Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Kooxda Barcelona ayaa u muuqata mid la baxsanaysa koobka La Liga laakiin kooxda xili ciyaareedkan ka heerkii Groupyada kaga hadhay UEFA Champions League ee Atletico Madrid ayaan wali ka quusan, waana kooxda kaliya ee hadda loo arko in ay cadaadis saari karto kooxda Valverde. Natiijooyinkii kulamadii todobaadkan ayaa muujinaya in tartanka horyaalka La Liga aanu wali gabi...

Atlético Madrid ayaa rikoor cusub u dhigtay horyaalka heerka koowaad ee Spain laakiin ma ahan rikoor ay ku faraxsan yihiin. Kooxda Diego Simeone ayaan hal rigoore loo dhigin xilli ciyaareedkan 2017-18, mana jiro ciyaaryahan casaan ku qaatay iyaga 22kii kulan ee ay ciyaareen horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.    Dhacdii ugu danbeysay ee ka careysiisay Atletico waxa...

Tababare Diego Simeone ayaa iska diiday xiiso kaga yimid Chelsea si uu badal ugu noqdo Antonio Conte, balse wuxuu quuldareynayaa dalab kaga yimaada Manchester United sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Ingiriiska. Wargeyska The Times ayaa shaaca ka qaaday in macalinka reer Argentina ayaa iska diiday inuu waqti siiyo barashada luqadda Ingiriiska isagoo doorbidaya nolosha...

Horyaalka Premier League ayaa ah horyaalka aduunka ee lacagta ugu badan soo saara iyada oo kooxaha Premier league yihiin kooxaha kubbada cagta ee aduunka ugu dhaqaalaha badan. Daraasad dhawaan la soo saaray 20 ka kooxood ee kubbada cagta aduunka ugu dhaqaalaha badan waxaa kala badh noqday kooxaha Premier League waxayna markale taas ku muujiyeen suuqii kala iibsiga ciyaartoyda...

Tababaraha kooxda Atletico Madrid Diego Simeone ayaa garka loo galiyay ganaax sadex kulan ah kadib markii uu si anshax xumo ah ula dhaqmay garsoorahii dhex-dhexaadinayay kulankii ay 3-1 qasaaro ah kala kulmeen Sevilla. Atletico Madrid ayaa laga reebay tartanka Copa del Rey markii ay isku cel-celis ahaan 5-2 kaga baxsatay Sevilla, balse kulankii lugta labaad oo ay martida...

Real Madrid ayaa la kulantay arin lama filaan ah kadib markii uu goolhayaha xulka qaranka Spain iyo kooxda Athletic Bilbao ee Kepa Arrizabalaga uu qalinka ku duugay heshiis waqti dheer ah isla markaana uu soo gabagabeeyay wararkii sheegayay in ay Real Madrid heshiis la gaadhay. Kooxda Athletic Bilbao ayaa qaaday talaabo wayn oo ay waliba sare ugu qaaday lacagtii lagu...

Kooxda Barcelona ayaa haddaba meel sii dhigtay saxiixa ugu horayn doona ee ay samayn doonto dhamaadka xili ciyaareedkan marka uu suuqa xagaagu furmo, waxayna heshiis qarsoodi ah sii gaadheen xidiga kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann kaas oo noqon doona xidiga Barcelona ku soo biiri doona marka uu soo dhamaysto xili ciyaareedkan. Wargayska Sport ee magaalada...

Kabtanka koowaad ee kooxda Barcelona Andres Iniesta ayaan wax walaac ah ka muujin guuldaradii kasoo gaadhay kooxda Espanyol xalay kulanka lugta koowaad wareega siddeed dhamaadka Copa del Rey, isagoo dhinaca kale kaga warbixiyay sida uu ugu faraxsan yahay in Gerard Pique uu qalinka ku duugay heshiis gaaraya ilaa iyo sanada 2022. Andrés Iniesta oo la hadlayay wargeyska...

Madaxweynaha La Liga Javier Tebas ayaa wuxuu ka hadlay tayada kooxaha ka ciyaara horyaalka dalka Spain, maadaama uu qaab ciyaareedkooda uu ku yimid hoos u dhac weyn, wuxuuna hadalkan imaanayaa kadib markii uu wareysi dhinacyo badan taabanaya uu siiyay shabakada Sky Sports. Javier Tebas ayaa ugu horeen u sheegay shabakada Sky Sports ee dalka England: “Kama walwalayo...

Kadib markii ay Barcelona ka soo jeedsaday heshiiskii qaaliga ahaa ee ay kula soo wareegtay Philippe Coutinho waxay markiiba dardar galisay sidii ay Manchester United ugu garaaci lahayd saxiixa xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Atletico Madrid ee Antoine Griezmann. Kooxda Atletico Madrid ayaa bishii hore ka cadhootay in maamulka Barcelona ay kulan la qaateen qoyska...

Xarunta daraasaadka caalamiga ah ee kubbada cagta ee loo yaqaan CIES Football Observatory oo xog badan ka ururisa kubbada cagta aduunka ayaa soo saartay qiimaynta ay sanad kasta bilawgiisa soo saarto ee 100 ka xidig ee kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan. Daraasada ay samayso  CIES Football Observatory ayaa saamayn wayn ku yeelata qiimaah suuqa kala...

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa casaan gudoomay kulankiisii ugu horeeyay La Liga kadib markii uu dib ugu soo laabtay kooxdisii hore, kaliya 6-daqiiqo ayuuna laba casaan ku gudoomay xidigii hore Blues. Weeraryahanka reer Spain ayey 5-daqiiqo kaliya ku qaadatay inuu gool ugu dhaliyo kooxdiisa tan iyo markii uu kusoo laabtay ciyaartii uu wajahay Lleida Esportiu...

Barta rasmiga ah ee UEFA Champions League ee xidhiidhka kubbada cagta Yurub ayaa qoraal fariin ku socota Diego Costa iyo jamaahiirta kubbada cagta la soo dhigay laakiin fariintaas ayaa noqotay mid aan ku sii jirin oo markiiba la masaxay kadib markii ay noqotay fariin qalad ah. Diego Costa ayaa dhamaystiray heshiiska uu Atletico Madrid ugu laabtay kadib markii uu muddo...

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa laga yaabaa inuu caawa kasoo muuqdo Coppa del Rey kulanka ay caawa kooxdiisa wajaheyso Lleida Esportiu, jamaahiirta Los Rojiblancos ayaana u sacab tumi doona xidigooda soo laabtay 1,320 maalmood kadib. Diego Simeone ayaa ka dhawaajiyay talaadadii in dhamaan dhibaatooyinkii ku hareersanaa mustaqbalkiisa la xaliyay, taasna...

Waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqay qaabkii kooxaha horyaalka La Liga loogu qaybiyay lacagta ka soo xarootay baahinta xuquuqda TV-ga ee xili ciyaareedkii hore ee 2016-17 oo ay kooxda Real Madrid ku soo guulaysatay koobka La Liga.Sidii looga bartay labada kooxood ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa si wayn dhaqaale ahaan uga horeeya kooxaha kale ee La Liga iyada oo uu jiro...

Jariirada Spain ka soo baxda ee Sport ayaa sheegtay inay kooxo dhowr ah oo ka ciyaara horyaalka La Liga ka ogaatay isbedelo lagu sameynayo sharuucda horyaalka Spain laga bilaabo xilli ciyaareedka soo socda ee 2018-19. Mid ka mid ah isbedelada la hirgelin doono waxaa ka mid ah in wax laga bedelayo waqtiga la bixiyo koobka horyaalka La Liga.Sida haatan sharciga yahay waxaa...

Maamulka horyaalka La Liga ayaa ku dhawaaqay taariikhda iyo waqtiga la ciyaari doono kulamada 19 aad iyo 20 aad ee xili ciyaareedkan. Waxaa la soo ciyaaray kulamadii 17 aad ee horyaalka La Liga waxaana hore loo shaaciyay waqtiga la ciyaari doono kulamada 18 aad balse waxaa la sii raaciyay kulamada 19 aad iyo 20 aad oo ay haddaba kooxaha La liga ogyihiin waqtiga ay u diyaar...

Waxaa haddaba qaabaysmaya xili ciyaareedka 2017/18 iyada oo horyaalada Yurub ugu waa wayn ay qaar ka mid ahi gaadheen kala badhka isla markaana ay kuwo kale ku dhaw yihiin in kulamada kala badhka xili ciyaareedkan la ciyaari doono. Waxa kale oo muuqata in afarta dal ee kala ah England, Spain, Germany iyo France ay xili ciyaareedkan u muuqdaan kuwo gabi ahaanba ka duwan...