Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Newcastel United ayaa gaartay guul muhiim ah markii ay garoonkooda St James Park ku sooreen dhigooda Man United, waxaana guushaan u gacan galiyay Matt Ritche oo shabaqa soo taabtay qeybtii labad ee ciyaarta. Jose Mourinho wuxuu la kulmay guuldaro dhibaato weyn u noqon karta, taasoo halis galin karta dagaalka ay ugu jiraan iney ugu yaraan ku dhameystaan afarta sare ee horyaalka...

Gool uu dhaliyay qeybtii labaad ee ciyaarta Matt Ritchie ayaa guul siiyay Newcaslte United kulankii ay garoonka St James Park kusoo dhaweeyeen Manchester United iyadoo Rafael Benitez uu si xun guuldaro u dhadhansiiyay ninka ay coltamaan ee Jose Mourinho. Red Devils waxaa laga hakiyay hami ay ka qabtay iney mar kale soo yareyso farqigii kala dhaxeeyay kooxda hogamineysa...

Jose Mourinho ayaa amaan kala duldhacay saxiixiisa cusub Alexis Sanchez isagoo qiray inuu kaga duwan yahay xidigaha kale ee kooxda dhanka weerarka khibradda uu u leeyahay tartanka Champions League. Red Devils ayaa heshay Sanchez, balse waxaa heshiiska ka mid ahaa Henrikh Mkhitaryan oo dhinac kale aaday maadaama xidiga reer Chile uu diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisii...

Tababare Jose Mourinho ayaa si adag kaga hadlay mustaqbalka goolhaye David de Gea wuxuuna u sheegay Los Blacnos in xidiga reer Spain uusan meelna uga dhaqaaqi doonin Masraxa riyada, taasoo ah hadal dhabar jab ku ah kooxda boqortooyada. David de Gea wuxuu noqday bartilmaameedka koowaad ee Real Madrid sanadahii uu dambeeyay iyadoo saxiixiisa u dhawaatay xagaagii 2015 ka...

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa aaminsan inuu yahay tababaraha ugu akhlaaqda wanaagsan horyaalka Premier League. Habdhaqanka Mourinho ee kursiga keydka ayaa ah mid si cad loo ogyahay lana diiwaangeliyay mudadii sannadaha aheyd, waxaana tababaraha reer Portugal ay tiro dhowr jeer ah isku dhaceen madaxda kubada cagta Ingariiska.Laakiin Mourinho ayaa sheegay...

Waa Rafa v Jose, Newcastle v Manchester United, laakiin uma dareen eka kulamadii cajiibka ahaa ee dhexmari jiray kooxahaan waa hore. Benitez isna waxa uu fariistay miiska dhankiisa kale ee Mourinho, waxaana uu ku mashquulsan yahay inuu Newcastle badbaadiyo marka loo eego xafiiltankii kala dhaxeyn jiray Mourinho markii ay kala joogeen Liverpool iyo Chelsea.Tababare Jose...

Kabtankii hore Man United Wayne Rooney ayaa shaaca ka qaaday sadexda xidig ee uu wax badan ka bartay ka hor inta uusan badalin booskiisa, waxaana ku jira xidiga Real Madrid Toni Kroos oo ka mid ah xirfadlayaasha khadka dhexe ciyaara kuwooda ugu wanaagsan. 32-jirkaan heerka caalami ayaa dib ugu laabtay Everton xagaagii laga soo gudbay, wuxuuna inta badan doorkiisa usoo...

Alexis Sanchez ayaa sheegay in Manchester United ay tahay kooxda ugu weyn England, islamarkaana sababtoo uu ugu soo biiray iyaga inay tahay inuu ku guuleysto koob walba. Wareysi gaar ah uu siiyay Sky Sports oo uu qaaday Thierry Henry, Sanchez ayaa sheegay inuu ogaaday sida ay United ay u tahay koox weyn tan iyo markii uu Arsenal ka soo wareegay bishii Janaayo.Sanchez...

Jose Mourinho ayaa sheegay in isaga iyo Paul Pogba inay isku raacsan yihiin in booska ugu fiican ee laga ciyaarsiin karo xiddiga ugu qaalisan Manchester United inay tahay khadka dhexe. Halyeeyga Manchester United Ryan Giggs ayaa ka mid ah khabiiradii soo jeediyay in booska ugu fiican Paul Pogba uu ka ciyaari karo ay tahay seddexda kubadsameeye ee ka danbeeya gooldhaliyaha...

Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Celtic iyo Manchester United Liam Miller ayaa geeriyooday isagoo 36 sanno jir ah. Miller oo 21 kulan u saftay xulka qarankiisa Republic of Ireland intii u dhaxeysay 2004 iyo 2009 ayaa la tacaalayay cudurka kansarka.Miller waxa uu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda Celtic sannadii 2000 ka hor inta uusan u wareegin Old Trafford...

Tababaraha reer Portugal ee Jose Mourinho ayaa wuxuu xaqiijiyay dib u soo laabashada weeraryahankiisa reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovic, kadib dhaawacii uu in mudo ah kaga maqanaa, wuxuuna hadalkan ku xaqiijiyay shirkiisa jraa’id kahor kulanka ay Axada la ciyaari doonaan Axada kooxda Newcastle United. Jose Mourinho ayaa wuxuu ugu horeen shirkiisa jaraa’id ku bilaaway:...

Manchester United ayaa la dhibtooneysa qasaarahii dhaqaale midkii ugu weynaa sideedii sano ee lasoo dhaafay waxeyna tani timid markii Donald Trump uu dib u habeyn ku sameeyay canshuurta dalkiisa mareykanka. Red Devils waxaa loo sheegay iney bixiyaan canshuur dhan 48.8 Malyan Oo Pound taasoo ka dhigan iney dhexda ka galeen qasaaro 29 Malyan oo Pound ah muddo lix bilood...

Alexis Sanchez ayaa kusoo biiray Manchester United intii lagu jiray bishii January ee laga soo gudbay, balse imaatinkiisa waxaa barbar socday dhawr rikoor oo kala duwan, isagoo noqday xidiga ugu badan ebid ay lasoo saxiixato Red Devils bisha Janaury ee maaliyadahiisa inta ugu badan la iibsaday. Kaliya maahan inuu jabiyay rikoorka maaliyadaha ee kooxda, sidoo kalana shaacinta...

Kooxda Manchester City ayaa dariskeeda Manchester United ku garaacday saxiixa xidiga ree Brazil iyo kooxda Shakhtar Donetsk ee Fred. Suuqii xidhmay ee bishii January ayay Pep Guardiola iyo Jose Mourinho ku tartamayeen saxiixa Fred iyada oo macalinka ree Portugal uu doonayay in qaabkii Alexis Sanchez uu Fred uga afduubo Man City laakiin xidigii hore ee kooxda Arsenal ee...

Xidiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Ander Herrera ayaa ka mid ah dad lagu maxkamadaynayo in ay sii go’aamiyeen kulamo horyaalka La Liga ah intii lagu jiray sanadkii 2011 kii iyada oo sidii aanu idiin soo gudbinay Herrera lagu soo eedeeyay in uu qayb ka yahay ciyaartoy ka tirsanaa kooxda Real Zaragoza oo lacag siiyay ciyaartoyda kooxda Levante si ay heerka...

Maxkamada Madrid ayaa shalay xukun ku riday xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez kadib markii uu qirtay in uu khiyaanay lacag cashuur ahayd oo hal miyan euros ah, wuxuuna kiiskiisa ka dhigay mid soo dhamaan kara marka uu lacagtan iyo wixii ganaax ah uu bixiyo laakiin xidiga ay isku kooxda yihiin ee Ander Herrera markiisa maxkamad loo...

Maamulka horyaalka Premier league ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska musharixiinta tababarayaasha horyaalka Ingiriiska ee u tartami doona abaal marinta macalinkii ugu fiicnaa bishii January ee Barclays Manager of the Month iyada oo Pep Guardiola uu bishii shanaad oo xidhiidh ah liiskan ka soo muuqday. Macalinka ree Spain ee Guardiola ayaa rekoodh taariikhi ah abaal...

Sir Alex Ferguson ayaa soo xaadiray Old Trafford shalayto xilli ay kooxda maamuus u sameysay 60-guuradii kasoo wareegatay markii ay musiibada soo wajahday kooxda ka dhisan Ingiriiska, waxaa kulmay ciyaartoydii hore kooxda, kuwa hadda & dhamaan shaqaalaha si loo muujiyo dareen wadajireed oo ku saabsan dhacdadii kooxda soo martay. Markii maamuuska dhamaaday, Ferguson...

Weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez ayaa lagu xukumay xabsi 16-bilood ah kadib markii lagu helay dambi canshuur lunsi ah mudadiisa kooxda Barcelona. Bishii lasoo dhaafay ayey aheyd markii la shaaciyay in xidigaan uu lunsaday canshuur dhan 900,000 kun oo Euro oo la xiriirts xuquuqds sawirada mudadiisa Camp Nou. Sidoo kale waxaa lagu ganaaxay 525,000 Kun oo Pound iyo...