Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

32da kooxood ee u soo baxay wareega xiga ee koobka labaad ee ugu waa weynaha kooxaha Yurub ee Europa League ayaa la xaqiijiyay. Maalinta Isniinta ayaa waxaa magaalada Nyon ee dalka Switzerland lagu qabanayaa isku aadka wareega 32da kooxood ee Eruopa League, iyadoo kooxaha loo kala saaray labo qaanadood.Qaanadood koowaad waxa ay ka kooban yihiin 12kii kooxood ee kaalimaha...

Tababaraha cusub ee kooxda Ac Milan Gennaro Gattuso ayaa beeqaamin doona hab cusub oo wax badan ka badalan midkii Vincenzo Montella kulankiisa ugu horeeya ee uu la leeyahay Bonvento, wuxuuna dhexda isugu keeni doonaa si wadajir ah Lucas Biglia iyo Riccardo Montolivo. Macalinka cusub ayaa goor horaba ka dhawaajiyay inuu ciyaari doono sadex daafac, sidoo kale afar difaac...

Goolhayaha rug-cadaaga ah ee Juventus Gianluigi Buffon ayaa la gudoonsiiyay Abaalmarinta xidiga ugu fiican horyaalka talyaaniga xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay kadib xaflad la isugu yimid Gran Gala del Calcio. Goolhayaha qaranka talyaaniga ayaa la siiyay abaalmarinta kadib markii uu bandhig cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii 2016/2017 iyadoo xafladda ay soo agaasimeen...

Gennaro Gattuso ayaa noqonaya macalinkii lixaad ee loo dhiibo xilka tababaranimo ee kooxda Ac Milan tan iyo markii shaqada kooxdi a laga ceyriyay Max Allegri bishii January 2014, waxeyna kusoo aadeysaa in warbixintaan la helo xilli subaxnimadaan la ceyriyay tababare Vincenzo Montella kadib markii uu barbaro gool la’aan ah shalay kooxdiisa u horseeday ciyaar ay Torino...

Kooxda kubadda cagta Ac Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday iney shaqadii tababaranimo ka ceyriyeen Vincenzo Montella, waxaana durba lagu dhawaaqay inuu badal u noqon doono ruuxigii reer talyaani Gennaro Gattuso. Kooxda ka dhisan San Siro ayaa si xun ku bilowday xilli ciyaareedkaan iyadoo la galiyay in ka badan 200 Malyan oo Euro, waxeyna fadhisaa booska 7-aad ee horyaalka...

UEFA ayaa si dhow u eegeysa heshiisyada dhaqaale ee kooxda AC Milan iyadoo su’aalo la iska weydiinaya kororka aadka u sareeya ee durbaba ku dhacay lacagta ay kooxda Serie A ka dhisan ku qarashgareysay suuqa kala iibsiga xagaagii. Wafuud ka socota AC Milan ayaa tagay xarunta ururka kubada cagta Yurub labo isbuuc ka hor si ay ugu sheegaan UEFA in dhaqaalahooda uu yahay...

Caawa laba kulan ayaa laga ciyaari doonaa horyaalka talyaaniga, waana labada kulan ee ugu weyn isbuucaan horyaalka, waana marka ay ciyaaraan kooxaha caasimadda ka wada dhisan ee As Roma iyo SS Lazio oo xiliga fiidkii la daawan doono iyo kulanka xiliga dambe la daawan doono oo ay wada ciyaari doonaan SSC Napoli iyo Ac Milan. AS ROMA vs SS LAZIO: Kulankaan wuxuu leeyahay...

Kulanka isha lagu wada hayo caawa waa midka dhexmari doona kooxaha Ac Milan iyo Juventus – kaas oo laga soo diiwaan galiyay xogo muhiim ah oo muujinaya in kubadda cagta dalka talyaaniga ay madaxa lasoo kacday. Guud ahaan waxaa la iibiyay tikidhadii loogu tala galay kulanka, waxaa ciyaarta daawan doona dad lagu qiyaasay 730 Malyan oo ruux kuwaas oo kala jooga daafaha...

Ac Milan ayaa caawa soo dhaweyn doonta kooxda Juventus kulan ka tirsan horyaalka talyaaniga ee Serie A-da – waana kulanka ugu adag ee todobaadkaan laga daawan karo qaaradda yurub marka la eego miisaanka labada kooxood iyo taariikhda ay ku leeyahiin dalkooda. Kulankaan wuxuu kusoo aadayaa xilli labada kooxood ay ku jiraan marxalado kala duwan, Ac Milan waxey ku jirtaa...

Carlo Ancelotti ayaa iska diidi doona inuu dib ugu laabto San Siro si uu badal ugu noqdo tababare Vincenzo Montella, wuxuuna rajeynayaa inuu tababare u noqdo Juventus si uu badal ugu noqdo Max. Allegri sida ay qorayaan warbaahinta wadanka talyaaniga. Tababaraha reer talyaani ayaa laga ceyriyay shaqada Bayern Munich kadib markii uu hanan waayay agaasinka qolka labiska,...

Kooxaha magaalo cadawga ah ee Inter Milan iyo Ac Milan ayaa is wajahaya caawa kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da, gaar ahaan kulamada 8-aad iyadoo labada dhinacba ay majaraha u hayaan maalgashadayaal Shiinees ah. Nerazzuri waxey heshay dhiirigalin cajiib ah tan iyo markii loo magacaabay Lucanio Spalletti, waxeyna fadhisaa booska 4-aad iyadoo dhibco wadaag la ah Lazio...

Sida shaaca laga qaaday dowladda Shiinaha ayaa ku qasbi karta maalgashadayaasha Milan iney lacag dha 200 Malyan oo Euro kusoo celiyaan dalka.Maalgashadaha reer China Yonghong Li ayaa la wareegay Rossoneri horaantii sanadkaan kadib markii uu lacag kasoo amaahday sanduuqa maaliyaddaee U.S oo ay maamusho shirkadda Elliott Management si uu ud hameystiro heshiiska. Qeyb ka...

Kooxda AC Roma ayaa saddex dhibcood oo dahabi ah San Siro kaga soo heshay kooxda lacagta badan xili suuqii dhawaa lagu maal galiyay ee AC Milan waxayna Roma soo gaadhay guusheedii 10 aad oo xidhiidh ah ee horyaalka Serie A oo ay marti tahay iyada oo muddadan 31 gool soo dhalisay halka 7 gool oo kaliya laga soo dhaliyay. Dhamaadkii kulankan saxiixa cusub ee  Hakan Çalhanoğlu...

Koobka labaad ee ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee Europa League ayaa caawa bilaabanaya marka la ciyaaro kulamada koowaad ee wareea group-yada, iyadoo kooxo waa weyn sida AC Milan iyo Arsenal ay ka dhex muuqdaan xilli ciyaareedkan. Muhiimada uu leeyahay hanashada koobka Europa League ayaa sarre loo qaaday xilli ciyaareedyadii u danbeysay iyadoo kooxdii ku guuleysata ay...

Gudiga deegaanka magaaalada Roma ayaa ka shuureyn doona xaaladda iyadoo laga yaabo in SS Lazio & Milan ay ciyaaraan waqti dambe oo maanta ah madama ay daadad sameeyeen roobabkii ka da’ay caasimadda. Gudiyo kala duwan ayaa isku imaanaya kuwaas oo si wadajir ah uga doodaya hadii kulankaan ka tirsan Serie A-da la ciyaari doono iyo in kale. Kulanka wuxuu ku asteysnaa...

Waxaa la shaaciyay 10 ciyaartoy ee horyaalka Talyaaniga mushaarka ugu qaalisan ka qaada balse marka loo eego horyaalada Premier leaque iyo La Liga waxay noqonayaan mushaarka ay qaadaan ciyaartoyda meel dhexaadka ah. Tobanka xidig ee mushaarka ugu qaalisan ka qaata horyaalka Talyaaniga ayaa sida la filan karo ka ciyaaraha kooxaha Juventus, AC Milan, Inter Milan iyo waliba...

Xilli ciyaareedka cusub horyaalka talyaaniga ayaa bilowday iyadoo todobaadkii ugu horeeyay ay kasoo baxeen natiijooyin kala duwan – dhamaan kooxaha waaweyn ayaa guulo gaaray gaar ahaan Ac Milan, Inter Milan, Juventus, As Roma & Napoli. Bianconerri kulankii ugu horeeyay waxey 3-0 ku dhufteen Cagliari kulan marti loogu ahaa Allianz Stadium – Dybala, Higuain &...

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa furan maalintiisii 34 aad iyada oo waqtiga uu xidhmayo ay ka hadhsan tahay 28 maalmood waana waqti badan oo uu sii furnaan doono. Kooxaha Yurub ayaa si wayn ugu mashquulsan in ay sameeyaan saxiixyo kooxahooda muhiim u noqon kara xili ciyaareedka cusub. Iyada oo in ka yar 10 maalmood ka hadhsan tahay xiliga ay furmi doonaan horyaalada Yurub...

Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu furmi doono xili ciyaareedka cusub ee horyaalka Talyaanigu waxaana jira diyaar garaw wayn oo ay wadaan kooxaha waa wayn ee Seria A. Iyada oo sanadihii la soo dhaafay ay Juventus horyaalka Seria A iska yeelatay ayay kooxaha waa wayn ee Talyaani doonayaan sidii ay maamulka Old Lady u soo gabagabayn lahaayeen. Waxaa jira dhaq dhaqaaq wayn oo...

Waxaa hadda la sameeyay isku aadka kulamada horyaalka Talyaaniga ee xili ciyaareedka cusub iyada oo koox kastaaba hadda ogaatay kulada furitaanka iyo halka ay ku bilaaba doonto xili ciyaareedka 2017/18. Ma jiro hal kulan oo ay kooxaha waa wayni wada ciyaari doonaan maalinta furitaanka Seria A laakiin waxaa jira kulamo adag oo la ciyaari doono maalinta ugu horaysa xili...