Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Kooxaha magaalo cadawga ah ee Inter Milan iyo Ac Milan ayaa is wajahaya caawa kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da, gaar ahaan kulamada 8-aad iyadoo labada dhinacba ay majaraha u hayaan maalgashadayaal Shiinees ah. Nerazzuri waxey heshay dhiirigalin cajiib ah tan iyo markii loo magacaabay Lucanio Spalletti, waxeyna fadhisaa booska 4-aad iyadoo dhibco wadaag la ah Lazio...

Xidigii hore ee xulka qaranka Brazil ee Roberto Carlos oo ka mdi ahaa kooxdii riyada ee Brazil soo martay ayaa dib u xusuustay waqti xun oo uu la soo qaatay Roy Hodgson waqtigii ay Inter Milan ka soo wada shaqeeyeen. Carlos ayaa macalinka ree England ku eedeeyay in aanu wax badan ka aqoon kubbada cagta isla markaana uu ku dhawaaday in uu waayihiisa ciyaareed dilo. Roberto...

Kooxda ka dhisan waqooyiga magaalada London ee Arsenal ayaa dooneysa inay iska fasaxdo laacibkeeda Theo Walcott, hadii ay ku hesho dalab macquul ah oo ay ku fasaxi karto suuqa bisha January, inkastoo laacibka ree England heshiiskiisa uu ku joogo Emirates Stadium uu dhacayo sanada 2019. Sida uu daabacay shabakada ree talyaani ee Calcio Mercato, maamulka kooxda Inter Milan...

Maamulka kooxda Arsenal ayaa tixgalinaya in ay suuqa bisha January dhegaystaan dalabayada lagu doonayo xidiga ree Germany ee Mesut Ozil iyada oo Gunners ka cabsi qabta in dhamaadka xili ciyaareedkan ay si xor ah oo bilaa lacag ah ay ku lumiso Mesut Ozil iyo Alexis Sanchez. Inkasta oo ay wali Gunners rajo ka qabto in Ozil uu saxiixo heshiis cusub, haddana waxaa sii yaraanaysa...

Agaasimaha ciyaaraha kooxda Inter Milan Piero Ausilio ayaa wuxuu shaaca ka qaaday go’aankiisa kaga aadan in Mesut Ozil uu soo caga dhigan doono San Siro kadib marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada bisha January ee soo aadan. Piero Ausilio ayaa wuxuu si cad u qeexay in kooxdiisa Inter Milan ay ku adkaan doonto lasoo saxiixashada Mesut Ozil bisha January,...

Waxaa la shaaciyay 10 ciyaartoy ee horyaalka Talyaaniga mushaarka ugu qaalisan ka qaada balse marka loo eego horyaalada Premier leaque iyo La Liga waxay noqonayaan mushaarka ay qaadaan ciyaartoyda meel dhexaadka ah. Tobanka xidig ee mushaarka ugu qaalisan ka qaata horyaalka Talyaaniga ayaa sida la filan karo ka ciyaaraha kooxaha Juventus, AC Milan, Inter Milan iyo waliba...

Kooxda Inter Milan ayaa dalab cusub ka soo gudbisay difaaca xulka qaranka Germany iyo kooxda Arsenal ee  Shkodran Mustafi waxayna Inter doonaysaa in ay ka faa’iidaysato xaalada aan fiicnayn ee uu Mustafi kaga jiro kooxdiisa Arsenal. Mustafi ayaa u muuqday mid murugaysan intii lagu jiray kulankii uu kursiga kaydka fadhiyay ee Liverpool waxaana bishii ugu danbaysay si...

Xilli ciyaareedka cusub horyaalka talyaaniga ayaa bilowday iyadoo todobaadkii ugu horeeyay ay kasoo baxeen natiijooyin kala duwan – dhamaan kooxaha waaweyn ayaa guulo gaaray gaar ahaan Ac Milan, Inter Milan, Juventus, As Roma & Napoli. Bianconerri kulankii ugu horeeyay waxey 3-0 ku dhufteen Cagliari kulan marti loogu ahaa Allianz Stadium – Dybala, Higuain &...

Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu furmi doono xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Talyaanigu waxaana jira diyaar garaw wayn oo ay wadaan kooxaha waa wayn ee Seria A. Iyada oo sanadihii la soo dhaafay ay Juventus horyaalka Seria A iska yeelatay ayay kooxaha waa wayn ee Talyaani doonayaan sidii ay maamulka Old Lady u soo gabagabayn lahaayeen. Waxaa jira dhaq dhaqaaq wayn oo...

Waxaa hadda la sameeyay isku aadka kulamada horyaalka Talyaaniga ee xili ciyaareedka cusub iyada oo koox kastaaba hadda ogaatay kulada furitaanka iyo halka ay ku bilaaba doonto xili ciyaareedka 2017/18. Ma jiro hal kulan oo ay kooxaha waa wayni wada ciyaari doonaan maalinta furitaanka Seria A laakiin waxaa jira kulamo adag oo la ciyaari doono maalinta ugu horaysa xili...

Tababaraha reer Spain iyo kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa wuxuu sharaxay sababtii ay kooxdiisa Sky Blues ugu guuldareesatay saxiixa daafaca reer talyaani iyo kooxda Juventus Leonardo Bonucci, maadaama uu ugu dambeyn si layaab leh ugu biiray safka kooxda AC Milan. Ku biirista Leonardo Bonucci ee kooxda AC Milan ayaa si weyn ay ula yaabeen saxaafada gudaha dalka...

Maalin Wanaagsan dhamaan akhristayaasha qiimiga iyo qaayaha leh ee ku xiran shabakadda Laacib, waxaan idiin soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay horyaalka talyaaniga & waxyaabahii ugu waaweynaa ee ay qoreen warbaahinta wadankaas ee la xiriira kooxaha ka ciyaara Serie A-da. Kooxaha reer talyaani waxey sanadkaan sameynayaan dhaq-dhaqaaq dhanka suuqa ah oo si weyn loo...

Manchester United ayaa u muuqata mid ku sii dhawaaneysa saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Inter Milan Ivan Perisic iyadoo wararka ay soo jeedinayaan in xiddiga Lazio Kieta Balde uu ku dhow yahay inuu ku biiro Nerazzurri. Kooxda Red Devils ayaa si xoogan u cerysanaysay xiddiga reer Croatia laakiin Inter Milan ayaa ku adkeysanaysa qiimeynteeda ciyaaryahanka oo ah 50...

Xiddiga khadka dhexe ee reer Croatia Ivan Perisic ayaa ka tagay xarunta tababarka ee Inter Milan, waxaana sababta lagu sheegay inuu inuu la ildaran yahay goos xanuun, iyadoo ay weli socdaan wadahalada ay kooxda kula jirto Manchester United. Ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ayaa ku balansanaa inuu ciyaartisii ugu horeysay ee tijaabada ee xagaagan inuu ka horyimaado kooxda...

Inter Milan ayaa u sheegtay Manchester United inay doonayaan in Anthony Martial uu qeyb ka noqdo wadahalada heshiiska Ivan Perisic, laakiin ay noqon kartaa inay amaah ku qaataan ama inuu qeyba ka noqdo heshiiska joogta ah la isku bedelanayo labada ciyaaryahan. Kooxda Nerazzurri ayaa ku adkeysaneysay tan iyo bilowgii xagaagan inaysan aqbali doonin lacag ka yar 55 milyan...

Maamulka kooxda Inter Milan ayaa sii wada digniinta adag ee ay u dirayaan Manchester United ee ku aadan saxiixa Ivan Perisic kaa soo ay Manchester United ay si wayn u doonayso.Walter Sabatini oo shir jaraa’id ka hadlayay ayaa si cad u sheegay in ayna kooxdiisu aqbali karin dalab kasta oo ka hooseeya 55 milyan oo euros oo ah qiimaha ay ku fasixi karaan xidiga ree Croatia...

Manchester United ayaa wali sii wada in ay Inter Milan ka raadsato saxiixa xidiga ree Croatia ee Ivan Perisic waxayna u diyaarsatay dalab iskugu jira difaaca  Matteo Darmian iyo waliba lacag kaash ah oo gaadhaysa €20 milyan oo euros laakiin wali dalabkan ayaan qancin masuuliyiinta Inter Milan. Kooxda Inter Milan ayaa ayaa Ivan Perisic ku qiimaynaysa 55 milyan oo euros...

Arsenal ayaa quus ka taagan in ay Alexis Sanchez ku sii hayn karto kooxdeeda waxayna kala dooranaysaa laba arimood oo kala daran kuwaas oo ah in ay xili ciyaareedka cusub sii haysato oo ay 12 bilood kadib uu si xor ah ku bixi karp isla markaana uu kooxaha Premier Leaque-ga lacag la’aan ugu wareegi karo iyo in ay haddaba Manchester City ka hesho 50 ka milyan ee gini ay...

Xidiga ree Brazil iyo kooxda Inter Milan ee  Gabriel Barbosa oo loo yaqaan Gabigol ayaa maanta garanaya in 12 bilood ay waqti aad u dheer ku tahay kubbada cagta isaga oo waqtigan oo kale xagaagii hore 30 milyan oo gini ugu soo biiray Inter Milan isaga oo waliba haystay fursado layaableh oo uu ku kal dooran karayay kooxaha Yurub ugu waa wayn laakiin maanta Inter Milan...

Kooxda Inter Milan ayaa heshiis shaqsi ah la gaadhay xidiga xulka qaranka Argentina iyo Paris Saint-Germain ee Angel Di Maria waxayna hadda bilaabi doontaa in ay kooxda PSG kala xaajoodo iibka kubbad sameeyahan ree Argentina. Kadib markii ay Inter Milan daawanaysay AC Milan oo wacdaro layaableh ka dhigaysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayay iyaduna bilawday in ay dhinaceeda...