Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Antonio Conte ayaa aaminsan in jadwalka aan wacneen ee la siiyay Chelsea ay fursad fiican siin doonto Liverpool kulanka ay labada kooxood ku yeelan doonaan garoonka Anfield Road sabtida soo aadan kulan ka tirsan horyaalka Premier League. Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League waxey 9-dhibcood ka hooseysaa hogaamiyayaasha horyaalka Manchester City sidoo kalana waxey...

Tababare Antonio Conte ayaan isbadal ku sameynin kooxdii uu guusha kaga gaaray Man United ka hor intaan la aadin ciyaaraha qaramada, waxaana kooxda ku cusub dhanka kursiga inuu fadhiyo David Luiz oo tarabuunka la saaray kulankii Red Devils. Alvaro Morata iyo Eden Hazard ayaa weerarka ku mideysan iyadoo Fabregas uu qeyb ka yahay, waxaana daafaca ciyaaraya Christensen. Dhanka...

Chelsea ayaa dib u bilaabi doonta hanaanka ay ku difaacaneyso horyaalka Premier League, iyadoo marti u noqon doonta kooxda West Bromwich Albion xilli Tony Pulis uu garwaaqsaday inuu saaran yahay cadaadis dhanka shaqada ah. Pulis wiilashiisa wax guul ah ma gaarin 9-kii kulan ee ugu dambeeyay, sidoo kalana 12-jeer ayuu qasaare kala kulmay Blues oo ay ku jiraan labadii kulan...

Tababaraha kooxda Chelsea Antonio Conte ayaa markii ugu horeysay isku dayaya inuu deysto timaha garka, sababtoo ah xaaskiisa ayaa ka dalbatay inuu tijaabiyo muuqaalka cusub. Tababaraha Chelsea ayaa shirkiisii jaraa’id ee maanta ee ka hor kulanka ay u safrayaan kooxda West Brom waxa uu soo fariistay iyadoo timaha garka ay ku baxeen.Inkastoo su’aalo laga weydiiyay...

Tababare Antonio Conte ayaa xaqiijiyay in David Luiz uu ku soo laaban doono kooxda Chelsea kulanka West Brom ee Sabtida. Daafaca reer Brazil ayaa laga saaray kooxdii Chelsea ee ka badisay Manchester United ka dib markii uu su’aalo ka keenay taatikadii Conte ee kulankii Roma ee Champions League. Conte ayaa weli ku adkeysanaya inay arimo farsamo darteed uga reebay Luiz...

Halyeeyga kooxda Chelsea Didier Drogba ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta ay kooxdiisa hore ugu dhibtooneysa inay la soo baxdo qaab ciyaareed la mid ah kii xilli ciyaareedkii hore ee ku hogaamiyay hanashada horyaalka Premier League. Ninka reer Ivory Coast ayaana tilmaamay in ka qeyb qaadashada Chelsea ee koobka Champions League inay tahay sababta ugu weyn, madaama ay sarre...

Madaxweynaha kooxda kubadda cagta Torino Urbano Cairo ayaa qalbi jabiyay kooxda Chelsea ee sida ba’an ugu raad joogtay weeraryahanka reer Talyaani Andrea Belotti madama uu qiray iney jirto koox ay wadahadal kula jiraan. Kooxda Blues ayaa si ba’an ugu raad jootay 23-jirka heerka caalami ee xilli ciyaareedkii hore sida weyn wacdaraha uga dhigay Serie A-da, mana ku guuleysan...

Halyeyga kooxda Chelsea & qaranka Ivory Coast Didier Drogba ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu ka bixi doono garoomada kubadda cagta xilli uu haatan ku sugan yahay kooxda Phoenix Rising ee ka ciyaarta horyaalka USL. 39-jirkaan heerka caalami wuxuu xaqiijiyay inuu kabaha kubadda cagta siibi doono marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan. Didier Drogba wuxuu kasoo muuqday kooxda...

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa shaaca ka qaaday inuu hal xidig kaliya kasoo qaadan lahaa Real Madrid si uu ugu soo biiriyo Chelsea xilli uu isku diyaarinayo inuu wajaho Russia – kulan saaxiibtinimo oo ka dhici doona St. Petersburg. Alvaro Morata oo suuqa xagaagii laga soo gudbay kusoo biiray Chelsea ayaa aaminsan in Isco uu yahay xidig aan la celin karin marka...

Kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League ee Chelsea ayaa lagu waramayaa inay ka fiirsaneyso inay rikoorka suuqa kala iibsiga Britain u jabiso soo xerogelinta weeraryahanka kooxda Inter Milan Mauro Icard. Antonio Conte ayaa doonaya inuu weeraryahanka reer Argentina ka garab ciyaarsiiyo afka hore ee weerarka Chelsea xiddiga Spain Alvaro Morata, iyadoo tababaraah Talyaaniga...

Isagoo ka soo tagay xagaagii kooxda Monaco, xiddiga reer France Tiemoue Bakayoko ayaa bilaabaya inuu saldhigto wadnaha khadka dhexe ee Chelsea. 23 jirkaan oo dhaawac ahaa bilowgii xilli ciyaareedka ayaa waxaa loo keenay inuu bedel u noqdo Nemanja Matic ka dib xilli ciyaareed fiican uu ku soo qaatay dalkiisa France.Bakayoko oo aan looga soo wicin xulka France ayaa isla...

Eden Hazard ayaa walwal ku abuuray jamaahiirta Blues markii uu qiray inuu doonayo ka hoos ciyaarista tababare Zinedine Zidane, balse xidiga reer Belgium ayaa mar kale qalbiga jamaahiirta dajiyay madama uu qiray inuu maaliin uun rajeynayo balse haatan uu ku xasiloon yahay London. Kabtanka qaranka Belgium-ka ayaa doonaya inuu haatan diirada saaro hormarka ku saabsan kooxda...

David Luiz ayaa u muuqday mid ay jug soo gaartay isagoo ku soo laabanayay tababarka kooxda Chelsea ka dib markii uu Antonio Conte ka saaray kooxda kulankii Manchester United. Xiddiga reer Brazil ayaa ku soo laabtay tababarka ka dib markii uu ka maqnaa kooxdii Chelsea ee ka badisay Manchester United isbuucii jore ee ciyaartii ka dhacday Stamford Bridge.Waxa uu ka baxay...

Horyaalka Premier League waxaa ka buuxa xiddigo waa weyn oo heer caalami ah, waana dhif iyo naadir xiddigaha ka fiicnaan kara xiddiga Chelsea Eden Hazard. Ciyaaryahanka xulka qaranka Belgium ayaa ahaa mid wacdarro dhigayay tan iyo markii uu ka yimid kooxda Faransiiska ee Lille isagoo labo horyaal oo Premier League ah la qaaday kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London. Laakiin...

Halyeeyga Premier League Frank Lampard ayaa sheegay inaysan noqon doonin qaladka Jose Mourinho haddii Manchester United ay ku hungowdo hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Lampard oo khabiir isboorti ka ah BT Sport ayaa xiriir fiican la yeeshay Mourinho intii ay wada joogeen kooxda Chelsea. Lampard ayaa aaminsan in Red Devils ay horyaalka u tartami doonaa...

Weeraryahanka Chelsea Alvaro Morata ayaa doonaya inuu noqdo xidigii ugu horeeyay taariikhda ee ku wada guuleysta horyaalada La Liga, Premier League & Serie A, madama uu horay usoo hantiyay horyaalada Scudetto oo uu la qaaday Juventus iyo horyaalka La Liga oo uu xilli ciyaareedkii hore la qaaday Real Madrid. Jose Mourinho ayaa ah kaliya shaqsiga sidaas sameeyay marka...

Daafaca kooxda Chelsea David Luiz ayaa diyaar u ah inuu isaga guuro Stamford Bridge marka uu dhamaado xilli ciyaareedkaan sida ay sheegayan warbixino ka imaanaya dalka Spain. Luiz waxey isku dhaceen tababare Antonio Conte sida ay sheegeen warbixino goor hore la helay oo ay baahiyeen warbaahinta Ingiriiska, waxeyna arintaas seejisay inuu kasoo muuqdo kulankii ay kooxdiisa...

Ciyaariyahankii hore Chelsea John Obi Mikel ayaa ka sheekeeyay sidii ay ku dhacday go’aankii uu ku diiday inuu kaga hoos shaqeeyo Sir Alex Ferguson isagoo doortay inuu ku biiro kooxdii Chelsea ee tababare Jose Mourinho. John Obi Mikel ayaa dhawr bilood si tijaabo ah ula tababartay kooxda Man United kadib markii uu bandhig fiican kusoo bandhigay xidigaan isagoo aad u...

Chelsea ayaa qorsheyneysa iney bisha January qaado talaabo ay ku qarash gareyneyso malaayiin lacag ah si loo helo xidigo lagu xoojiyo kooxda, Mirror Football ayaana shaaca ka qaaday xidigaha uu doonayo Antonio Conte inuu kooxdiisa awoodda ugu yeelo. Maamulka kooxda ayaa doonaya iney taageero u muujiyaan tababare Antonio Conte, waana wax iska cad inuu isbadal imaan doono...

Sida ay qortay jariirada Daily Mirror, kooxda Chelsea ayaa u dhaqaaqeysa xiddiga khadka dhexe ee Everton Ross Barkley bisha Janaayo. Waxaa la rumeysnaa in Barkley uu iska diiday inuu u wareego Stamford Bridge maalintii ugu danbeysay ee suuqa kala iibsiga laakiin weli uma uusan ciyaarin Everton xilli ciyaareedkan. Everton ayaa dooneysa inay iska iibiso 23 jirkaan bisha...