Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha Janunary ayaa furan waxayna kooxaha Yurub ugu waa wayni haddaba diirada ku hayaan in ay la soo saxiixdaan ciyaartoy ay u arkaan in ay safafka kooxahooda xoojin u noqon karaan, laakiin sidoo kale waxaa jira kooxo doonaya in ay iska iibiyaan ciyaartoy aan muhiim ka ahayn qorshahooda xili ciyaareedka waxaana la filayaa in ay jiri doonaan...

Kooxda Barcelona ayaa haddaba meel sii dhigtay saxiixa ugu horayn doona ee ay samayn doonto dhamaadka xili ciyaareedkan marka uu suuqa xagaagu furmo, waxayna heshiis qarsoodi ah sii gaadheen xidiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann kaas oo noqon doona xidiga Barcelona ku soo biiri doona marka uu soo dhamaysto xili ciyaareedkan. Wargayska Sport ee magaalada Barcelona...

Suuqa kala iibsiga bisha January ayaa maalintiisii 20 aad galay waxayna wali kooxaha horyaalada Yurub ugu waa wayni raadinayaan suurtogalnimada ay saxiixyo cusub ku samayn karaan iyada oo waliba la ogyahay sida qiimaha ciyaartoydu uu si waali ah sare ugu kacay. Ilaa hadda Barcelona ayaa ah kooxda faa’iidada January heshay halka Liverpool iyo Chelsea ay ku soo xigaan...

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa bartilmaameedka ugu sareeya ka dhigatay sidii ay kooxdeeda u keeni lahayd tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola waxayna maamulka kooxda Paris ka dhisani doonayaan in macalinka ree Spain ay ka soo afduubaan Man City isla markaana ay dhamaadka xili ciyaareedkan soo xero galiyaan. Wargayska Daily Mirror ayaa shaaciyay in maamulka Paris...

Iyadoo kooxaha waa weyn ay isku dayayaan inay soo iibsadaan ciyaartoyda ugu fiican suuqa kala iibsiga, ayaa wararkii ugu dambeeyay ee dhawaan leysla dhex qaadayay wuxuu ahaa in kooxda Chelsea ay dooneyso inay lasoo saxiixato weeraryahanka West Ham United Andy Carroll iyo kan kooxda Stoke City Peter Crouch. Warkan kasoo yeedhay maamulka kooxda reer London ee Chelsea ayaa...

Tababare Antonio Conte ayaa ka jawaabay wararka sheegaya inuu diyaar u yahay soo xerogalinta weeraryahanka Stoke City Peter Crouch inta lagu jiro bishaan January, isagoo diiday inuu ka hadlo wax ku saabsan ciyaartoy kale. Shabakadda Mirror ayaa shaaca ka qaaday xalayto in Blues ay ku raad joogto weeraryahankii hore Liverpool Peter Crouch kaas oo 36-jir ah kadib markii...

Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa ka doonaya in ay ka dhigaan xidiga ugu mushaarka qaalisan kubbada cagta isla markaana uu hogaanka u qabto liiska ciyaartoyda hadda ku jira liiska xidigaha ugu mushaarka badan. Ronaldo ayaa maamulka Florentino Perez kaga cadhaysan in aanu ka soo bixin balantii ahayd in heshiiskiisa...

Kooxda Arsenal ayaa sare u qaaday hamigeeda ah in ay soo xero galiso saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund iyo xulka qaranka Gabon ee Pierre-Emerick Aubameyang waxaana hadda soo baxay war cusub oo faah faahin dheeraad ah ka bixinaya qodobada heshiiska ay Arsenal la gaadhay Aubameyang. Wariyaha sida wayn loo xushmeeyo ee dalka Talyaaniga ee  Gianluca Di Marzio ayaa...

Halyeeyga Arsenal Martin Keown ayaa ku cambaareeyay Alexis Sanchez sababa la xidhiidha go’aanka degdeg ah uu ugu biirayo kooxda Manchester United, halka uu kaga biiri lahaa dhigeeda Manchester City inta lagu gudi jiro suuqan kala iibsiga bisha January. Hase yeeshee horumarka laga sameenayo heshiiska Alexis Sanchez ugu biirayo kooxda Manchester United ayuu ku tilmaamay...

Tababarayaasha ay xurgufta wayni ka dhexayso ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ayaa markale u muuqda kuwo dagaalkooda suuqa kala iibsiga sii wadan doona iyada oo uu soo baxay war sheegaya in Manchester United ay dariskeeda Manchester City kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa xidiga khadka dhexe ee kooxda Nice ee Jean Michaël Seri kaas oo ay sidoo kale doonayso...

Kooxaha Premier League ayaa sanadihii ugu danbeeyay lacago waali ah ku bixinayay suuqa kala iibsiga waxaana la soo saaray lacagta ay suuqa galiyeen ama ka heleen tan iyo January 2007 kii. Lixda kooxood ee Premier League ugu sareeya ayaa lacago aad u badan ku kharash gareeyay suuqa kala iibsiga iyaga oo sidoo kale faa’iido wayn ka sameeyay ciyaartoy kooxahooda ka baxay. Haddaba...

Zinedine Zidane ayaa ka hor kulanka Copa Del Rey ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Leganes waxa sheegay in aanu qiyaasan karin Real Madarid oo aanu Cristiano Ronaldo ka tirsanayn. Cristiano Ronaldo iyo maamulka kooxdiisa Los Blancos ayaa isku khilaafsan mushaarka uu hadda Bernabeu ka qaato isaga oo doonaya in laga dhigo xidiga kubbada cagta ugu mushaarka badan taas oo...

Kooxda Everton ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday heshiiska ay Theo Walcott kagala soo wareegtay kooxda Arsenal iyada oo xidiga ree England uu shalayba ka gudbay tijaabada caafimaadka isla markaana uu ogolaaday heshiiska shaqsiga ah ee uu Goodinson Park ugu soo wareegay. Theo Walcott oo Everton ugu soo biiray si uu Sam Allardyce uga helo boos joogto ah taas oo u badbaadin...

Wakiilka weeraryahanka reer Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa la xaqiijinayaa inuu u safray magaalada Landon si uu u dhameystiro heshiiska uu ugu dhaqaaqayo xidiga uu dalaalka ka yahay kooxda Arsenal. Wargeyska Daily Mirror ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in qiimaha uuu Aubameyang ugu dhaqaaqayo kooxda Gunners uu gaarsiisan...

Sidii aanu hore idiinku soo gudbinay wakiilo ka socday da’yarka kooxda Bordeaux ee Malcom ayaa wada xaajoodyo magaalada London usbuucan kula yeeshay kooxda Arsenal waxayna ka wada hadaleen suurtogalnimada uu 20 sano jirkani Emirates Stadium ugu soo biiri karo. Laakiin tababaraha kooxda Bordeaux ee Jocelyn Gourvennec ayaa walwal hor leh ku bilaabay jamaahiirta Arsenal...

Maalmihii ugu danbeeyay waxay saxaafada kubbada cagta aduunku si wayn wax uga qoraysay in Arsenal ay ku dhawdahay saxiixa xidiga xulka qaranka Gabon iyo kooxda Borussia Dortmund ee Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ay kooxdiisa isku khilaafeen waxyaabo dhaqankiisa ah waxaana tan iyo maanta soo baxayay warar sheegayay in Aubameyang uu gudbiyay warqada uu ku dalbanayo in...

Wakiilka Henrikh Mkhitaryan ee Mino Raiola ayaa si cad u sheegay in xidiga ree Armenia uu muhiimad wayn ku leeyahay in Manchester United ay dhamaystirto heshiiska Alexis Sanchez wuxuuna xusay in ilaa inta uu Mkhitaryan ka ogolaanayo in uu Arsenal ku biiro ayna United dhamaystiri karin saxiixa xidiga ree Chile ee Sanchez. Sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay ayuu wakiilka Henrikh...

Henrikh Mkhitaryan ayaa dhibaato ku noqonaya heshiiska ay Man United ku doonaysay saxiixa Alexis Sanchez iyada oo ilwareedyo ku dhaw xidiga ree Armenia ay BBC Sport u sheegeen in aanu jirin wax heshiis ah oo uu Henrikh Mkhitaryan la gaadhay Arsenal, wuxuuna warku sheegayaa in Sanchez uu heshiis shaqsi ah la gaadhay Man United balse aanu wali jirin heshiis Man United iyo...

Real Madrid ayaa diyaarineysa qorshe ay ugu dhaqaaqeyso weeraryahanka Inter Mauro Icardi sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka talyaaniga, balse waa xaalad ay tahay in la sugo ilaa xagaaga soo aadan. Los Blancos waxey ku jirtaa xaalad aan wanaagsaneyn marka laga hadlo horyaalka La Liga madama aysan si fiican u shaqeynin ciyaartoyda dhanka weerarka, Ronaldo wuxuu...