Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Manchester United ayaa heshay war wanaagsan markii wargeyska El Pais ee kasoo baxa dalka Spain uu baahiyay in Cristaino Ronaldo uu caro darteed uga tagi doono Real Madrid isbuuca soo aadan. 32-jirkaan ayaa dhaliyay gool caaqibo leh kulankii uu hogaamiyaha ka ahaa ee ay kooxdiisa 2-1 kaga adkaatay Fiorentina markaas oo ay hanteen koobka Trofeo Santiago Bernabeu. Si kastaba...

Kooxda difaacaneysa koobka Carabao Cup (Ex- League Cup) ayaa ku beegantay wareega sadexaad kooxda Burton Albion taasoo ka dhigan ineysan cudud weyn wajahi doonin. Zlatan Ibrahimovic ayaa noqday geesiga Red Devils markii uu Southampton uga qaaday koobka, Jose Mourinho wiilashisa ayaana bisha September  ku ciyaari doona garoonkooa Old Trafford. Waa markii labaad oo ay...

Kooxda Chelsea ayaa mar kale ku laabatay Leicester City kadib markii ay hormarisay dalabkii ay ku dooneysay xidiga khadka dhexe reer England Danny Drinkwater sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska. Farqi weyn ayaa labada kooxood wali u dhaxeeya, balse Blues ayaa aaminsan in Foxes ay soo dabci doonto isla markaana ay xidigaan kaga iibin doonto wax ka yar 40...

Liverpool ayaa u soo baxday heerka Groupyada Champions Leaque kadib markii ay Anfield ku xasuuqday kooxda ree Germany ee Hoffenheim. Liverpool ayaa guushan wayn ku gaadhay 4-1 iyada oo Emre Can uu laba gool kulankan ka dhalyay qaybtiisii hore waxaana goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool oo tartanka Yurub ah Anfield ku dhaliyay Mohamed Salah halka Roberto Firmino uu ugaadhsaday...

Difaaca kooxda Manchester United ee Phil Jones ayaa ganaax laba kulan iyo lacag iskugu jira UEFA kala kulmay kadib markii lagu eedeeyay in uu erayo aflagaado ah kula kacay saraashiisa UEFA ee baadhitaanka daawooyinka mamnuuca ah ciyaartoyda ka baadha intii lagu jiray finalkii Europa Leaque ee ay Manchester United guusha ka gaadhay kooxda Ajax. Jones ayaa lagu ganaaxay...

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda ree Germany ee Hoffenheim waxayna Reds kulankan ciyaaraysaa iyada oo kulankii lugtii hore ee Germany ka soo dhacay 2-1 guul ku soo gaadhay laakiin Jurgen Klopp ayaa aaminsan in kooxdiisu ay cadaadis xoogan kala kulmi karto Hoffenheim. Laakiin si ay taariikh cusub u samayso kooxda Hoffenheim oo markii ugu horaysay koobka kooxaha...

Wayne Rooney oo ahaa kabtanka xulka qaranka England isla markaana haysta rekoodhka gool dhalinta ugu badan ee Three Lions ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu iskaga fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah. Waa dabeecad iyo arin ay tahay in ciyaartoy kasta oo kubbada cagta ahi uu maalin go’aan ku gaadho in uu ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisto si uu u helo waqti...

Maamulka horyaalka Premier Leaque ayaa sidii caadada u ahayd sii shaaciyay garsoorka dhex dhexaadin doona kulamada saddexaad ee horyaalka Ingiriiska oo haddaba xamaasad wayn ku bilawday. Kulamada ugu adag usbuuca saddexaad ee Premier Leaque ayaa ka dhici doona Anfield oo ay Liverpool ku soo dhawayn doonto Arsenal iyo Stamford Bridge oo Chelsea guushii ugu horaysay kaga...

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ku jira xaalad aad u adag kadib markii uu qalbiga gaashada in uu Barcelona ku biiro balse ay Jurgen Klopp iyo maamulka kooxdiisa Liverpool meel adag iska taageen in 25 sano jirkani uu Anfield ka baxo. Philippe Coutinho oo wali kooxdiisa Liverpool kaga maqan dhaawac dhabarka ah ayaa markii ugu...

Ugu dhawaan waxaa hadda la ogyahay kooxaha xili ciyaareedka cusub ku dagaalami doona koobka xiisaha iyo xamaasada badan ee UEFA Champiosn Leaque iyada oo xalay ay heerka Groupyada koobkan u soo baxeen shan kooxood iyada oo haddaba la ogyahay 27 kooxood oo ka mid ah 32 ka kooxood ee barri magaalada Monaco isku aadka loogu samayn doono. Waxaa jiray 22 kooxood oo heerka groupyada...

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka fakareysa rabitaanka ku aadan iney hesho tababarahii hore Borrusia Dortmund Thomas Tuchel si uu badal guuleysta ugu noqdo tababaraha haatan ee Antonio Conte sida ay sheegayaan warbaahinta Jarmalka. Antonio Conte ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay nolosha Premier League ku guuleystay, sidoo kalana wuxuu kooxda dib ugu soo celiyay...

Kabtankii hore qaranka Ingiriiska Wayne Rooney ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta heerka qaran, taasoo ka dhigan inuusan mar kale xiran doonin maaliyadda qaranka sadexda libaaax. Gooldhaliyaha ugu sareeya qaranka England ayaa ka nixiyay jamaahiirtiisa gaarka ah iyo kuwa qaranka England madama uu xaqiijiyay inuu siibay maaliyadda qarankiisa. Bayaan dheer...

Salamu calaykum waraxmatulaah dhamaan akhristayaasha sharafta iyo ixtiraamka naga mudanow ku soo dhawaada barnaamujkeenii tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaynta sareeya suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee maanta oo Arbaco ah kuwaas oo inta ugu badan looga hadlay suuqa kala iibisaga isla markaana  lala xiriirinayo kooxo cusub. Suuqa kala iibisaga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah...

Tababaraha Man United Jose Mourinho ayaa u sheegay ciyaartoydiisa iney gaareen heer sare markii ay guul gaareen labadii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier League xilli ciyaareedka cusub, balse wuxuu ka doonayaa iney hantaan laba koob oo maxali ah taasoo aysan Red Devils ku guuleysan muddo 18-sano ah. Macalinka reer Portugal ayaa si faah-faahsan ciyaartoydiisa ugu...

Maalin wanaagsan akhristayaasha sarafta lehow meel kasta oo aad aduunka ka joogtaan, kuna soo dhawaada barnaaamijkeenii maalinlaha ah ee aanu sida joogtada ah idiinku soo gudbino waxyaabaha ay wargaysyadu ka qoraan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa si rasmi ah u furmay July 1, waxayna kooxuhu si wayn ugu hawlan yihiin in ay la soo saxiixdaan...

Kaliya shan kooxood ayaa ka dhiman in la buuxiyo tirada ka qeyb galeysa wareega groupyada koobka Champions League, caawa ayaana la sugayaa iney soo gudbaan oo ay 27-ka haatan diyaarka ah ku noqdaan 32. Celtic, Sevilla, Napoli, Maribor iyo Olympiakos ayaa xalay awoodooda ku kasbaday iney ka mid noqdaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka xilli ciyaareedka 2017/2018, waxaana...

Liverpool ayaa caawa xaqiijin karta iney ka qeyb gasho koobka Champions League xilli ciyaareedka 2017/2018 madama ay lugta labaad ee kulamada isreeb-reebka caawa soo dhaweyn doonto kooxda Hoffenheim ee dalka Jarmalka. Kulankii ay martida aheyd Reds waxey kusoo guuleysatay 2-1, waxeyna kaga mahad celineysaa goolasheeda da’yarkooda Arnold kaas oo laad xor ah shabaqa...

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa sheegay hadal ayna jamaahiirta kooxdiisu soo dhawayn doono kadib markii wax laga waydiiyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. Arsene Wenger ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay shaqada ay kooxdiisu ka qabtay suuqa kala iibsiga inkasta oo ay la soo wareegtay laba ciyaartoy oo kaliya oo uu waliba midoob si xor ah ku soo gaadhay...

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho iyo jamaahiirta kooxdiisa ayaa war ay ku farxaan helay kadib markii ay maanta xarunta tababarka Carrington ay dib ugu soo laabteen saddexda xidig ee kala ah Luka Shaw, Marcos Rojo iyo Ashley Young oo dhamaantood dhaawacyo waqti dheer ah kaga maqnaa kooxdooda Red Devils. Jose Mourinho oo ay kooxdiisa Manchester United...