Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Xulka qaranka Spain ee ay da’doodu ka hoosayso 21 sano jirka ayaa guuldaro wayn baday dhigooda Talyaaniga oo toban ciyaartoy lagu soo yareeyay wuxuuna xulka qaranka Spain u soo baxay finalka Euro U21 oo ay la ciyaari doonaan xulka qaranka Germany oo rekoodhayaal ku soo reebay England. Xulka qaranka da’yarta Spain oo loo arko kuwa ugu tayada fiican ayaa 3:1...

Xiddiga koobaad ee xulka qaranka Argentine iyo kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa noqday xiddig 30 jir ah sabtidii la soo dhaafay.(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});Messi ayaa guulo muhiim ah ka gaaray kubada cagta haba u badnaato guulo uu la gaaray kooxdiisa Barcelona isaga oo sidoo kale dhaliyay goolal qurux badan. Lionel ayaa koobab...

Kooxaha horyaalada Yurub ayaa dagaal wayn ugu jira sidii ay uklaa hororsan lahaayeen xidigaha ugu tayada fiican ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub ama aduunka laga heli karo. Kooxaha horyaalka Premier Leaque-ga ayaa haddba hogaanka u qabtay lacagta lagu kharash gareeyay suuqa kala iibsiga iyaga oo kaga sareeya dhamaan horyaalada Yurub. Manchester United, Manchester...

Xulka qaranka Germany ee ay da’doodu ka yar tahay 21 sano jirka ayaa u soo baxay finalka Euro U21 kadib markii ay rekoodhayaal ku garaaceen dhigooda England kulan 120 daqiiqo ay ku kala bixi waayeen. Xulka qarana Germanay ayaa sugi doona Spain ama Italy mid ay finalka Euro U21 kula ciyaari doonaan Poland. Kulankan ay England U21 iyo Germany U21 iskaga hor yimaadeen...

Tababaraha xulka qaranka Portugal ee Fernando Santos ayaa ka hor kulanka afar dhamaadka FIFA Confedrations Cupka wax laga waydiiyay sida ay tahay xaalada maskaxeed ee kabtanka xulka qarankiisa Portugal ee Cristiano Ronaldo.Fernando Santos ayaa sheegay in Ronaldo uu si buuxda diirada u saarayo waajibaadka xulka qarankiisa Portugal isla markaana uu bixin doono boqolkiiba...

Difaaca ree Brazil ee Dani Alves ayaa maalinta talaadada waxa uu dhamaystiri doonaa in si sharci ah ay laba darii ugu kala raacaan kooxdiisa Juventus waxaana la kansalay qandaraadkii labada sanadood ahaa ee uu xagaagii hore kaga soo wareegay Barcelona. Alves ayaa dalbaday in heshiiskiisa Turin la burburiyo si uu Premier Leaque-ga ugu dhaqaaqo. Dani Alves ayay saddex kooxood...

Manchester United ayaa wali isku dayaysa in ay AS Monaco kala soo wareegto Fabinho iyada oo waliba ku cadaadinaysa in ay dalab 30 milyan oo gini ah ku keento Old Traffrod, laakiin kooxda Paris Saint-Germain ayaa doonaysa in ay Manchester United kula tartanto saxiixa difaaca ree Brazil ee Fabinho. Fabinho ayaa ah ciyaartoy boosas badan oo difaaca iyo khadka dhexe ah ka...

Real Madrid iyo kooxda ay dariska yihiin ee Ateltico Madrid ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii soo idlaaday ku heshiiyay iibka da’yarka difaaca bidix ka ciyaara ee Theo Hernandez laakiin Los Blancos ayaan wali ku dhawaaqin in ay xidigan ay kala soo wareegtay Atletico Madrid. Warkayska Marca ee Madrid ka soo baxa ayaa shaaciyay sababta ayna Real Madrid ilaa hadda...

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa in ay samayso saxiixyo muhiim ah basle ilaa hadda Jurgen Klopp iyo kooxdiisa Reds ayaan helin xidigihii ay u calaamadsadeen bartilmaameedka ugu muhiimsan marka laga reebo Mohamed Salah oo dhawaan kala soo wareegtay AS Roma. Haddaba waxaanu halkan idiinku soo koobnay wararka suuqa kala iibsiga ee kooxda Liverpool ee maanta looga hadlay suuqa...

Wakiilka kubbada cagta ugu magaca wayn ee  Jorge Mendes oo ah ninka wakiilka ka ah ciyaartoyda ugu caansan kubbada cagta aaya maanta oo talaado ah ka soo hormuuqanaya maxkamada dalka Spain iyada oo xaakinka maxkamada Madrid uu  Jorge Mendes su’aalo ka waydiinayo kiisha cashuur lunsiga ah ee  Radamel Falcao kaas oo qayb ka ah xidigaha loo haysto in ay musuqeen...

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa dhamaadkii xili ciyaareedkii soo idlaaday sheegay in uu doonayo sidii ay kooxdiisu saxiixyada xagaaga u samayn lahayd waqtiga ugu soo horeeya si ay kulamada saaxiibtinimo qayb uga noqdaan qorshihiisa oo ay xili ciyaareedka cusub ula sii diyaar garoobaan. Laakiin ilaa hadda Mourinho waxa uu liiskii uu gudbiiyay ka...

Kooxda kubbada cagta Chelsea ayaa qarka u saaran in ay dhamaystirto saxiixa difaaca ree Brazil iyo kooxda Juventus ee Alwx Sandro, waxayna wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya xaalada xidigani ay sheegayaan in Chelsea ay ka bixinayso 68 milyan oo euros waana lacagtii abid ugu badnayd ee difaac lagula wareego. Wargayska La Stampa oo ay leeyihiin qoyska Juventus isla...

Idilkiinba salaan akhristayaaha hawada nagala socdow meel kasta oo aad aduunka dacaladiisa ka joogtaana kuna soo dhawaada barnaamijka wargaysyada iyo waxyaabihii ay maanta oo Isniin ah ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo xidigaha lakala doonayo. Kooxaha horyaalka Premier Leaque-ga ayaa dagaal wayn ugu jira sidii ay u samayn lahaayeen saxiixyo muhiim ah ka hor...

AC Milan ayaa xoojisay baacsiga ay ugu jiraan saxiixa xoddiga kooxda Bayer Leverkusen ee Hakan Calhanoglu si saxiixiisa u helaan xagaagaan. Milan ayaa laacibkaas dul dhigtay qiimo gaaraya 20 milyan oo euro sida laga sii xiganayo bogga Clacico Mercato(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});Kooxaha Tottenham iyo Arsenal ayaa horay u daba joogay...

Waxa sanad kasta la bixiyaa Abaalmarin la yiraado FIFA Puskas Award oo la siiyo xiddiga dhaliya goolka ugu qurxda badan xilli ciyaareedkii.(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});Xilli Ciyaareedkii dhamaaday ayaa garoomada kubada cagta laga dhaliyay gool cajiib ah oo aan kala dhicin oo ay xiddiguhu u dhaliyeen si cajiib ah oo aan laga jeedsan...

Marka laga yimaado kubadda cagta ,Naymar ayaa ka hela fanka gaar ahaan heesaha Waxa uu haatan barahiisa bulshada soo dhigay isaga oo aysan ka qasneyd oo ku baashaalaya hees Wargeyska Marca ayaa baahiyay muuqaalka Neymar oo saaxibkiisa la qaadaya heeso,Halkaan Laacibtv.net ka daawo muuqaalkaas(function() { var referer="";try{if(referer=document.referrer,"undefined"==typeof...

Kooxda Liverpool ayaa ugu dambayn dalab Rasmi ah ka gudbisay mid ka mid ah xiddigaha uu taageeraha weyn u yahay tababaraha kooxda ee Jurgen Klopp kadib markii ay Kooxda Arsenal miiska u saareen dalab dhan 25 Milyan oo ay kaga doonayaan xiddiga garabka uga ciyaara ee Alex Oxlade-Chamberlain. Wargayska Mirror ayaa sheegaysa In Ay Liverpool si Rasmi ah dalab ugu gudbisay...

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay xiriir la samaysay kooxda reer Italy ee Torino iyada oo wax ka weydiisay helitaanka weeraryahanka awooda badan ee Andrea Belotti. 23 jirka reer Italy ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu u soo dhaqaaqi doono garoonka Old Trafford xagaagan xilli Jose Mourinho uu raadinayo weeraryahan uu ku badalo Zlatan Ibrahimovic. United...

Kooxda Man City ayaa ku rajo weyn in ay soo afjarto saxiixa saddex daafaca ka hor inta ayna u amba bixin kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ee ka dhici doona dalka America bisha dambe. Dani Alves ayaa la filaaa in uu noqod saxiixa ugu horeeya ee daafaca ah ee soo garaaca albaabta Etihad kadib markii ay kooxda Juventus iska fasaxday xiddigan reer Brazil. Xiddigan...