Scroll to Top

Laacib.net

Your Home Of Football News – Wararka Ciyaaraha Ee Ugu Danbeeyay.

Halyaygii hore ee xulka qaranka France isla markaana ka soo ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee William Gallas ayaa hadalo aan naxariis lahayn ku sifeeyay sababtii Anthony Martial looga saaray liiska xulka qaranka France u matali doona koobka aduunka. William Gallas ayaa eedayn u soo jeediyay Martial wuxuuna sheegay in uu isagu iska lumiyay fursada uu Russia ugu matali...

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui ayaa isniintii shaaciyay 23 ka ciyaartoy ee xulka qarankiisa Spain uga qayb gali doona koobka aduunka ee bisha fooda inagu soo haysa ka furmi doona dalka Russia, laakiin Dani Carvajal oo ka mid ah 23 ka ciyaartoy ee uu Julen Lopetegui magacaabay ayaa dhaawac looga saaray finalkii Champions league ee Real Madrid iyo Liverpool. Dhaawaca...

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaalada dhaawicii ku soo gaadhay kulankii finalkii Champions League ee Kiev isaga oo waliba balan u qaaday xulka qarankiisa Masar ee koobka aduunka ka qayb gali doona. Mohamed Salah ayaa sidoo kale u mahad celiyay jamaahiirtiisa fariimaha badan u dirayay. Mohamed Salah ayaa...

Mohamed Salah wali wuu ka soo muuqan karaa koobka aduunka marka laga yimaaddo dhaawicii xumaa ee xalay soo gaadhay. Garabka Liverpool waxaa lagdin garabkiisa ku kala bixiyey Sergio Ramos daqiiqaddii 26-aad ee fiinaalihii xalay 3-1 Liverpool Kiev looga adkaaday. Dhaawiciisaas waxa uu shaki galiyey ka qeyb qaadashadiisa koobka aduunka oo ay Egypt ka soo muuqaneyso markii...

Weeraryahanka Masar Mohamed Salah ayey dhibaato kasoo gaartay garabka kadib markii si garsoorka uu fahmi waayay dhaawac loogu geystay intii ay socotay ciyaartii ka dhacday Kiev ee lagu garaacay kooxdiisa Liverpool. Sergio Ramos ayaa si loo fahmay iney tahay ‚ÄúXaasidnimo‚ÄĚ u dhaawacay Salah xilli ay kubad ku wada dagaalameen bilowgii kulankii final-ka ee ka dhacay Kiev,...

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka France iyo kooxda kooxda Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot War saxaafadeed uu soo saaray saxaafada iyo jamaahiirtiisa ugu sharaxay go’aankiisa uu ku diiday in uu qayb ka noqdo liiska heeganka ugu jira xulka qaranka France ee koobka aduunka ka qayb gali doona haddii ay dhibaato soo gaadho liiska 23 ka ciyaartoy ee ee uu Didier Deschamps...

Tababaraha xulka Denmark ayaa si yar u weeraray xiddiga reer France Paul Pogba ka hor inta aysan labada wadan ku kulmin koobka Aduunka bisha soo aadan ka furmi doona dalka Russia. Hareide ayaa sidoo kale ku tilmaamay kooxda France oo uu leylinayo Didier Dechamps ineysan aheyn koox khaas ah sidoo kalana aysan laheyn ciyaartoy aan caadi aheyn oo laga heebeysto. Denmark ayaa...

Maaliyada cusub ee ay shirkada Nike u sameysay xulka Nigeria ayaa la soo bandhigay bishii Febraayo ka hor Koobka Adduunka, waxaana maaliyada soo bandhigisteeda ka qeyb qaatay xiddigo badan sida xiddiga Arsenal Alex Iwobi iyo xiddigaha Leiceste City Wifred Ndidi iyo Kelechi Iheanacho. Maaliyada cusub ee xulka Nigeria waxaa ku badan midabka cagaarka ah ee ay caanka ku yihiin...

Wargeysyada ugu waa weyn Faransiiska ee Le Parisien iyo L‚Äô√Čquipe ayaa qoraya saaka in xiddiga khadka dhexe ee Paris Saint-Germain Adrien Rabiot inuu warqad u qoray xiriirka kubada cagta Faransiiska oo uu ku diidayo inuu qeyb ka noqdo tababarka xulka France ee Koobka Adduunka ka dib markii uu iska waayay liiska 23ka ciyaartoy balse lagu soo daray 10ka xiddig ee dhigaalka...

Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa ka degay caasimada dalkiisa ee Buenos Aires si uu ula midoobo tababare Jorge Sampaoli iyo 22 ka ciyaartoy ee kale ee xulka qarankiisa Argentina kula matali doona koobka aduunka. Lionel Messi ayaa qayb ka ah 23 ka ciyaartoy ee uu Sampaoli u soo xushay in Russia ay ula duuli doonaan ka hor inta aanu furmin koobka aduunku. Lionel...

Xidiga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Paris Saint-Germain  ee Neymar Jr ayaa dib ula midoobay ciyaartoyda qarankiisa ee ay koobka aduunka ka wada qayb gali doonaan isaga oo ka hor intii aanu tababarka ku soo laaban si buuxda loo mariyay tijaabo caafimaad si xaaladiisa loo hubiyo. Neymar Jr ayaa muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaa kadib markii uu dhaawac halis...

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ee RFEF ayaa go’aan ku gaadhay in dhiiro galin wayn ay siiyaan xulka qarankooda ka hor koobka aduunka waxayna qandaraas cusub ku abaal mariyeen macalinkooda Julen Lopetegui. Madax waynaha cusub ee dhawaan loo doortay xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales ayaa si wayn taageero ugu muujiyay Julen Lopetegui isaga oo heshiis cusub...

Xulka Brazil ayaa aruurinaya ciyaartoydiisa si ay tababar u sameeyaan ka hor koobka Aduunka ee Russia ka bilaaban doona bartamaha bisha soo aadan, waxaana jirta kaliya hal siyaasad oo lagu soo kordhiyay kooxda u duuleysa dhulka qabow. Neymar Junior ayaa xarunta tababarka xulka ee Teresopolis ku yimid diyaar qaas ah, taasoo noqotay siyaasad ay adeegsanayaan qaranka Brazil...

Tababare Julen Lopetegui ayaa shalay ku dhawaaqay liiskiisa ugu dambeeya ee raaci doona diyaaradda ka bixi doonta magaalada Madrid ee ka dagi doonta dalka Russia si ay kaga qeyb galaan koobk Aduunka ee bartamaha bisha soo aadan ka furmi doona dhulka qabow. Waxaa jira dhawr ciyaartoy oo laga reebay qaranka kuwaas oo qudhooda doonayay iney matalaan qarankooda, ciyaartoy...

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui  ayaa liiska 23-ka ciyaartoy ee La Roja uga qayb gala koobka aduunka ka reebay gool dhaliyaha kooxda Chelsea ee Alvaro Morata. Julen Lopetegui  ayaa liiska xulka qarankiisa ee weerarka u magacaabay xidigaha kala ah Marco Asensio, Iago Aspas Diego Costa Rodrigo Moreno iyo Lucas Vazquez, waxaana liiskan iska dhex waayay...

Tababaraha xulka qaranka Spain ee Lopetegui ayaa maanta si rasmi ah ugu dahwaaqay liiska 23ka xidig ee uu koobka aduunka kala qayb gali doono wuxuuna ka saaray xidigo magac wayn leh oo la filayay in ay liiska xulka qaranka Spain ku soo bixi kareen. Lopetegui ayaa aaminay ciyaartoy badan oo da’yar ah isaga oo go’aan adag ku gaadhay in uu xidigo badan liiskan ka reebay. Haddaba...

Tababaraha xulka qaranka Argentina ee Jorge Sampaoli ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay liiska kama danbaysta ah ee xulka qarankiisa uga qayb gali doona koobka aduunka waxaana liiskan laga reebay kabtanka Inter Milan tarta ka Champions League u soo saaray ee Mauro Icardi. Inkasta oo uu Mouro Icardi kooxdiisa Inter Milan u soo dhaliyay 29 gool isla markaana uu ahaa xidigii...

Safiirka koobka aduunka ahna modheladda Russia Victoria Lopyreva ayaa ka aragti diibatay qofka ah laacibka dunida ugu wanaagsan, sidoo kale waxa ay ka hadashay qofka ay u taqaan in uu dhinaca labiska ugu horreeyo. Gabadhan oo ahayn gabadhii ugu quruxda badneyd ee Russia ayaa sanadkii hore dadaal dheer u gashay sare u qaadidda koobka aduunka ee dalkeeda lagu qabayo, waxaa...

Radja Nainggolan waxa uu ku dhawaaqay in uu ka fariistay cayaraha caalamiga ah kaddib markii laga reebay xulka qaranka Belgium ee ka qeybgalaya koobka aduunka. Nainggolan waxa uu noqday magacii ugu layaabka badnaa ee laga reebay ciyaaryahanada ka qeybgalaya koobka aduunka xilli uu Martinez magacaabay 28 xiddig kuna sheegay reebitaanka xiddigga Roma mid KAARTO ku saleysan. Waa...

Roberto Martinez ayaa ku dhawaaqay liiska hordhaca ah ee ciyaartoydiisa Belgium kuwaas oo ka qeyb galaya koobka Aduunka ee bisha soo aadan ka furmi doona dalka Russia. Si layaab leh waxaa xulka looga waayay liiskiisa Radja Nainggolan kaas oo ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan qaranka, dhawr jeer ayey dhacday in laga reebo kulamadii isreeb-reebka. Adnaan Januzaj ayaa looga...