Scroll to Top

Laacib.net

Horyaalka Ciyaaraha Caalamka

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya ugu yaraan laba ama sadex ciyaartoy marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana si hoose loo helay inuu xidig muhiim ah ka doonayo Chelsea. Jariiradda Telegraph cadadkeedii maanta ayaa lagu daabacay in Jose uu isha ku hayo kubad sameeyaha reer Spain Cesc Fabregas kaas oo ay ka wada shaqeeyeen xilli...

Waxaa xalay Wembley Stadium lagu soo gabagabeeyay tartanka Leaque Cupka waxanaa 3:2 koobkan ku qaaday Manchester United kadib markii ay kulan si adag loogu dagaalamay dhinac iskaga dhigtay kooxda Southampton. Wuxuuna ahaa kulan si toos ah looga baahiyay in ka badan 200 dal oo caalamka ah isla markaana ay ka soo qayb galeen in ka badan 85,000 kun oo qof. Laakiin tartankan...

Inta badan kooxaha Ingariiska ayaa shalayto iyo doraad waxa ay ciyaareen kulamada 26aad ee xilli ciyaareedka Premier League iyadoo caawa ay dheelayaan Liverpool iyo Leicester City, halka kooxaha Arsenal, Man United, Man City & Southampton uu isbuucaan u baaqday kulamadii Premier League madaama Man United iyo Southampton ay ciyaarayeen finalka EFL Cup oo ay hanatay...

Eden Hazard ayaa aaminsan in Chelsea ay taqaano sida loo hanto horyaalka Premier League-ga isagoo tusaale usoo qaatay wixii ay sameeyeen laba sano ka hor markaas oo ay u dabaal dageen hanashada horyaalka. Wiilasha Antonio Conte waxey wali yahiin kuwa ugu cad-cad horyaalka sidoo kalana waa kooxda hogaamineysa horyaalka oo qof walba uu u saadaalin karo waxeyna haatan 10-dhibcodo...

Antonio Conte ayaa aaminsan in mustaqbalkiisa kooxdaasi uusan aheyn mid amaan ah xitaa hadii uu kooxdiisa kula guuleysto horyaalka Premier league oo ay 11 dhibcood ku hayaan hogaankiisa. Conte ayaa tusaale u soo qaatay in shaqada laga ceyriyay maclainkii sida lama filaanka ah kooxda Leicester ugu qaaday horyaalka ingiriiska ee Cluadio Ranieri wuxuuna yiri “Waxaan...

Cesc Fabregas ayaa aaminsan inuu ku guuleystay dagaalkii ugu weynaa ee waayihiisa ciyaareed kadib markuu sheegay inuu ka guuleystay kalsooni daradii uu macalin Antonio Conte ku qabay isaga bilowgii xili ciyaareedkaan. Xidiga ree Spain ayaa sheegay iney sahal u aheyd inuu isaga cararo kooxdiia Chelsea kadib markuu waayay booskiisa kooxdaasi Blues tan iyo markuu Antonio...

Dad badan ayaa aaminsan in N’Golo Kante uu yahay farqiga u dhexeeya Chelsea-dii xili ciyaareedkii hore dhibtoonaysay iyo Chelsea-da maanta koobka horyaalka Ingiriiska ugu dhaw in ay ku guulaysato, sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in N’Golo Kante uu yahay xidiga ay Leicester City u burburtay ee ay heerka labaad in ay udhacdo qarka ugu saaran tahay. Laakiin...

Chelsea ayaa sii adkaysatay hogaanka Premier Leaque-ga kadib markii ay guul muhiim ah garoonkeeda Stamfrod Bridge kaga gaadhay kooxda Swansea City oo iska caabin xoogan kala hortimid, waxayna Chelsea hogaanka Premier Leaque-ga ku qabtay 11 dhibcood oo nadiif ah ka hor inta ayna Manchester City oo kaalinta labaad ku jirtaa ayna ciyaarin kulankeeda. Fabregas oo saftay kulankiisii...

Kooxda Chelsea ayaa sii dheereysatay hogaanka horyaalka Premier League iyagoo haatan 11 dhibcood kaga haya kooxda kaalinta labaad ee Man City oo berri ciyaari doonta ka dib markii ay 3-1 ku garaaceen kooxda Swansea oo marti ku aheyd Stamford Bridge, waana kulankii 12aad ee isku xiga ee ay Chelsea ku badiso gurigeeda taasoo rikoor cusub u ah, iyadoo Cesc Fabregas uu wacdarro...

Antonio Conte ayaa ku soo bilaabay Cesc Fabregas khadka dhexe ee Chelsea kulanka ay haatan la ciyaarayaan Swansea City, iyadoo xiddiga khadka dhexe uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Isbaanish ah ee safta 300 kulan horyaalka Ingariiska. Cesc Fabregas ayaa gaaray tiro muhim ah oo uu ku galay rikoorka Premier League isagoo haatan saftay kulankiisii 300aad intii uu...

Tababare Antonio Conte ayaa isbedel ku sameeyay shaxda khadkiisa dhexe isagoo ugu danbeyn kulan Premier League ah ku soo bilaabay Cesc Fabregas kaasoo booska kala baxay Nemanja Matic oo ka mid ah xiddigaha kursiga keydka waxaana uu ka garab ciyaarayaan Kante iyadoo garbaha ay ka dheelayaan Moses iyo Alonso. Dhinaca kale Pedro ayaa isna ku soo bilowday seddexda weerar...

Cesc Fabregas ayaa sheegay inuu “Boqolkiiba 100” uu sii joogi doono kooxda Chelsea sanadka danbe wuxuuna sidoo kale sheegay inuusan marna shaki galin mustaqbalkiisa kooxdiisa, inkastoo 29 jirkaan si weyn loola xiriirinayo inuu isaga tagayo garoonka Stamford Bridge kadib markuu boos ka waayay shaxda macalin Antonio Conte uuna kaliya ku soo bilowday shan kulan...

Chelsea ayaa xaqiijisay in Frank Lampard lagu sharfi doono  garoonka Stamford Bridge isagoo noqon doona marti qaas ah kulanka ay  maanta la leeyahiin Swansea City. Lampard oo isaga tagay New York City dhamaadka qandaraaskiisii bishii November, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay kubadda cagta bishaan. Halyeeygii hore qaranka England ayaa noqday gooldhaliyaha ugu sareeya...

Chelsea ayaa heysata fursad weyn oo ay ku dheereysan karto dhibcaha ay ku heyso hogaanka horyaalka madama aysan ciyaari doonin kooxda kaalinta labaad ee Manchester City todobaadkaan. Blues 8-dhibcood ayey ka horeysaa Citizens, kuwaas oo loo baajiyay kulankoodii Manchester Derby, sababo la xiriira in United ay Axadda ciyaareyso Finalka EFL Cup. Si kastaba Blues waxey heysataa...

Real Madrid ayaa muhiimada kowaad ka dhiganaysa sidii ay Chelsea ugala soo wareegi lahayd goolhaye Thibaut Courtois iyada oo Florentino Perez uu maanka ku hayo wixii ka soo gaadhay heshiiskii fashilmay ee David De Gea uu Real Madrid ugu biiri lahaa.  In Chelsea ay diyaar u tahay dalab ay ka gudbiso goolhaye Jan Oblak oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Atletico...

Kooxda horyaalka France ee AS Monaco ayaa wajahaysa dagaal ayna awood u lahayn in ay iska caabin ka samayn karto balse ugu yaraan waxay awood u leedahay in ay lacag wayn ka samayn doonto xidigaha kooxdeeda mustaqbalka u ah kuwaas oo kooxaha Yurub ugu waa wayni ay ku fiirinayaan indho waali ah isla markaana ay ugu jiraan dagaal aan hore loo arkin. Qaab ciyaareedka xidigo...

Real Madrid ayaa dhamaadka xili ciyaareedkan doonaysa in ay si wayn xoojin ugu samayso safka kooxdeeda kadib markii ay ku guulaystay rafcaankii ay ka qaadatay ganaaxii FIFA ay ka saartay suuqa kala iibsiga. Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez ayaa diyaar u ah in uu suuqa ku bixiyo lacag badan si uu u helo xidigo muhiim ka noqon doona safka Los Merangues.Real...

Kooxaha Manchester City iyo Chelsea ayaa xagaagii hore ku hungoobay saxiixa difaaca kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci kaas oo ay Antonio Conte iyo Pep Guardiola kooxahooda ka doonayeen. Laakiin markale Guardiola iyo Conte ayaa ku dagaalami doona saxiixa Leonardo Bonucci oo markan ay isku dhacsan yihiin tababaraha kooxdiisa ee Max Allegri.Sida uu ku waramay wargayska...

Xiddiga khadka dhexe kooxda Atalanta Franck Kessie ayaa daboolka ka qaaday in Manchester United ay tahay kooxda uu jeclaan lahaa inuu u ciyaaro. Franck oo lagu tilmaamo Yaya Toure-aha cusub wuxuu qaab ciyaareed ilqabad leh ka sameeyay horyaalka Serie A-da wuxuuna haatan kusii socdaa inuu ku biiro mid ka mid ah kooxaha ugu waaweyn qaaradda yurub. Chelsea iyo United ayaa...

Waxaa goordhaweyd la shaaciyay taariikhda iyo waqtiga la ciyaarayo kulamada wareega 8da ee koobka FA Cup iyadoo kulanka ugu soo horeeya la ciyaari doono maalinta Sabtida ee 11ka bisha March, waxaana iska horimaanaya Middlesbrough oo martigelin doonta kooxdii kulanka ku celiska ah ka soo baxda ee Huddersfield iyo Manchester City iyadoo ciyaartaan waqtiga Geeska Afrika...