Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Xulka Chile ayaa halis ugu jira inay ka haraan Koobka Adduunka ka dib markii ay guuldarro 1-0 ka soo gaartay Bolivia xalayto. Rigoore uu dhaliyay Juan Arce ayaa seddexda dhibcood u xaqiijisay xulka martida loo ahaa ee Bolivia. Bolivia ayaa ciyaarta ku dhameysatay 10 ciyaaryahan markii Alejandro Chumacero loo taagay jaalihii labaad daqiiqadii 90aad laakiin waxa ay difaacdeen...

Waxay ahayd habeen xamaasad iyo qiiro badan oo Camp Nou lagu sharfay kooxda ree Brazil ee Chapecoense taas oo ay sanadkii hore ku habsatay musiibo shil diyaaradeed oo ku burburtay dalka Colombia taas oo ay ku nafwaayeen 71 qof oo ahaa rakaabkii diyaarada saarnaa waxaana ka mid ahaa 19 ciyaartoy oo kooxda kowaad ee Chapecoense ahaa waxaana ku jiray dadka ay diyaaradu...

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Arsenal ee Alexis Sanchez ayaa taariikh cusub u dhigay xulka qarankiisa Chile kadib markii uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay taariikhda xulka qarankiisa ee goolasha abid ugu badan u soo dhaliyay Chile. Alexis Sanchez ayaa shabaqa ka soo taabtay xulka qaranka koobka aduunka haysta ee Germany kulanka FIFA Confederations Cupka ee hadda...

Xulka qaranka Chile ayaa guul dahabi ah ku furtay FIFA Confederations Cupka kadib markii ay tobankii daqiiqo ee ugu danbeeyay ay laba gool oo deg deg ah dhulka ku jiideen Cameroon oo guuldaro xun ku furatay tartankan. Arturo Vidal iyo Eduardo Vargas ayaa guushan u horseeday Chile iyada oo Alexis Sanchez uu kaydka ka soo baxay si uu Vidal ugu abuuro goolka furitaanka.Xulalka...

Xidhiidhka kubbada cagta Argentina ayaa si rasmi ah saxaafada iyo jamaahiirtooda aduunka ugu soo bandhigay in Jorge Sampaoli uu yahay macalinka rasmiga ah ee xulka qarankooda Argentina. Jorge Sampaoli ayaa dhawaan ka baxay kooxda Sevilla oo uu hal xili ciyaareed soo maamulayay wuxuuna go’aan ku gaadhay in uu la wareego shaqada xulka qarankiisa Argentina oo xaalad adag...

Dhamaadka xili ciyaareed kasta waxaa jira koox laga soo xulo horyaalka MLS ee Maraykanka oo ay ku jiraan ciyaartoyda ugu magaca wayn ama ugu fiican waxayna balan ka samaystaan koox ka mid ah kooxaha Yurub ugu waa wayn, waxayna dhamaadka xili ciyaareedkan marka ay kulamada saaxiibtinimo bilawdaan la ciyaari doonaan Real Madrid oo USA safar ku tagi doonta. Kooxda Zinedine...

Weli labo sannadood ayaa ka harsan ilaa iyo inta laga ciyaaro koobka Copa America laakiin xulka martigelinaya ee Brazil ayaa durbaba eegeysa sida ay u qabanqaabin lahaayeen koobka, waxaana isbedelo lagu sameynayaa qaabka koobka xulalka Koonfur Ameerika iyadoo xiriirka qaarada uu ku martiqaadayo xulalka France, Spain, Italy iyo Portugal inay ciyaaraan 2019. Warbaahinta...

Xulka qaranka Argentina ayaa diyaar u ah in ay rafcaan ka qaataan go’aankii ay FIFA afarta kulan ee ganaaxa ah ugu soo rogtay kabtanka xulka qarankooda ee Lionel Messi. FIFA ayaa si rasmi ah u shaacisay sababta Lionel Messi ganaaxan loogu riday waxayna sheegtay in uu erayo aflagaado ah ku yidhi caawiyihii garsooraha ee kualnkii Argentina iyo Chile.Xoghayaha kooxda...

Waxaynu kulamada kubbada cagta ku aragnaa iyada oo ciyaartoy kaadhka digniinta ah lagu siinayo in uu quusay ama uu dhulka isku tuuray si uu rekoodhe ugu guulaysto, waxaanan marar badan dhacda in ciyaartoyda eedayn loogu soo jeediyo dhaqan xumadan ay xerada ganaaxa ka sameeyaan. Laakiin ma rumaysan karintid in garsoore uu sameeyay dhaqan xumo tan ka liidata isla markaana...

Xulka qaranka Brazil ayaa ku dhawaa in uu gabi ahaanba lumiyo sumcadii iyo karamaadii ay aduunka horseedka ugaga ahaayeen kubbada cagta waxayna sanadba sanadka ka danbeeya u muuqdeen kuwo sii muuq beelaya. Waxaa si isdaba joog ah loo badalay tababarayaasha xulka qaranka Brazil marka ay ku fashilmaan in ay gaadhaan hamigii laga doonayay Brazil. Tan iyo markii Dunga shaqada...

Waxaa hubaal ah in la soo gaadhay waqtigii tababarayaasha kooxaha aduunka ugu walwalka badnayd waxaana la soo gaadhay waqtigii ay FIFA u firaaqaysay kulamada caalamiga ah ee xulalka qaramada aduunka oo iskugu jira kulamo ka tirsan isreeb reebka koobka aduunka 2018 ee Russia loogu soo baxayo iyo waliba kulamo saaxiibtinimo oo dhex mari doona xulalka qaramada aduunka.Jamaahiirta...

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo saartay qiimaynta xulalka qaramada aduunka ee bishii February waxaana qiimayntan 20 ka kaalmood ee ugu sareeya soo galay xulka qaranka Masar kadib markii ay koobkii qaramada Afrika ka soo gaadheen finalkiisii isla markaana ay natiijo fiican ka soo heleen. Dalka Masar oo xaalad xun oo siyaasadeed ku jiray todobadii sanadood...

Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa soo saaray liiska 23 ka ciyaartoy ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona kulamada isreeb reebka koobka aduunka loogu soo baxayo ee bishan March la ciyaari doono. Brazil ayaa wacdaro soo dhigtay tan iyo markii Tite loo magacaabay shaqada Selecao waxayna 27 dhibcood ku hogaaminayaan xulalka qaramada South America ee koobka aduunka...

Waxaa jira sir badan oo uu xabaasha la galayo Ronaldo, sida qaabkii uu ugu guuleystay gooldhalinta Koobkii Adduunka ee 2002 inkastoo uu koobka ka qeybgalay isagoo dhaawac ah. Laakiin sirta ku saabsan sida xumeyd ee uu madaxa u jartay, qaabkii uu tin ugu soo reebtay kaliya fooda hore ayaa haatan ah mid banaanka taala. Intiina aanan xusuusan karin ama aanan hore u daawanin...

Leo Messi ayaa wajihi doona xiddiga ay Barcelona kuwada ciyaaraan ee Neymar iyadoo Argentina iyo Brazil ay kulan saaxiibtinimo 9ka bisha Juun kuwada ciyaari doonaan garoonka MCG ee dalka Australia. Garoonka Melbourne Cricket Ground waxa uu qaadaa 100 kun taageerayaal ah. Labada xul ayaa haatan ku kala jira kaalimaha koowaad iyo labaad ee qiimeynta bilaha xiriirka kubada...

Waxaa haatan soo baxday in Ronaldo loo bandhigay kooxda dalkiisa ee Sao Paulo sannadii 1992 heshiis kaliya ahaa 15 kun doolar, laakiin madaxweynaha kooxda ee waqtigaas Jose Eduardo Pimenta Mezquita ayaa go’aansaday in qiimahaas uu qaali yahay, waxaana uu kaga jawaab celiyay dalab 7500 doolar ah. Dalabka waxaa kooxda Sao Paulo u soo bandigay Kalef Joao Francis Neto oo...

Kooxaha kubbada cagta dalka Argentina ugu awooda badan ee Boca Juniors iyo River Plate ayaa looga bartay xamaasad waali ah nooc kasta oo kulan ay iskaga horyimaadaan, waxaana kulanka labada kooxood ee loo yaqaan Superclasico uu markale noqday mid indhaha kubbada cagta aduunka soo jiitay kadib markii ay dhacdooyin badani kulankan qaseen.Kulanka dhex maray kooxaha ree...