Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Real Madrid waxey u baahan tahay natiijo kale oo fiican marka la tago Paris si ay ugu yaraan u badbaadiyaan xilli ciyaareedkooda goor hore laga deyriyay, waxeyna kaga mahad celinayaan guushii Bernabeu lix shaqsi oo siyaabo kala duwan saameyn ugu yeeshay kulanka. Laga soo bilaabo Cristiano Ronaldo ilaa Nacho Fernandez, sidey shabakadda Marca ee fadhigeedu yahay Madrid u...

Qaab ciyaareedka liita ee Paul Pogba waxaa dhaliyay imaatinka Alexis Sanchez sida uu qabo halyeeygii hore kooxda Manchester United Paul Ince, kaas oo sidoo kale farta ku fiiqay xidiga reer Chile inuu hoos u dhac kusoo kordhiyay kooxda maskax ahaan. Saxiixa ugu qaalisan Red Devils Paul Pogba kaas oo ku yimid Old Trafford aduun dhan 89 Malyan oo Pound ayaa ku jira waqtigiisii...

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa kulankii Ay kooxdiisu guuldarada kala kulantay kubad garka u galiyay garsoorihii dhex-dhexaadinayay kulanka xilli uu is lahaa kubad laag. Neymar ayaa doonayay in uu kubada u laago saaxiibadiisa ku dhawaa goolka Real Madrid laakiin waxa uu ku dhuftay garsoorihii kulanka dhexe-dhexaadinayay taas oo keentay in uu garsooruhu dawakho. PSG ayaa...

Tababaraha Bournemouth Eddie Howe ayaa loo doortay macalinka bisha January ee horyaalka Premier League kadib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay inaan laga adkaan dhamaan kulamadii afarta ahaa ee ay ciyaartay. Macalinkaan reer England wuxuu guulo waaweyn ka gaaray labada kooxood ee Arsenal iyo Chelsea, sidoo kalana waxey wiilashiisa barbaro ka heleen West Ham iyo Brighton...

Sadex faras ayaa ilaa iyo haatan la fahamsan yahay iney isku heystaan tartanka kabta dahabka gooldhalinta horyaalka Premier League, waxaana doorashadooda la weydiiyay afarta falanqeeye ee mar walba kasoo muuqda barnaamijka Soccer Saturday ee laga daawado Hillinka Sky Sports {Phil Thompson, Paul Merson, Charlie Nicholas iyo Matt Le Tissier}. Xiddiga labada jeer ee xiriirka...

Xidiga diiradda u saaran kooxaha Arsenal & Tottenham Hotspur – Malcom ayaa durba xaqiijiyay inuu isaga tagi doono kooxdiisa xagaaga soo aadan isla markaana uu dooran doono kooxdii uu ku biiri lahaa. 20-jirkaan aadka loo qiimeeyo wuxuu ku dhawaaday inuu kooxda isaga baxo bishii soo dhamaatay ee January, maadaama macalinka cusub ee kooxda Guus Poyet uu hor istaagay...

Kabtankii hore Chelsea John Terry ayaa isha ku haya xilka tababaranimo ee Chelsea si uu badal ugu noqdo macalinka haatan shaqadiisa inuu waayi doono ay u badan tahay ee Antonio Conte. John Terry oo 37-jir ah wuxuu ku jiraa bilahii ugu dambeeyay qandaraaskiisa kooxda Aston Villa ee ka ciyaarta horyaalka heerka labaad, wuxuuna durba ku fakarayaa inuu dib ugu soo laabto 12-bilood...

Kooxda Dijon ee dalka France ayaa si xun ugu maadeysatay Paris Saint Germain kadib markii ay 3-1 guuldaro ah kala soo laabteen garoonka Santiago Bernabeu lugtii hore wareega 16-ka Champions League. Adrien Rabiot ayaa shaaca ka qaaday iney fududahay Dijon in laga dhaliyo sideed, balse loo baahan yahay in la fahmo ineysan labada kooxood ay yahiin kala mansab. “Waa wax...

Inkastoo ay jireen warar dhawr ah oo sheegaya in suuragal ay tahay ciqaab lagu soo rogo tababaraha Paris Saint Germain Unai Emery iyo madaxweynaha kooxda Nasser Al-Khelaifi kuwaas oo hawada dhaleeceyn u mariyay garsoorahii kulankii Bernabeu, hadana waxaa lasoo sheegayaa ineysan jirin wax ciqaab ah. Labadaan shaqsi lama aysan dhicin hanaankii maamul ee tababaraha reer...

Kooxda Real Madrid ayaa guul soo laabasho leh ka gaartay kooxda PSG kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions league. Goolal ay dhaliyeen Cristiano Ronaldo (2) iyo Marcelo ayaa Los Blancos ka caawiyay in ay ka gaarto guul 3/1 xilli uu PSG U dhaliyay xiddiga Adrien Rabiot. Hadaba Waxa aan muuqaalkan ku soo bandhigaynaa shaabkii & farsamadii ay...

Arsenal ayaa guul wayn ka soo gaadhay kooxda Ostersunds iyada oo Gunners sii waday rekoodhka guulaha xili ciyaareedkan ee ay ku soo jireen kooxaha ree England, waxayna kooxda Arsene Wenger soo awooday in ay shaqadii ugu badnayd iska soo qabtay kulankii lugtii hore ee wareega 32ka kooxood ee UEFA Europa League. Arsenal ayaa 3-0 ku soo dubatay kooxda Ostersunds iyada oo...

Nasiibku waa qayb ka mid ah kubbada cagta balse u baahan in marka hore aad shaqo adag la timaado, waxayna ciyaartoyda Liverpool aamineen in maaliyada saddexaad ee kooxdoodu ay tahay mid uu nasiib gaar ahi la socodo isla markaana ay goolal dhalin waali ah sameeyaan. Liverpool ayaa xili ciyaareedkan diyaarsatay saddex midab oo maaliyadeeda ah laakiin ma aha tan kowaad ee...

Madax waynaha ahna mulkiilaha kooxda PSG ee Nasser Al-Khelaifi ayaa si cadho wayni ku jirto uga hadlay guuldaradii kooxdiisa Paris Saint-Germain ka soo gaadhay Real Madrid ee kulankii lugtii hore ee UEFA Champions League wareegiisa 16ka koxoood wuxuuna Nasser Al-Khelaifi uu UEFA ugu baaqay in wax laga qabtay cadaalad darada joogtada ah ee kooxdiisa ay ku hayaan garsoorayaashu. Nasser...

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo saaray liiska ciyaartoyda ku tartami doonta xidigii todobaadka ee UEFA Champions league ugu fiicnaa kulaamdii lugtii hore ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions league. Waxaa jiray ciyaartoy badan oo bandhig fiican ka sameeyay afartii kulan ee ay siddeeda kooxood wada ciyaareen. Laakiin qiimayn kadib waxay UEFA aduunka...

Arsenal ayaa bilaabaysa wareega 32ka kooxood ee UEFA Europa League waana fursad kale oo ay kooxda Arsene Wenger ugu soo bixi karto UEFA Champions League haddii ay sidii Manchester United koobkan ku soo guulaysato. Iyada oo Gunners kaalinta lixaad kaga jirta Premier League ayay haystaan fursada ay tartankan muhiimad wayn uga dhigan karaan. Arsene Wenger ayaa shaxdiisa ku...

Waxaa talaadadii iyo arbacadii xalay la ciyaaray qaybtii kowaad ee kulamada wareega 16ka kooxood ee UEFA Champins league iyada oo siddeed kooxood ay isku faro saareen. Kooxaha Manchester City, Liverpool iyo Real Madrid ayaa guulo muhiim ah sii gaadhay halka PSG, FC Porto iyo Basel ay murugo wayn la jiifaan laakiin kooxaha Juventus iyo Tottenham ayaa barbaro 2-2 ah ku galay...

Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda AS Roma ee Roma Monchi ayaa wuxuu qarsan kari waayay sida ay kooxdiisa ugu qaldantay in xidiga xulka qaranka Masar Mohamed Salah ay kaga iibiyaan qiima ka xoogan inta uu haatan uu ugu dhaqaaqay safka kooxda reer England ee Liverpool, isagoo sheegay dhinaca kale in ay ku qasbanaayeen iibinta Salah. Giallorossi ayaa ku jirtay halis joogta ah...

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaan ku soo laabashadii Spain soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay isaga oo wax saamayn ah ku yeelan waayay kooxdiisa oo guuldaro kala kulantay Real Madrid. Laakiin xiddiga reer Brazil ayaa sameeyay farsamooyin waali ah isaga oo qaar ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid baa,basaday. Saddex ka mid ah xiddigaha kooxda Real Madrid ayuu...

Liverpool waxey ku jirtaa waqti qurux badan, waana kooxda ugu badan goolasha ugu badan ka dhalisay xilli ciyaareedkaan koobka horyaalada yurub ee Champions League waxeyna rikoorkaan kala wareegeen Paris Saint Germain kulankii ay xalayto ciqaabeen FC Porto. Liverpool waxey heysataa sadexley weerar oo lagu magacaabay MSF – Mane, Salah & Firmino – waana ciyaartoy...

Maamulka horyaalka La Liga ayaa loo soo gudbiyay warbixin ka dhan ah daafaca reer Spain Gerard Pique kaas oo dabaal dagiisii kulankii Espanyol ee kal hore dhacay kaga careysiiyay jamaahiirta kooxda ay martida u ahaayeen. Barcelona ayaa barbaro 1-1 ah la gashay Espanyol kulankii Catalan Derby, markaas oo ay labada kooxood ku ciyaareen garoonka RCDE Stadium oo ay roobab...