadka lacagta u badbaaday kooxda markii ay 10 Malyan oo gacan qabsi ah siiyeen kabtan Wayne Rooney si uu kaga baxo garoonka Old Trafford. Kabtankii hore Red Devils Wayne Rooney ayaa isaga tagay kooxda si uu ugu biiro Everton ina uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagii dhamaada isagoo soo afjaray...

Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan ku soo dhawaada barnaamijkeena maalinlaha ah ee aan idin kula socodsiino wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ay qoreen wargeysyada Ingariiska ka soo baxa. Waxaa dhawaan soo xirmay suuqii kala iibsiga xagaaga, laakiin taasi kama joojineyso kooxaha iyo warbaahinta inay ka hadlaan ciyaartoy...

Cristiano Ronaldo ayaa xalay kooxdiisa ka badbaadiyay guuldaro kulankii xalay ay bar-baraha 1/1 ah la galeen kooxda Tottenham kulan ka tirsanaa champions league. Ronaldo ayay sidoo kale ku dhacday kulanka dhexdiisa arin keentay in laga maadaysto kadib ciyaarta kadib markii uu dhacay markii uu xiddig Tottenham ah xirfad ku xirad. Xiddiga reer Portugal ayaa farsamo cajiib...

Paris Saint Germain ayaa isku dayi doonta iney Jose Mourinho ka dhaadhiciso imaatinka horyaalka Faransiiska marka la gaaro xagaaga soo aadan, waxeyna arintaan timid markii macalinkaan reer Portugal uu ka dhawaajiyay inuusan waayahiisa ku dhameysan doonin Man United. Kooxda ka dhisan Parc des Princess waxey kalsoonni ku qabtaa agaasimahooda ciyaaraha Antero Henriqu kaas...

Xildhibaan ka tirsan barlamaanka UK oo lagu magacaabo Douglas Ross ayaa seegi doona codeyn muhim oo ka dhaceysa barlamaanka maanta si uu calanwade uga noqdo kulan Champions League ah. Mr Ross ayaa ku sugnaan doona Spain maanta oo Arbaco ah marka ay Barcelona martigeliso Olympiakos iyadoo dooda barlamaanka ay ka dhici doonto Westminster Xildhibaanka oo taageere ka heysta...

Mohamed salah iyo Jose Mourinho ayaa mar kale ku kulmay Anfield maalintii sabtidii kadib markii ay horay uga soo wada shaqeeyeen kooxda chelsea. Jose Mourinho ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyay xiddiga isaga oo laabta galiyay una hambalyeeyay ku soo laabashada Premier leageu. Salah ayaa si cajiib ah ula qabsaday nolosha kooxda Liverpool isaga oo tan iyo markii uu...

Kevin de Bruyne, David Silva Iyo Fernandinho ayaa isku dhacay isna weydaarsaday hadalo kulul oo aan wali sida ay tahay loo soo helin intii ay ciyaartoyda kusii socdeen tunel-ka kulankii ay guusha ka heleen Napoli. Waxey u muuqatay in kubad sameeyaha xulka qaranka Belgium-ka uu doonayay inuu la hadlo garsoorka afaraad, balse kabtanka kooxda David Silva ayaa ka hor istaagay...

Habeen ka hor inta aysan Barcelona martigelinin kooxda Olympikos koobka Champions League, agaasimahooda Robert Fernandez ayaa ku sugnaa Madrid isagoo daawanayay kulankii u dhaxeeyay Real Madrid iyo Tottenham. Agaasimaha Barcelona ayaa si toos ah u daawanayay labo ciyaartoy oo Barca hore loola xiriiriyay. Mid ka mid ah waa xiddiga Tottenham ee khadka dhexe Christain Eriksen...

Daafaca dhexe ee Chelsea David Luiz ayaa soo jiitay quluubta taageerayaasha kubada cagta ka dib markii uu bogiisa rasmiga ah ee Twitter uu soo dhigay fariin uu uga murugoonayo xasuuqii dhowr maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ku dhow 300 ruux. Daafaca reer Brazil ayaa bogiisa Tiwtter ku soo qoray: “Waa wax laga naxo oo qalbi jab ah. Ducadeena...

Kulamada sadexaad ee tartanka Champions League qeybtii labaad ayaa la ciyaari doonaa caawa, waxeyna sheeko xiiso leh ka dhex jirtaa group-ka B madama ay is wajahayaan labada kooxood ee ugu awooda badan iyo kuwa ugu daciifsan marka si guud loo fiiriyo marxaladaha kooxaha ku wada jira halkaan qaanad. Group-kaan waxaa hogaaminaya Paris Saint Germain oo guul gaartay labadii...

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa guushii kooxdiisa ee 2-1 ee ay ka gaartay Napoli xalayto koobka Champions League inuu u hibeeyay labada siyaasi ee u ololeynaya gooni isu taaga Catalan ee xabsiga ugu jira dolwada Spain. “Guushaan iyaga ayaan u hibeeyay” ayuu Guardiola suxufiyiinta ugu sheegay garoonka Etihad Stadium isagoo ka jawaabayay su’aal uu joornaaliiste...

Jose Mourinho ayaa wajahaya kooxdisii hore Benfica kulan ka tirsan wareega group-yada tartanka Champions League isagoo raadinaya guushii sadexaad iyo inuu ilaashado rikoorkiisa 100% ee ku bilaabashada ciyaarahaan. Red Devils kaliya 4-dhibcood ayey u baahan tahay si ay u xaqiijiso iney usoo gudubtay wareega xiga ee 16-ka, waase kadib labada kulan ee ay la yeelaneyso Benfica...

Kulanka: Chelsea v AS Roma Garoonka: Stamford Bridge Waqtiga: 9:45pm Saacada Geeska Afrika Garsoore: Damir Skomina (Slovenia) Isbuucyo qariib ah ayay u aheyd Chelsea. Si xoogan ayay ku bilowdeen xilli ciyaareedkooda Champions League iyagoo wada badiyay labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan ciyaareen, laakiin waxa ay badiyeen kaliya hal kulan afartii kulan ee ugu danbeysay...

Kooxda Barcelona ayaa dooneysa inay gaarto guushii 3aad ee isku xigta ee Group D ee Champions League marka ay caawa martigeliyaan kooxda Gariiga ka dhisan ee Olympiakos. Taas bedelkeeda kooxda Olympiacos ayaa raadineysa guusheedii ugu horeysay ee Group D iyadoo laga soo badiyay labadii kulan ee ay ilaa iyo haatan soo ciyaareen. Macalinka kooxda Barcelona Ernesto Valverde...

Xiddiga kooxda Real Madrid ee Karim Benzema ayaa wali sii wada fursadihii sahalka ahaa ee uu kooxdiisa ka khasaarinayay kulamada dhexdooda. Benzema ayaa kulankii Tottneham khasaariyay kubad uu Ronaldo birta ku dhuftay kadib isaga ku soo laabtay isaga oo helay fursad uu gool ku dhalin karo laakiin Benzema ayaa si lama filaan ah u khasaariyay. Taas ayaa keentay in uu Ronaldo...

Manchester City ayaa Etihad Stadium ku garaacday kooxda Napoli kulan qaybtii hore ee Etihad Stadium ay Manchester City wacdaro layaableh ay ka dhigtay. Kooxda Guardiola ayaa u muuqatay in ay tahay kooxda ay hadda adag tahay in la joojiyaa iyada oo qaybtii hore ee kulankan Napoli carruuraysay isla markaana u diiday in ay kubbada isku dhiiban karaan. Daqiiqadii 9 aad Raheem...

Kooxaha Real Madrid iyo Tottenham ayaa dhibcaha ku qaybsaday Estadio Santiago Bernabeu iyada oo Cristiano Ronaldo uu markale noqday xidiga kooxdiisa u diiday in ay guuldaro soo gaadho. Raphael Varane ayaa gool uu iska dhaliyay hogaanka ku siiyay Tottenham laakiin Ronaldo ayaa gool rekoodhe ah kooxdiisa ciyaarta dib ugu soo celiyay. Laakiin dhacdooyin badan oo goolal lagu...

Liverpool ayaa si xun u soo xasuuqday kooxda ree Slovenia ee Maribor waxayna Liverpool soo gaadhay guusheedii ugu horaysay ee Champions Leaque ee xili ciyaareedkan iyada oo qaybtii hore ee kulaknan shaqada iska sii dhamaystirtay. Liverpool ayaa qaybtii hore ee kulankan hogaanka ciyaarta ku ahsyay 4-0 iyada oo burbursatay kooxda ay martida u ahayd ee Maribor. Laakiin iyada...

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu ku soo dhawaynaysa kooxda ay kaalinta kowaad ee Group H ku tartamayaan ee Tottenham iyada oo Los Blancos iyo Spurs ay doonayaan guushii saddexaad oo xidhiidh ah ee tartanka Champions Leaque. Real Madrid iyo Tottenham ayaa kulankan iska hor imanaya iyaga oo soo guulaystay min labadii kulan ee ay ilaa hadda soo ciyaareen UEFA Champions...