Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Liverpool ayaa u soo baxday heerka Groupyada Champions Leaque kadib markii ay Anfield ku xasuuqday kooxda ree Germany ee Hoffenheim. Liverpool ayaa guushan wayn ku gaadhay 4-1 iyada oo Emre Can uu laba gool kulankan ka dhalyay qaybtiisii hore waxaana goolkiisii ugu horeeyay ee Liverpool oo tartanka Yurub ah Anfield ku dhaliyay Mohamed Salah halka Roberto Firmino uu ugaadhsaday...

Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawanaysa kooxda ree Germany ee Hoffenheim waxayna Reds kulankan ciyaaraysaa iyada oo kulankii lugtii hore ee Germany ka soo dhacay 2-1 guul ku soo gaadhay laakiin Jurgen Klopp ayaa aaminsan in kooxdiisu ay cadaadis xoogan kala kulmi karto Hoffenheim. Laakiin si ay taariikh cusub u samayso kooxda Hoffenheim oo markii ugu horaysay koobka kooxaha...

Maamulka horyaalka Premier Leaque ayaa sidii caadada u ahayd sii shaaciyay garsoorka dhex dhexaadin doona kulamada saddexaad ee horyaalka Ingiriiska oo haddaba xamaasad wayn ku bilawday. Kulamada ugu adag usbuuca saddexaad ee Premier Leaque ayaa ka dhici doona Anfield oo ay Liverpool ku soo dhawayn doonto Arsenal iyo Stamford Bridge oo Chelsea guushii ugu horaysay kaga...

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Liverpool ee Philippe Coutinho ayaa ku jira xaalad aad u adag kadib markii uu qalbiga gaashada in uu Barcelona ku biiro balse ay Jurgen Klopp iyo maamulka kooxdiisa Liverpool meel adag iska taageen in 25 sano jirkani uu Anfield ka baxo. Philippe Coutinho oo wali kooxdiisa Liverpool kaga maqan dhaawac dhabarka ah ayaa markii ugu...

Ugu dhawaan waxaa hadda la ogyahay kooxaha xili ciyaareedka cusub ku dagaalami doona koobka xiisaha iyo xamaasada badan ee UEFA Champiosn Leaque iyada oo xalay ay heerka Groupyada koobkan u soo baxeen shan kooxood iyada oo haddaba la ogyahay 27 kooxood oo ka mid ah 32 ka kooxood ee barri magaalada Monaco isku aadka loogu samayn doono. Waxaa jiray 22 kooxood oo heerka groupyada...

Kaliya shan kooxood ayaa ka dhiman in la buuxiyo tirada ka qeyb galeysa wareega groupyada koobka Champions League, caawa ayaana la sugayaa iney soo gudbaan oo ay 27-ka haatan diyaarka ah ku noqdaan 32. Celtic, Sevilla, Napoli, Maribor iyo Olympiakos ayaa xalay awoodooda ku kasbaday iney ka mid noqdaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka xilli ciyaareedka 2017/2018, waxaana...

Barcelona ayaa u muuqata koox soo afjartay damacii ay u qabtay kubad sameeyaha Liverpool iyo xulka qaranka Brazil Philippe Coutinho kadib markii ay wax jawaab ah ka weysay kooxda reer England mudadii ay u qabteen oo ku ekeed fiidnimadii Axadda. Barcelona ayaa u qabatay Liverpool ilaa fiidnimada Axadda iney ku aqbasho dalab dhan 118 Malyan oo Pound oo ay xidigaan ka gudbisay...

Xidhiidhka kubbada cagta England ee FA-ga ayaa ku dhawaaqay in isku aadka koobka Carabao Cup lagu samayn doono dalka China taas oo keentay muran badan. Koobkii hore loo odhan jiray Capital One Cupka oo xili ciyaareedkan cusub loo bixiyay magaca Carabao Cup oo loogu magac daray shirkada maal galinta ku samayn doonta koobkan oo China laga leeyahay ayaa la samayn doonaa...

Waxaa inta badan la soo ciyaaray kualmadii labaad ee horyaalka Premier leaque waxayna koox kastaaba dagaal ugu jirtaa sidii ay dadaalka ugu badan ugu bixin lahayd in ay horyaalka ka gasho booska ugu fiican ee ay awoodo. Kooxaha horyaalka Premier Leaque ayaa haddaba muujinaya kala duwanaansho iyada oo ay muuqato fursado fiican oo ay kala heli karaan haddii laga qiyaas qaato...

Kooxda Liverpool ayaan samayn doonin badalka difaaca bartilmaameedka wayn u ahaa ee Virgil Van Dijk kaas oo sii wada in uu kooxdiisa Southampton ku qasbo in Liverpool laga iibiyo. Kabtanka Saints ayaan waqti dheer ka soo dhex muuqan kooxda kowaad Southampton kadib markii uu macalinka kooxdiisa Mauricio Pellegrino uu u cadeeyay in aanu diyaar u ahayn in uu Saints u ciyaaro. Maamulka...

Liverpool ayaa ku faraxsan in la dhaafo waqtigii kama dambeysta ahaa ee ay Barcelona u qabatay in lagu aqbal dalabka kubad sameeyaha reer Brazil Philippe Coutinho sida ay sheegeen warbaahinta wadanka ingiriiska gaar ahaan Daily Mail. Balaugrana ayaa soo gudbisay dalab 72 Malyan ah waa la diida, mar kale ayey gudbisay 90 Malyan – isna waa la diiday balse jimcadii...

Khabiirka Sky Sports ee kubada cagta Spain Guillem Balague ayaa sheegay in caawa 7pm uu ku egyahay waqtiga ay Barcelona u qabatay Liverpool inay kaga soo jawaabto dalabkii ay email ahaanta ugu soo direen dhowr maalmood ka hor, waxaana uu xusay in Liverpool ay mar kale iska indhotiri doonto. Barcelona ayaa dalab email ah oo qiimihiisa uu ahaa 118 milyan ginni u gudbisay...

Liverpool ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League ka dib markii ay 1-0 ku dubteen kooxda reer London ee Crystal Palace oo marti ku aheyd garoonka Anfield. Sadio Mane ayaa dhaliyay goolka kaliya ee guusha qeybihii danbe ee ciyaarta, waxaana kooxda tababare Jurgen Klopp ay leeyihiin afar dhibcood ka dib labadii kulan ee ugu horeysay ee ay...

Liverpool ayaa gaartay guusheedii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ay 1-0 ku dubteen kooxda Crystal Palace oo marti ugu aheyd Anfield, waxaana ay goolkaas uga mahadcelinayaan xiddiga reer Senegal Sadio Mane oo shabaqa soo taabtay qeybihii danbe ee ciyaarta. Tababaraha kooxda Liverpool ayaa shan bedel ku sameeyay shaxdii uu isbuucii...

Kooxda Liverpool ayaa ku ciyaareysa galabta markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan garoonkeeda Anfield marka ay soo dhaweynayaan kooxda Crystal Palace, waxaana ay raadinayaan guushoodii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka ka dib markii ay barbaro 3-3 kala kulmeen kooxda Watford isbuucii la soo dhaafay. Tababare Jurgen Klopp ayaa shan isbedel ku sameeyay shaxdiisa kulankii...

Kooxaha Barcelona iyo Liverpool ayaa isku khilaafsan doorashada ah ciyaariyahanka la raacin doono heshiiska Philippe Coutinho uu ku tagi doono garoonka Camp Nou sida ay warinayaan warbaahinta gudaha Spain. Liverpool ayaa dooneysa in heshiiska xidigaan reer Brazil laga qeyb galiyo kubad sameeyaha reer Croatia Ivan Rakitic halka Barcelona ay kaliya diyaar u tahay iney ka...

Liverpool ayaa markii ugu horeysay ku ciyaareysa gurigeeda madama ay barbaro 3-3 ah kula soo gashay Vicarage kooxda Watford kulankii furitaanka markaas oo daqiiqadihii dhimashada laga dhaliyay gool muran badan laga keenay. Jurgen Klopp ayaa doonaya inuu gaaro guushiisii ugu horeysay xilli ciyaareedkaan walow durba ay ku bilaabatay dhibaatadii heysatay xilli ciayareedkii...

Liverpool ayaa si cadho wayni ku jirto daqiiqado kooban gudahood ku soo diiday dalabkii saddexaad ee ay Barcelona ka soo gudbisay Philippe Coutinho laakiin waxaa la ogaaday sababta Liverpool cadhada wayn ku sii abuurtay ee ay sida deg dega ah ugu diiday dalabkii saddexaad ee Barcelona. Kooxda Camp Nou ka dhisan ayaa si xun ugu dhibtoonaysa suuqa kala iibsiga waxayna awoodi...

Kooxda ree London ee Arsenal ayaa waxay wada hadalo la furatay dhigeeda Paris Saint-Germain, si ay kala soo saxiixato mid ka mid ah xidigaheeda kadib markii uu ku biiray lacibkii hore kooxda Barcelona ee ree Brazil Neymar Jr. Wargeyska The Times ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Gunners ay dooneyso lasoo saxiixashada 23 jirka ree Germany iyo kooxda PSG ee  Julian Draxler,...