Scroll to Top

Laacib.net

Your Home Of Football News – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah Allainz Arena kaga soo gaadhay kooxda Bayern Munich iyada oo Marcelo iyo Marco Asensio oo kaydka ka soo baxay ay Madrid u keeneen labada gool ee ay dhinaca kale ugu dhigtay gool uu Kimmich u dhaliyay Bayern Munich oo markale ku fashilantay in ay natiijo fiican ka hesho kulan ay Madrid soo dhawaysay. Inkasta oo ay Bayern Munich ahayd...

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Manchester United ee Alexi Sanchez ayaa muujiyay sida ay kooxdiisa Red Devils u tahay koox wayn oo uu wali ku dhibtoonayo in uu la qabsado isaga oo fariin duur xul ah u diray kooxdiisii hore ee Gunners oo uu si salhan ula qabsaday. Sanchez ayaa sheegay in Man United ay tahay koox taariikh wayn leh oo ay waajib ku tahay in ay koobab...

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger oo jimcihii ku dhawaaqay in uu shaqada kooxdiisa ka baxayo dhamaadka xili ciyaareedkan ayaa qiray in aanu isagu lahayn waqtiga shaacinta go’aankiisii wuxuuna sidoo kale ka hadlay haddii macalinkii hore ee kooxda Barcelona ee Luis Enrique uu yahay badalkiisa ku haboon Gunners. Kadib 22 sano oo uu Arsene Wenger ka soo muuqday...

Khabiirka Sky Sports ahna halyaygii hore ee kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa si wayn u maanay xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Roberto Firmino kaas oo uu ku sifeeyay No.9 aduunka ugu fiican oo aanu arag xidig sidiisa wax u qaban kara. Hadalka Ian Wright ayaa imanaya waqtiga uu Firmino laba gool ka dhaliyay kulankii Roma isla markaana uu laba gool caawin...

Real Madrid ayaa Allainz Arena ku soo dhawaynaysa kooxda koobka UEFA Champions League difaacanaysa ee Real Madrid, waaana kulan si wayn loo sugayay tan iyo maalintii la sameeyay isku aadka afar dhamaadka tartankan. Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa caawada wada ciyaari doona kulankoodii 25 aad ee tartanka kooxaha Yurub, waxayna hore mid kastaaba u soo guulaysatay 11 kulan...

Liverpool ayaa xalay Anfield ku burburisay AS Roma waxaana ciqaabtii ugu xumayd mariyay xidigii ay bilawgii xili ciyaareedkan Liverpool ka iibisay ee Mohamed Salah kaas oo qaybtii hore ee kulankan laba gool dhaliyay isla markanaa laba gool caawin raacsaday qaybtii labaad iyada oo Firmino uu isna laba gool dhaliyay halka Sadio Mane uu hal gool shabaqa ku gaadhay. Laakiin...

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Roma ee Daniele De Rossi ayaa aaminsan in kooxda Liverpool ay burburisay tatikadii kooxdiisa ee kulankii Anfield isaga oo sheegay in kubbada dhaadheer ay Reds ku waxyeelaysay qorshahoodii ciyaarta isaga oo waliba qiray in xidigaha khadka dhexe ee Reds ay gabi ahaanba dul mareen kooxdiisa. Daniele De Rossi ayaa ku dooday in markale ay suurtogal...

Madaxweynaha Jamhuuriradda Federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa hambalyo u diray xulka da’yarta ah gaaray kama dambeysta koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA. Madaxweynaha waxa uu beegsaday bartiisa Twitter-ka wax yar kaddib markii ay xulka ka badiyeen Uganda oo ay la ciyaarayeen afar dhammaadka tartanka. Congratulations to our Under...

Xulka qaranka ee dalkeena Soomaaliya oo ay da’doodu ka hooseeyso ayaa gaaray fiinaalaha koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA Cup. Soomaaliya waxa ay kulankii galabka ee afar dhammaadka tartaka 1-0 uga badiyeen Uganda. Soomaaliya hore waxa ay u soo garaaceen Kenya, iyaga oo bar bar dhacna la soo galay Burundi oo lagu martigalinayo tartanka.     ...

  James Rodriguez wali waxa uu u diwaan gashan yahay Real Madrid isaga oo caawa kaga horimaan doona Champions League – haddii uu dhaliyo waxa ay dhibaato ku noqon doontaa ciyaaryahanada Los Blancos. Iyada oo an sir laga dhigin in Bayern Munich heshiskiisa joogto ka dhigi doonto marka uu dhaco qandaraaska amaahd ah, hadana waxaa shaki laga muujianya sida uu u dhaqmi...

Laacibka la hollin la’yahay ee Masar, Mohamed Salah ayaa xalay laba cad ka kala dhigay Roma lugta hore ee afar dhammaadka Champions League. Salah waxa uu ka dhaliyey labadii gool ee hore isaga oo ku dhiibay dhawr kale ciyaarta oo ugu dambeyn ku soo dhammaatay 5-2. Hase ahaatee, goolasha waxaa ka xiiso badnaa sida uu tebihii ciyaarta uga falceliyey mid ka mida goolashii...

Gooldhaliyaha ugu sarreeya horyaalka Premier League ilaa iyo hadda, xiddiga hantay abaalmarinta xiddiga ugu wanaagsan horyaalka Premier League oo ay bixiyaan ururka xirfadlayaasha kubadda cagta, kan ugu sareeya abaalmaritna Golden Shoe ilaa iyo haatan – dhamaan sifooyinkaas iyo kuwa kale – waxaa lagu sheegaa Mohamed Salah kaas oo ka yaabsaday aduunka oo dhan fasal...

Madaxweyne ku xigeenka golaha deegaanka ee boqortooyada Sacuudiga, Fahd Al-Rouqi, ayaa hadda daaha ka rogay warbixintii la soo saaray insiintii taas oo ay qeyb ka ahayd in xiddigga reer Masar Mohamed Sala magaalada barakeysan ee Makka laga siiyey dhul kaddib markii uu ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ee Premier League. Fahd Al-Rouqi, waxa uu yiri isaga...

Tababaraha Atletico Madrid Diego Simeone waxa uu qorsheenayaa in uu diido dalabyada Arsenal iyo Chelsea haddii ay soo diraan. Arsenal waxa ay ku jirtaa ugaarsi tababare kaddib markii uu jimcihii hore shaaciyey Arsene Wenger in uu ka tagayo 22 sano oo uu leylinayey kaddib. Tababaraha Atleti waxa uu ka mid yahay kuwa lala xiriirinayo in ay badalayaan Wenger, walow uu saadaasha...

Xulka Somalia ee 17-jirada ayaa maanta la ciyaaraya dhigooda Uganda kulan ka tirsan tartanka CECAFA U17 ee ka socda dalka Burundi, waana markii ugu horreyay tan iyo bur-burkii xul qaran oo heer walba uu ciyaaro wareega bug-baxda tartamada ay ka qeyb galeen. Xidigaha 17-jirada waxey kaga soo baxeen group-ka A kaalinta 1-aad taasoo keentay iney ku beegmaan Uganda oo booska...

Mohamed Salah ayaa dhaawacay xalay kooxdisii hore kadib markii uu afar gool ku lug yeeshay kulan ay As Roma qasaaro 5-2 kasoo qaadatay Liverpool kulan ka tirsan koobka Champions League. Jamaahiirta kooxda caasimadda ayaan wax rajo ah ka qabin in maamulka ay iibin doonaan Mohamed Salah oo ahaa xiddiga ugu fiican kooxdooda kadib markii uu xilli ciyaareed qurux badan ku qaatay,...

Weeraryahanka Real Madrid wuxuu rajeynayaa inuu caawa horay usii wato rikooradiisa tartanka Champions League, gaar ahaan Semi Finalkiisa – waana xiddiga kaliya ee ku sugan wareegaan marka laga hadlo 10-ka xidig ee ugu qiimaha sarreeya kubadda cagta. Shabakadda Transfermarkt ayaa qiimeyn ku sameysay ciyaartoyda, waxeyna durba soo bandhigtay 10-ka xidig ee ugu qaalisan...

Xiddiga Kooxda Liverpool ee Mohamed salah ayaa qaatay habeen kale oo cajiib ah kulankii ay kooxdiisu guusha 5/2 ah ka gaartay kooxda Roma. Xiddiga ayaa ku lug lahaa 4 ka mid ah 5-ta gool ee ay kooxdiisu dhaliay isaga oo 2 dhaliyay 2 kale ka caawiyey xiddigaha Mane iyo Firmino. Taageerayaasha Xiddiga ee caasimada dalkiisa ee qaahira ayaa si weyn oo cajiib ah uga fal celiyay...

Marka la gaaro dhamaadka xilli ciyaareedka horyaalada Yurub waxaa furmi doona suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, laakiin ka hor ayay kooxaha sii calaamadeysanayaan xiddigaha ay doonayaan inay adkeeyaan kooxahooda ka hor xilli ciyaareedka soo socda. Waxaan saaka idiin soo koobnay wararkii ugu muhiimsanaa ee ay qoreen wargeysyada Ingariiska, sugnaanshaha wararkaan laacib.net...

Ka Hor Kulankii Liverpool iyo Roma taageerayaasha labada kooxood ayaa isku dhacay taas oo keentay in taageere Liverpool ah galo xaalad adag oo caafimaad. Labada taageere ayaa isaga hor yimid wadada Anfield saacado ka hor kulankii ay labada kooxood wada ciyaarayeen ee ka tirsanaa champions League. Qaar ka mid ah taageerayaasha Roma ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay...