Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Halyeyga Barcelona iyo qaranka Spain Xavi Hernandez ayey laba sano ku qaadatay inuu koobkii ugu horeeyay kula guuleysto kooxda Al Sadd ee dalka Qatar. 37-jirkaan ayaa ka qeyb noqdii kooxdii Al Sadd ee kor u luxday koobka Qatar Cup markaas oo ay guul 2-1 ah ka gaareen El Jaish kulan dhacay sabtidii. Laba gool oo ka kala timid Baghdad Bounedjah iyo Jugurtha Hamroun ayey...

Barcelona ayaa guul weyn ka gaartay Espanyol kulankii Catalan Derby, waxeyna dib u hantee hogaanka horyaalka La Liga iyagoo si sharci ah uga sareeya Real Madrid oo kulan baaqi ah gacanta ku heysata. Luis Suarez ayaa dhaliyay laba ka mid ah goolasha Barcelona halka goolka kale uu ku raaxeystay Ivan Rakitic ciyaar kusoo dhamaatay 3-0. Si kastaba daafaca mayalka adag ee Barcelona...

Ka hor inta uusan bilaabanin kulankii Catalan derby ee xalayto, nin ku labisan maaliyada Barcelona ayaa dhex galay qeybta taageerayaasha Espanyol ee garoonka RCDE isagoo qori u la soo baxay taageerayaasha martida loo ahaa. Waxa uu taageerayaasha martida loo ahaa uga careysiinayay heeso ku saabsan xoriyada Catalan isagoo xiran maaliyada Barcelona, waxaana xiisada ay si...

Barcelona ayaa ka soo gudubtay imtixaankii Catalan Derby ee ay martida u ahayd kooxda ay dariska yihiin ee ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol. Inkasta oo ay Espanyol qaybtii hore ee kulanan ay Balaugrana xaalad adag ugu abuurtay difaacasho heer sare ah, haddana Luis Saurez ayaa jabiyay iska caabintii Espanyol si uu Barcelona hogaanka ugu dhiibo halka Ivan Raktic uu...

Perestes oo ah nin u dhashay Iran ayaa saxaafadda dalkaas mashquuliyay maadama uu leeyahay muuqaal aad ugu dhaw kan Messi . Dadka qaarkii waxa ay ku sigtaan in ay u qaataan in uu yahayba Messi-gii dhabta ahaa(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});Muqaalka maaliyadda Messi ee qaranka Argentina ayuu soo xertaa waxa uuan saxiixyo u sameeyaa taageerayaasha...

Barcelona ayaa marti u ah kooxda ay dariska yihiin ee Espanyol iyada oo xaamada kulanka Catalan Derby ay saamayn ku yeelan karto tartanka horyaalka La ligaha. Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysa iyada oo maanka ku haysa in Real Madrid ay hogaanka La Ligaha la si wareegtay kadib markii ay 2:1 ku garaacday Valencia waxayna hawshu ku hadhsan tahay kooxda Luis Enrique.Tababare...

Ka hor kulanka Espanyol ay martigelin doonto Barcelona kooxda martida loo yahay ayaa shiday xamaasada kulankaan iyagoo bogooda Twitter soo dhigay sawir si dadban u duraya xiddiga Barcelona Lionel Messi kaasoo sameeyay dabaaldeg taariikhi ah kulankii Santiago Bernabeu markaasoo uu taageerayaasha tusay maaliyadiisa. Iyadoo ay la socoto hal ku dhiga ah “Xusuuso waxa...

Waxaa soo baxayay warar sheegayay in Barcelona ay xiriir la sameysay xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Marco Verratti. Si kastaba kaliya saacado ka dib markii uu warkaas soo baxay wakiilkiisa Donato di Campli ayaa saxaafada u hadlay waxaana uu si adag u beeniyay inuu jiro kulan dhexmaray iyaga iyo Barcelona. Wargeys ayaa soo jeediyay in kulanka uu dhacay markii...

Tababare Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska xidigaha uu ku wajahi doono Espanyol kulan ka tirsan horyaalka La Liga oo caawa dhici doona, waxaana Balaugrana ay weyneysaa kabtan Andreas Iniesta kaas oo dhaawac ku seegaya. Kooxda ka dhisan gobolka Catalan waxey dib usoo dhaweyneysaa weeraryahankeeda da’da yar ee reer Brazil Neymar Junior kaas oo sadex kulan ganaax...

Real Madrid ayaa dooneysa iney suuqa kala iibsiga ciyaartoyda kaga guuleysato kooxda ay sida daran u xifaaltamaan ee Barcelona xilli labada kooxoodba ay wada xiiseynayaan ciyaariyahanka khadka dhexe kooxda Paris Saint Germain Marco Verratti. 24-jirkaan reer talyaani waxaa loo tixgeliyaa mid ka mid ah ciyaartoyda khadka dhexe kuwooda ugu fiican waqtigaa, waxaana lasoo warinayaa...

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi ayaa doonaya inuu soo barbareeyo laba rikoor oo u yaala Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkana. Leo Kaliya afar kulan ayaa u dhiman kulamada horyaalka La Liga halka Ronaldo uu heysto shan kulan, balse farqiga goolasha ee labadooda u dhaxeeyya waa 14-gool, taasoo macquul ka dhigi karta in ciyaariyahanka kasoo qalin jabiyay kuleejada La...

Weeraryahanka Barcelona Lionel Messi waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican ee dunida soo mara, layaabse maahan in la helo qof isaga muuqaal ahaan shabaqa, wakaaladda wararaka Mehr ee fadhigeedu yahay dalka Iran gaar ahaan magaalada Tehran ayaa soo bandhigtay shaqsi si aan caadi aheyn u shabaqa xidiga reer Argentina. Isku ekaanshaha labada shaqsi waxaa xiiso usii yeelay...

Kooxda Barcelona ayaa caawa tijaabo adag ku mari doonta garoonka Cornella-El Prat oo ku yaala isla gobolka Catalan markaas oo ay marti u noqon doonaan kooxda Espanyol, waana kulanka Catalan Derby. Balaugrana waxey ciyaari doontaa iyadoo ka warqabta natiijada kulanka Real Madrid ay la leedahay Valencia taasoo waqti ka hor dhaceysa, waxeyna kooxda ciyaari doontaa iyadoo...

Barcelona ayaa sabtida booqan  doonto garoonka kooxda Espanyol, si ay halkaas ugu soo ciyaarto kulan xiiso badan ee ka tirsan kulamada 35aad ee horyaalka La Ligaha dalka Spain, waxaana kulankan uu caan ku yahay Catalan Derby. Barcelona ayaa dagaal wayn ugu jirta sidii ay xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ay ugu guulaysan koobka La Ligaha balse wali Real Madrid oo...

Waxaa lagu soo dhawaanaya dhamaadka xili ciyaareedka 2016/17 waxaana bilaamaya waqtiga la sameeyo qiimaynta xili ciyaareedka ee heerka kooxeed iyo waliba heerka ciyaartoyda. Waxaana waxyaabaha sida wayn kooxaha loogu qiimeeyo ka mid ah qaabka ay u difaacdaan ee goolasha ugu yar looga dhaliyo si la mid ah kooxaha goolasha ugu badan dhaliye sida loo qiimeeyo. Marka ay noqoto...

Barcelona ayaa diyaar garow wayn ugu jirta kulanka Catalan Derby ee ay booqanayso kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol iyada oo la galay waqtigii xili ciyaareedka La Ligaha ugu muhiimsanaa. Laakiin Luis Enrique ayaa xaqiijiyay in kabtankiisa Andres Iniesta uu shaki ku jiro in uu kulankan taam u noqon karo. Iniesta ayaa seegay tababarkii ugu danbeeyay ee ay maanta...

Xidhiidhka u dhexeeya madax waynaha horyaalka La Ligaha ee Javier Tebas iyo madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Angel Maria Villar ayaa ah mid aad u xun waxayna soo kala aragti duwanaayeen waqti dheer taas oo keentay in Javier Tebas uu bilaabo olole looga soo horjeedo in Angel Maria Villar aan markii siddeedaad oo xidhiidh ah la soo dooran.Angel Maria Villar...

Kooxda Bayern Munich ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay xidiga khadka dhexe ee Thiago Alcantra kaas oo si wayn loola xidhiidhinayay kooxaha dalkiisa Spain ee Barcelona iyo Real Madrid. Bayern Munich ayaan waqti badan iskaga lumin in ay Thiago ku qanciso in uu qalinka ugu duugo heshiis cusub oo uu Allianz Arena ku sii joogayo. Heshiiska uu Thiago...

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa aaminsan in Barcelona iyo Real Madrid ay ku adkaaneyso iney la qabsadaan horyaalka Premier League. 49-jirkaan reer Jarmal kaas oo kooxdiisa ay haatan fadhiso booska sadexaad ee horyaalka wuxuuna qarka u saaran yahay inuu kooxda usoo saaro Champions League iyadoo afar kulan oo qura ay ka hartay dhamaadka xili ciyaareedka. Jurgen oo...

Kooxaha ka wada dhisan Spain ee Real Madrid iyo Barcelona ayaa si daran u xiiseynaya kubad sameeyaha kooxda As Monaco Bernardo Silva kaas oo waxqabad aan indhaha laga qarsan karin soo bandhigay xili ciyaareedkaan. Diario Gol ayaa ku warantay in kooxda ka dhisan gobolka Catalan ay rajeyneyso iney dhigeeda Los Blancos ku garaacdo saxiixa wiilkaan lugta bidix ku xamaasha...