Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Sida ay telefishinada uga hadleen guushii ay Real Madrid ka gaartay Villarreal ayaa ka careysiisay Los Blancos taasoo xitaa keentay inay cabasho rasmi ah ka gudbiyaan. Guushii 3-2 ee ay ku gaareen garoonka Estadio de la Ceramica ayaa waxaa hareysay arin muran dhalisay oo aheyd rigooradii loo dhigay Real taasoo u ogolaatay inuu Cristiano Ronaldo ciyaarta barbareeyo oo...

Wararka xanta ee ku saabsan in Real Madrid ay dib u soo cusbooneysiisay xiisaha goolhaye David de Gea ayaa ah kuwa mar kale soo laabtay, laakiin sida ay sheegayaan warar ka imaanaya UK tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa isna dalab kaas lidi ku ah qorsheynaya haddii goolhayaha reer Spain lagu qalqaaliyo Bernabeu. Tababarihii hore ee Real Madrid ayaa weydiisan...

Waxaa shalayto iyo Sabtidii la ciyaaray kulamada 24aad ee horyaalka La Liga inkastoo kooxda hogaamineysa horyaalka ee Real Madrid uu weli kulan u harsan yahay iyaga iyo kooxda Celta Vigo. Kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo  Sevilla ayaa guulo wada gaaray, halka Atletico ay guuldarro kala kulantay Barcelona. Hadaba halkee la kala marayaa tartanka gooldhalinta La Liga...

Diirada guushii ay Real Madrid xalayto ka gaartay Villarreal ayaa u wareegtay gabi ahaanba garsoore Jesus Gil Manzano ka dib markii madaxweynaha Villarreal Fernando Roig uu carro xoogan ka muujiyay markii uu ogaaday in garsoore Manzano inuu bac hadiyado ah oo calaamada Real Madrid leh uu kala tagay garoonka. Hadaladiisa ayaa waxa ay ku soo beegmayaan xilli shaki weyn...

Kadib guushii soo laabashada laheyd oo ay Real Madrid ka gaartay Villarreal kulankii ka dhacay Estadio de la Ceramica markaas oo ay hogaanka dib ula wareegeen ayuu kabtanka kooxda Los Blancos Sergio Ramos u jawaabay Dani Alves. Sergio iyo Dani waxey waqti kusoo wada qaateen kooxda Sevilla ee dalka Spain inkastoo labadooda ay waqtiyo badan isku wajaheen kulanka El-Clasico...

Waa cadaalad iney sidaan uga falceliyaan saxaafadda gobolka Catalan marka la fiiriyo qaabkii uu Gil Manzano ugu lug yeeshay wixii ka dhacay garoonka Estadio de la Ceramica. Carada ugu xoogan ee ay saxaafadda qabana waxey tahay go’aankii uu garsooraha rigoorada ku siiyay Real Madrid daqiiqadii 73-aad markii ay kubadda ku dhawaatay gacmaha Bruno. Real Madrid waxey...

Real Madrid ayaa xalay guul ka gaartay Villarreall kulan ay marti ku aheyd garoonka El Madrigal taasoo u sahashay iney hogaanka La Liga dib ugu soo laabtaan laba saacadood oo ay ku raaxeysatay Barcelona. Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Alvaro Morata ayaa dhaliyay sadexda gool ee rogaal celiska ah oo ay heshay Los Blancos, balse waxaa muran badan laga keenay rigooradii...

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xidiga dhaliyay rigoorooyinka ugu badan ee taariikhda La Liga kadib markii xalay markale barta 12 ka yaardi ah ka dhaliyay rigooradiisii 57aad xiligii lagu guda jiray kulankii Real Madrid’ guusha kasoo gaartay kooxda Villarreal. Ronaldo ayaa kulankaan ka hor lamid ahaa halyeeyga kooxdaasi ee Madrid ee Hugo Sanchez oo ay wada lahaayeen...

Daafaca kooxda Barcelona ee Gerard Pique ayaa markale weerar ku qaaday garsoorka La Liga kadib markii rigoore uu muran badan ku jiray xalay loo dhigay kooxda Real Madrid inkastoo ay Madrid labo gool oo kala dhalisay dibna uga soo laabatay goolal lagu lahaa si ay Villarreal u garaacaan. Manuel Trigueros ayaa hogaanka u dhiibay kooxda martida loogu ahaa Estadio de la Ceramica...

Gareth Bale ayaa dhaliyay goolkii koowaad ee kulankii ay Real Madrid guusha 3-2 xalay kaga gaartay kooxda Villarreal, wuxuuna Los Blancos goolkaasi u ahaa mid taariikhi ah oo galay xusuusta horyaalka La Liga kadib markii ay bareejeeyan rikoor u yaalay kooxda Barcelona mudo 73 sanadood ah. Xidiga Welsh ka ah ayaa shaqaba soo taabtay daqiiqadii 64aad, waxaana goolkiisa xigay...

Real Madrid ayaa guul soo laabasho ah ka soo gaadhay kooxda Villarreal oo laba gool kaga hormartay waxaana Los Blacos dhiiro galiye wayn u noqday Gareth Bale  oo u keenay goolka ay ciyaarta ugu soo laabteen halka Cristiano Ronaldo uu dhaliyay rekoodhe ay Villaarreal cadho waali ah ka muujisay laakiin Alvaro Morata ayaa noqtay xidiga kulankan goolka guusha ku go’aamiyay...

Real Madrid ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo soo daawatay kulankii Vincente Calderon ee ay Barcelona guusha ka soo gaadhay Atletico Madrid, waxayna kooxda Zidane doonaysaa in ay dib ugu soo laabto hogaanka La Ligaha iyada oo waxaan guul ahayn oo ay kala soo laabto Villarreal ay halis galin doonto Los Blancos. Zinedine Zidane ayaa ugu danbayn shaxdiisa ku wada helay BBC...

Gool kaliya ayay u baahan tahay Real Madrid si ay u barbareyso rikoor gooldhalin ah oo soo taagnaa 73 sannadood kubada cagta Spain oo ay haatan heyso Barcelona. Haddii Los Blancos ay shabaqa ka soo taabato Villarreal kulanka caawa ka dhacaya Estadio de la Ceramica, waxa ay ka dhigan tahay kulankii 44aad ee isku xiga ee ay shabaqa soo taabtaan iyagoo barbareynaya rikoorka...

Real Madrid ayaa kulan muhiim u ah caawa ku wajihi doonta kooxda Villareal oo ay ku booqan doonaan garoonkooda El Madrigal waxayna u baahan tahay guul si ay u xajisato hogaankeeda La Liga. Macalinkooda ree France ee Zidane oo maanka ku haya kulankii ay guuldarada kasoo gaartay kooxda Valencia ayaa ka war haya in guul ay kulanka kaas ka horeeya ee galabta ay ciyaarayaan...

Shanta kulan ee ugu muhiimsan ee go’aamin kara horyaalka La Liga ee dhici doona min maanta ilaa dhamaadka xili ciyaareedkaan ayaa ka dhici doona magaalada iyadoo ay kulamadaasi qeysan doonaan Atletico iyo Real. Hogaamoyeyaasha horyaalka ee Real Madrid iyo kooxda Atletico Madrid ayaa ciyaari doona kulamo aad u adag iyadoo kooxaha horyaalka kula xifaalramaya labadooda...

Barcelona waxey bilowday iney ku gaaf-wareegto ciyaartoyda ka gadoodsan Real Madrid, balse kooxda caasimadda ka dhisan waa koox ay ugu sareeyaan dad uu ku gaamuray naceybka kooxda ka dhisan gobolka Catalonia waxeyna durba bilaabeen qorshe ay ugu magac dareen Anti-Barcelona Clause” oo ah qorshe ciyaartoyda lagula heshiinayo ineysan ku biiri karin Barcelona. Kaliya...

Real Madrid waxey dhamaadkii todobaadkii hore iska lumisay fursad ay kaga fogaan kartay Barcelona, balse caawa waxey la ciyaari doontaa Villarreal iyadoo og halka ay horyaalka kaga jirto labaad ama koowaad. Hadii Barcelona ay guul gaarto, Real Madrid waxey u dagaalami doontaa iney dib usoo ceshato hogaanka La Liga, walow ay wali kulan baaqi ah sii heyato oo ay la yeelan...

Kooxda Inter Milan ayaa ka rajo dhigin in ay Real Madrid kala soo wareegto xidiga dhaxantu ku dishay kursiga kaydka Los Blancos ee James Rodriguez. Inter Milan ayaa waqti dheer ka mid ahayd kooxaha doonayay saxiixa xidiga ree Colombia kaas oo aan waqti fiican ku qaadanayn kooxdiisa Real Madrid. Ninka sharka ugu badan ku leh kooxda Inter Milan ee Zhang Jindong ayaa kulan...

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa qabtay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka muhiimka kooxdiisa u ah ee Villarreal. Zidane ayaa ka hadlay muhiimada uu kooxdiisa u leeyahay kulankan ay booqanayaan Villarrreal, wuxuuna sido kale ka hadlay xaalada taam ahaansha buuxa ee Gareth Bale. Zidane ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay saamaynta uu yeelan...