Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Manchester United ayaa heshay war wanaagsan markii wargeyska El Pais ee kasoo baxa dalka Spain uu baahiyay in Cristaino Ronaldo uu caro darteed uga tagi doono Real Madrid isbuuca soo aadan. 32-jirkaan ayaa dhaliyay gool caaqibo leh kulankii uu hogaamiyaha ka ahaa ee ay kooxdiisa 2-1 kaga adkaatay Fiorentina markaas oo ay hanteen koobka Trofeo Santiago Bernabeu. Si kastaba...

Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa dalka faransiiska ayaa kasoo warramay mustaqbalka 18-jirka As Monaco Kylian Mbappe kaas oo ay isku heystaan kooxo badan oo qaaradda yurub ah. Real Madrid, Arsenal, Barcelona & Paris Saint Germain ayaa siyaabo kala duwan loola xiriirinayay mudooyinkii ugu dambeeyay, balse haatan wargeyska wuxuu ka dhawaajiyay inuu xidigaan ka mid...

Waaxda cadaaladda magaalada Rio de Janeiro ayaa in lasoo xiro halyeeygii hore qaranka Brazil Roberto Carlos muddo sadex bilood ah kadib markii uu daahiyay bixinta masruufka labadiisa caruur. 44-jirkaan ayaa lagu leeyahay lacag dhan 61,000 reals oo u dhiganta 20,000 Dollar, waxaana qasab ah inuu farta ka saaro xaaskiisii hore Barbara Thurler. Sida ay ilo ku dhaw garsoorka...

Aabaha dhalay Lionel Messi ayaa qorsheynaya inuu mideeyo mar kale tababarahii hore Barcelona Pep Guardiola iyo wiilkiisa, warbaahinta Ingiriiska ayaana shaacisay in Jorge Messi uu la hadlay agaasimaha kubadda cagta Citizens Txiki Begiristain. Jorge Messi & Txiki Begiristain xiriir wacan ayaa ka dhaxeeya madama agaasimahaan uu tan iyo 2012 kasoo shaqeynayay kooxda...

Macalinka ree france iyo Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu ka baqanayaa in mid ka mid ah xidigaha ku sugan safka kooxdiisa uu kaga dhaqaaqo kahor inta uusan soo xidhmin suuqan xagaaga, sababa la xidhiidha inuusan inta badan kaga soo muuqan safka koowaad ee kooxda. Wargeyska Daily Express ayaa horey u shaacisay in laacibka ree Croatia ee Mateo Kovacic uu heshiis...

Madax waynaha culaysku saaran yahay ee Josep Maria Bartomeu iyo wafti uu hogaaminayo uu Lionel Messi ka mid yahay ayaa u safraya magaalada Monaco halkaas oo lagu samayn doono isku aadka Champions Leaque isla markaana lagu bixin doono abaal marina UEFA oo uu ka mid yahay xidiga Yurub sanadka ugu fiican oo uu qayb ka yahay Lionel Messi. Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha...

Khabiirka Sky Sports Guillem Balague kuna xeel dheer arimaha Spain ayaa bartiisa twitter-ka uga warbixiyay xaaladda suuqa kala iibsiga Barcelona gaar ahaan wararka kooxdaan la xiriirinaya xidigaha kala ah: Philippe Coutinho iyo Jean Michael Seri. Labdaan xidig si ba’an ayaa loola xiriirinayaa iney usoo guuri doonaan garoonka Camp Nou, tan iyo markii uu kooxda ka...

Kaliya shan kooxood ayaa ka dhiman in la buuxiyo tirada ka qeyb galeysa wareega groupyada koobka Champions League, caawa ayaana la sugayaa iney soo gudbaan oo ay 27-ka haatan diyaarka ah ku noqdaan 32. Celtic, Sevilla, Napoli, Maribor iyo Olympiakos ayaa xalay awoodooda ku kasbaday iney ka mid noqdaan kooxaha ka qeyb galaya tartanka xilli ciyaareedka 2017/2018, waxaana...

Burcadda jabsata baraha bulshada dadka caanka ah ayaa markaan adeegsaday farsamo cajiib ah oo ay ku jabsadeen akoonka rasmiga ah ee Barcelona ay ku leedahay barta twitter-ka, waxeyna aheyd arin jahawareerisay kubadda cagta. Burcadii jabsatay akoonka waxey daqiiqado ka farxiyeen Jamaahiirta Barcelona kadib markii ay kusoo qoreen barta rasmiga ah saxiixa Di Maria waxeyna...

Real Madrid ayaa markii 38-aad qabaneysa koobka maamuuska ah ee Santiago Bernabéu Trophy, waxaana caawa marti ku ah kooxda Fiorentina ee dalka talyaaniga, warka ugu weyn ayaana ah inuu 90-daqiiqo ciyaari doono Cristiano Ronaldo. Waa fursadda ugu fiican oo ay kooxda Fiorentina heysato si ay koob ugu guuleystaan madama ay sanadahii dhawaa wax koob ah arkin inkastoo ay wajahayaan...

Barcelona ayaa talaabadii ugu dambeysay u qaadi doonta hamigooda ku aadan saxiixa xidiga reer Brazil Philippe Coutinho, waxaana lasoo warinayaa in dalab aan caadi aheyn miiska loo saari doono inkastoo aan la ogeyn jawaabta ay ka bixi doonto. Kooxda ka dhisan Spain waxey miiska saari doontaa lacag dhan 136 Malyan oo Pound iyadoo wali aaminsan in wiilka Samba uu doonayo...

Cristiano Ronaldo ayaa si caro leh uga hadlay go’aankii ay maxkamadda xalinta khilaafaadka ee CAS kusoo diiday racfaankii ay Real Madrid ka qaadatay ganaaxiisa shanta kulan ee ay kusoo rogeen FA-ga Spain. Kabtanka Portugal ayaa casaan la siiyay kulankii lugta hore Supercopa de Espana markaas oo ay kooxdiisa marti ku aheyd Camp Nou, garsoore Burgos ayaa u arkay Ronaldo...

Weeraryahanka Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Barcelona isagoo la mataan ah Dani Alves oo muddo  8-sano ah ku sugnaa garoonka Camp Nou, waxeyna aheyd booqashadii ugu weyneed ee ciyaariyahan uu booqdo kooxda uu ka tagay. Labada xidig ee reer Brazil waxey sawiro la galeen qaar ka mid ah ciyaartoyda Balaugrana sidoo kalana sadexleyda...

Real Madrid ayaa hore balan ugu qaaday in ay samayn doonto wax kasta oo ay awoodo si Cristiano Ronaldo looga qafiifiyo ganaaxii shanta kulan ahaa ee lagu riday kadib markii uu kaadhka cas qaatay isla markaana uu garsooraha riixay kulankii lugtii hore ee Spanish Super Cupka, waxayna Madrid hoga rafcaan ugu qaadatay xidhiidhka kubbada cagta Spain oo markiiba soo diiday rafcaankooda....

Macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa wuxuu xiiseenayaa in safka kooxdiisa uu keensado saxiixyada laba xidig kaloo cusub, kahor inta uusan soo idlaan suuqan xagaaga, maadaama uu ku eg yahay 31 bishan. Hadaba wargeyska “Mundo Deportivo” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in macalinka ree france ee Zinedine Zidane uu si xoogan ugu faraxsan yahay kooxda uu haatan...

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda PSG ee isla markaana dhawaan Barcelona ka baxay ee Neymar Jr ayaa markii ugu horaysay dib ugu soo laabtay magaalada Barcelona isaga oo la kulmay ciyaartoydii uu sida muranku ku jiro kaga baxay ee Barcelona. Neymar Jr ayuu safarkiisa ku wehelinayeen Dani Alves iyo saaxiibadiisa kale. MSN ayaa dib ugu midoobay Barcelona laakiin markan...

Kooxda Barcelona ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku shaacisay in ay sharciga la tiigsanayso xidiga xulka qaranka Brazil isla markaana kooxdeeda sida muranku ku jiro uga baxay ee Neymar Jr. Barcelona ayaa doonaysa in Neymar Jr uu kooxdeeda dib ugu soo celiyo lacag uu hore u qaatay taas oo ka mid ahayd lacagtii uu ku heli lahaa gunadii ugu jirtay heshiiskii cusbaa ee...

Kooxda Borussia Dortmund ayaa Barcelona siisay digniin kama danbays ah oo ay ku dhamaystiri karto heshiiska xidiga ree France ee Ousmane Dembele. Borussia Dortmund oo waqti dheer soo diidanayd in 20 sano jirkan Ousmane Dembele uu kooxdeeda ka baxo xagaagan ayaa hadda si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay diyaar u yihiin in Dembele uu Barcelona ku biiro balse madaxa fulanta...

Barcelona ayaa u muuqata koox soo afjartay damacii ay u qabtay kubad sameeyaha Liverpool iyo xulka qaranka Brazil Philippe Coutinho kadib markii ay wax jawaab ah ka weysay kooxda reer England mudadii ay u qabteen oo ku ekeed fiidnimadii Axadda. Barcelona ayaa u qabatay Liverpool ilaa fiidnimada Axadda iney ku aqbasho dalab dhan 118 Malyan oo Pound oo ay xidigaan ka gudbisay...

Barcelona ayaa ku dhawaaneysa iney la saxiixato Xavi-ga Ivory Coast Jean Michel Seri kaas oo la sheegay shalay inuu qandaraas afar sano ah u saxiixay kooxda ka dhisan gobolka Catalan, balse haatan warbixino ka imaanaya Spain waxey sheegayaan in wakiilkiisa uu gaaray magaalada Barcelona si uu heshiiska u dhameeyo Balaugrana wali waxey u baahan tahay iney arimaha dhaqaalaha...